Daadad horleh oo ku fatahay Magaalada Beledweyne

0
Thursday May 14, 2020 - 12:48:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daadad horleh oo ku fatahay Magaalada Beledweyne

    Muddo 7 bilood ayaa laga joogaa fatahaadii ugu dambeysay oo dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo 7 bilood ayaa laga joogaa fatahaadii ugu dambeysay oo dhacay

Meydad horleh oo laga helay fatahaada Wabiga Baladweyne - Radio ...


Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa mar kale ka dhacay fatahaado uu sameynayo wabiga Shabeelle, oo sanadihii ugu dambeeyey ay dhibaato ku qabeen dadka degan magaalada.

 

Fatahaadahan cusub, oo yimid xilli ay socdeen dadaallo lagu xakameynayo fatahaadaha ama lagu yareynayo khasaarahooda, ayaa keenay barakac ay dadka magaaladu sameynayaan.

 

 

Muddo 7 bilood ayaa laga joogaa fatahaadii ugu dambeysay oo dhacay bishii October ee sanadkii hore ee 2019, taasi oo sababtay khasaare nafeed iyo mid maal.

 

Qaar kamid ah dadka weli ku haray Magaalada Beledweyne ee aan barakacin ayaa waxaa ay sheegeen in Magaalada ay buux dhaafiyeen Magaalada,isla markaana badi dadka ay barakaceen.

 

Waxaa ay sheegeen in weli fatahaada aysan geysan khasaaro nafeed iyo min jantiyeed,balse loo baahan yahay in la sameeyo ka hortag si aysan ugu fatahin Gudaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.


Loading...
Loading...