Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay In Isbedel Lagu Sameeyey Heshiiskii Imaaraadka Ee Madaarka Berbera

0
Thursday May 14, 2020 - 18:25:23 in News by
  • Visits: 4733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay In Isbedel Lagu Sameeyey Heshiiskii Imaaraadka Ee Madaarka Berbera

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay In Isbedel Lagu Sameeyey Heshiiskii Imaaraadka Ee Madaarka Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay In Isbedel Lagu Sameeyey Heshiiskii Imaaraadka Ee Madaarka Berbera


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in aanay waxba iska badalin Heshiiskii Saldhiga Milatari ee Madaarka Berbera Diyaaraha Shacabka sidoodii hore u isticmaalayaan Madaarkaas.

Image may contain: 1 person, sitting


Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay hantida labadii Sannadood ee la soo dhaafay ay la soo noqotay.


Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu Maanta soo saaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), isla markaana ah afhayeenka Xukuumadda.


Waxaana uu u dhignaa sidan.


"Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa War-saxaafadeed hore uga soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo aanu dib u sixid ku sameynay meelo ka mid ah hantidii ay dib ula soo noqotay Xukuumadda JSL, waana sidan hoos ku cad.


Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera Qeybta Dhuumaha Shidaalka ee ka soo Nuuga Maraakiibta Kuna Shuba Keydka Haamaha Shidaalka  Qalabka Hubinta Tayada Shidaalka
Taargooyinka kala duwan ee Dalka sida Kuwa Dawladda, Shicibka iyo Kuwa Q/Midoobay, Hay’adaha Caalamiga Iyo Kuwa Maxalliga.


Liisamada Baabuurta ee Shicibka iyo kuwa Hay’adahaba. 

Dhukumentiga Wadda Marista ee lagu dhejiyo Muraayadda hore ee Baabuurta.

Tikidhada Cashuuraha iyo Cusbooneysiinta Liisamada kala duwan.

Kirooyinka Gaadiidka ku Nasanaya Barxadda Madaarka (Parking)
Hudheelka Hargeysa Club oo ka mid ah Goobaha Taariikheed ee Dalka.


Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo hore loogu bixiyey heshiis saldhiga Millatari oo dhexmaray 2017kii Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta. Waxa uu sax ku yahay warkaasi in imika laga dhigay mid Diyaaradaha Shicibka ahi ay sidoodii hore u isticmaalayaan, iyadoo aan waxba laga beddelin heshiiskii hore u dhexmaray labada dal.


La Wareegidda Dhulka Ballaadhan ee dhawaan la Deyray oo Laga dhisayo Xarun u Qalanta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.


Xaruntii Khayriyada Hargeysa oo hadda Xukuumaddu ka wado dhisme Madxaf qaran.
Intaa Waxa Dheer Diiwaangelin iyo Tira-Koob Lagu Sameeyey Dhammaan Hantida Ma-Guurtada ee Qaranku Leeyahay ee ku kala yaal Gobollada Dalka , Waxana laga Hawlgalay 1dii Sep 2018kii Injineerro ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Kuwaas oo Hawshaa Diiwaangelinta muddo Laba Bilood ah ugu Maqnaa Gobollada dalka, si ay Indhahooda ugu soo Arkaan.


Geba-gebadii


"Waxay soo diwaangeliyeen oo ay soo tira-koobeen nantida ma-guurtada ee Qaranku leeyahay oo dhan afar kun laba boqol iyo sideed lixdan (4,268).


Oo isugu jira seerayaal, garoonnada ciyaaraha, dhaamam, ceelal, MCH-yo, dhismayaal shicib ku jiro Iyo sidoo kale dhammaan xarumaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee dalka ka dhisa dib u sixid kooban oo ku saabsan goobaha iyo adeegyada xukuumaddu dib ula soo noqotay”

Loading...
Loading...