Gudoomiyaha Hay'addaha Shaqaaluhu Sharcigee Ka Hakiyey Beddelka Agaasimihiisa Maamulka Iyo Lacagta?

0
Thursday May 14, 2020 - 16:18:30 in News by
  • Visits: 1202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Hay'addaha Shaqaaluhu Sharcigee Ka Hakiyey Beddelka Agaasimihiisa Maamulka Iyo Lacagta?

    Gudoomiyaha Hay'addaha Shaqaaluhu Sharcigee Ka Hakiyey Beddelka Agaasimihiisa Maamulka Iyo Lacagta?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Hay'addaha Shaqaaluhu Sharcigee Ka Hakiyey Beddelka Agaasimihiisa Maamulka Iyo Lacagta?


Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Farxaan Aadan Haybe ayaa bilaabay isku shaandhayn uu ku sameeyo Agaasimeyaasha maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Haayadaha Dawliga ah dabayaaqadii sannadkii 2019ka, waxaanu qorshuhu u ahaa in aanu agaasime qudhi joogin xaruntiisa 2020ka. Waxa la isku beddelay dhammaan intii bartooda/shaqadaas haysay in ka badan 3 sanno, marka laga reebo laba xafiis, kuwaas oo kala Agaasimeyaasha maamulka iyo maaliyadda ee Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo Haayadda Qaxoontiga iyo Bare-kacayaasha Qaranka.

Somaliland: Shaqaalaha Dawladda oo la Fasaxay Sabtida | Solna


Agaasimeha maamulka iyo maaliyadda ee Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Amaal Cabdiraxmaan Axmed waxa ay xilkaas haysaa illaa labaataneeyo gu’, illaa shan guddoomiye ayaa xilka ka degay intii ay xafiiskan joogtay, sidoo kale la’aanteed far lama qaado. Xilal badan ayay si dadban u haysaa. Isbeddelkaasi waxa uu micne yeelan lahaa haddii laga bilaabo xafiiska haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland.


Qofku haddii uu kursi ku fadhiyo labaataan sanno iyo dheeraad, saw moodi maayo in uu leeyahay?. Is-fahan dhexmara agaasinka lacagta iyo masuulka u sarreeya xarunta dawliga ah ayaa sababa musuqmaasuq Waana sababta aan hawl-wadeennadaas loo taaban inta badan.


Nin boqor ahaa ayaa beri maamuli jiray xoolo-dhaqato iyo beeralay Wuxuu yidhi "Qfka ay xoolihiisu u daataan beer qof leeyahay waxa lagu ganaaxayaa in uu hadhuudh ka buuxiy ama ku qariyo joogga waran kor loo taagay”. Ciqaab adag bay ahayd, qof kastaana wuu ilaashaday xoolihiisii. Maalintii dambe ayay xoolihii boqorku u daateen beer, oo dalag ka cuneen. Inta uu warankii jiifiyay ayuu hadhuudh ka buuxiyay, waayo marka la jiifiyo hadhuudh yar ayaa buuxinaya/qarinaya.


Dadkii ayaa yidhi "Waa sidee mudane?”. Waxa uu yidhi "La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan”. Waa astaan muujinaysa in aanu sharcigu qabannin masuulka xilka haya. Imaka xaalka Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Ma la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan baa?


Waxa la-yaab ah in warbixintan oo ay daabacday Hadhwanaagnews 14kii Jenewrri 2020ka in aan waxba laga qaban, gaar ahaan Guddooomiye Farxaan Aadan Haybe waxa uu awoodo dheeraad ah siiyay Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee ay ahayd in uu beddelo. Lama garan karo sababta keentay in uu ka habrado xilka saaran Guddoomiyeha Haayadda Shaqaaluhu, taas beddelkeedana waxa uu shaqaalihii dawladda ku caydhinayaa codsi ay masuuliyiin kale u soo direen.


Farxaan Aadan Haybe waxa la gudboon in uu fuliyo sharciga xarunta ama haayadda uu u magacaaban yahay, halka uu kaga mashquulayo ku-tumashada xuquuqda shaqaalaha kale, isaga oo cid iska dhaadhicinaya. Waxa aannu leennahay "Farxaanow waxa lagaa sugayaa inaad sharciga isku shaandhaynta ka fuliso Haayadda Shaqaalaha Dawladda ee aad madaxda ka tahay”

Loading...
Loading...