Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 21aad

0
Thursday May 14, 2020 - 10:50:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 21aad

    Fadliga cibadaada habeenkii (2)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadliga cibadaada habeenkii (2)

Inta badan waxa aynnu u hirannaa hawl kasta oo aynnu qabanayno in aynnu ku helno abaalcelin u qalanta shaqadaa aynu qabanay. Mar kasta oo maamuus laguu muujiyana waxa aad sii labban-laabtaa hawlkarnimadaadii, taas oo aad ku doonayso mar walba in aad ahaato mid la xurmeeyo, shaqadiisana lagu bogaadiyo. Haddaba Alle SWT hawl kasta oo aad u qabato isaga dartii waxa aad kaga helaysaa abaalgud aanad filanayn xaddigeeda.

Habka loo tukada salaadda habeenkii waa qofka oo aan isku darin wax laba rakcadood ka badan sida Rasuulka CSW ka sugan, "Salaadda habeenkii waa laba laba rakcadood.”Xadiiskaasi wuxu bidhaaminayaa in laba rakcadood marka aad tukato aad ka baxayso salaadda haddana aad laba kale aad u kacayso.

Waxa lagu soo afmeeraa oogista salaadda habeennimo hal rakcad oo la yidhaa salaadda kalida ah (Witri) waanna rakcad qudha.Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday, "Habeenka laba witri kuma wada jiraan.”Sidaa ajligeed haddaad hore u soo tukato taraawix oo aad la soo dhammaysatay imaamka, marka aad tahajudka tukanayso la dhammaysan maysid, ee marku salaadda ka baxo uun baad rakcad kale u kici, ama salaadda witrigaa ee uu ku soo afmeerayo salaadda la tukan maysid.

Salaadda la oogo habeenkii waa salaadda ugu qiimaha badan marka laga tago kuwa faralka ah, "Salaadaha waxa ugu fadli badan marka laga reebo kuwa faralka ah, salaadda habeenkii la tukado.”

Salaaddani dheeraadkaa hawl yari kumay helin, qofkii wuxuu ka toosayaa hurdadiisii, wuxuu u kacayaa oogis salaad aan lagu waajibin, laga yaabaa biyo qabow in uu ku waysaysanayo, haddana waxaas oo dhan uma jeedee oogista salaadda ayuu u jeeda. Qalbigiisa waxa ruxa aayadaha Alle SWT marka uu akhriyo, sida Alle SWT sheegay, "Aayadkayaga waxa rumeeyey, kuwa marka Ilaahay la xuso la dhaca sujuud, ee tasbiixsada, una mahadceliya Rabbigood iyaga oo aan is kibrinayn, dhinacooguna jiifka ka dheeraaday.” Wuxu is tusinaya hirarka fog ee Alle SWT bidhaamiyey in la helayo, "Kuwa Alle ka cabsada waxa u sugnaaday jannooyin, wabiyaal iyo degenaasho dhab ah oo Ilaahay agtiisa laga helayo.”

Cagahaa bararaya, murqihiisa daalaya, cunihiisa iyo qalalaya wuxu ku rabaa jannooyinkaa Alle, si uu taas u gaadho ayuu dhiniciisa habeenkii dhulka ugu diidayaa in yar mooyee, "Waxay ahayeen kuwo habeenkii inyar uun seexda.”Sidaa waxa leh Alle.Waana ta dhabta ah ee lagu gaadhayo abaalgudka sare ee Alle SWT inoo sheegay.

Mar kasta oo aad ku jirto gudashada cibaado uu Alle SWT ku faray ogow in aad u dhawdahay Alle SWT. Waxa Rasuulka CSW ka sugan, "Addoonku wuxu Alle ugu dhaw yahay markuu caabbudayo.”Waxa looga jeedaa markuu sujuudsan yahay.

Qofku halka uu mar walba uskaga ka ilaaliyaa waa wajigiisa, uma oggola in wax yari ka gaadhan, sida oo kale haddii wax lagu soo tuuro markaba wajiga ayuu qariyaa, waxa uu u qarinayaana waa in aannu u oggolayn wax wajiigiisa xumeeya. Haddaba qofku marka uu cibaadaysanayo wuxu madixiisa u foorariya waliba dhulka u dhigaa waa Alle SWT dartii, taasaa ah abaalweyn oo Alle SWT kuu ogsoon yahay, adiguna waxa aad sharaf ku helaysaa kolba inta aad Alle SWT isku dhul dhigto.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...