Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Laba Xubnood u magacaabay Kastamka Saylac

0
Friday May 15, 2020 - 00:24:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Laba Xubnood u magacaabay Kastamka Saylac

    Wasiirka Sacad Cali Shire ayaa kastamka sedexaad ee dalka ee Saylac u magacaabay maamule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Sacad Cali Shire ayaa kastamka sedexaad ee dalka ee Saylac u magacaabay maamule

Hargaysa(HWN):-Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland dr. Sacad Cali Shire ayaa magacaabis, isku badal iyo xilka qaadis ku sameeyay qaarkamid ah maamulayaasha kastamada cashuuraha Somaliland .


Wasiirka Sacad Cali Shire ayaa kastamka sedexaad ee dalka ee Saylac u magacaabay maamule iyo maamule kuxigeen ah kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin.


Maamule Maxamed Cilmi Ismaaciil iyo Maamule kuxigeen Jamaal Ciise Obsiiye. Laba masuul ee loo magacaabay kastamka saylac ayaa ah laba masuul oo dhalinyaro ah aqoon fiicana uleh maamulka kastamiska somaliland iyagoo kasoo shaqeeyay kastamo kala duwana oo gobolada dalka ah.

Sidoo kale Maxamed Cilmi Ismaaciil Iyo Jamaal Ciise Obsiiye oo loo Magacaabay maamulaha iyo maamule ku xigeenka 1aad Ee kastamka Saylac.


Ka sokow xeeldheerida aqooneed ee ay u leeyihiin nidaamka iyo hannaanka cashuureed ee customs ka waa laba masuul oo sharaf iyo karaamo badan ku leh guud ahaanba Qaranka iyo Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaanna Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.


Maamulka cusub ee kastamka magaalada saylac ayaa la filayaa in ay waxbadan soo kordhin doonaan iyagoo lagu wado in ay dardar galiyaan shaqada kastamka islamarkaana ay qor uqaadaan dakhliga kastamka.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...