Roob wata dabeylo oo ka da'ay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal

0
Thursday May 14, 2020 - 12:47:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roob wata dabeylo oo ka da'ay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal

    Qoysaska barakacayaasha ah, ayaa haatan la soo sheegaya in ay cidlo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoysaska barakacayaasha ah, ayaa haatan la soo sheegaya in ay cidlo


Roobab ka da'ay qaybo kamid ah Puntland

Roob dabaylo wata oo xalay ka da’ay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, ayaa dhulk la simay guryo ka samaysan coosh oo ay degganaayeen barakacayaasha ku sugan degmadaasi.

 

Dadweynaha magaalada, ayaa soo sheegaya in xaafaddii barakacayaasha Buurtinle uu Roobkkaasi khasaare xooggan gaarsiiyay, kadib markii uu dhulka la simay guryihii ay degganaayeen oo coohashado ka samaysnaa.

 

Qoysaska barakacayaasha ah, ayaa haatan la soo sheegaya in ay cidlo bannnaan tuban yihiin, oo aysan haysan wax hooy ah, maadaama guryahoodii cooshka ay xalay ku dumeen dabaysha Roobka halkaas ka da’ay.

 

Sidoo kale, Roobkii xalay ayaa waxyeello gaarsiiyay guryo badan oo isu’gu jira degaan iyo ganacsi, kuwaas oo ay saqafyada ka qaadday dabaysha, iyadoo wararka qaar sheegayaan in sidoo kale waxyeello gaartay korontada magaalada.


Loading...
Loading...