Amlaak Kuma Lahaan Jirin Berbera. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

0
Thursday May 14, 2020 - 10:37:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amlaak Kuma Lahaan Jirin Berbera. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

    Xaaji aadan axmed afqalooc markii uu berbera kasoo degay wuxu arkay in Hindi iyo carab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaji aadan axmed afqalooc markii uu berbera kasoo degay wuxu arkay in Hindi iyo carab



 badani wadankii joogto soomalidiina ay ku shaqaysanayso isagoo arinkaas aad uga xumaaday. Xaajigu dhacdadaas aad ayuu uga xanuunsaday wuxu u arkayey in wadankii la dhaxal wareejiyey oo umado kale dheeftiisa kiishash ka buuxsato halka soomaliduna shaqaale ka yihiin dukaanada hindida iyo carabta ee berbera ku yiiley. Alle ha u naxariistee wuxu halkaas ka tiriyey gabaygii ugu horeeyey markii uu dalka kusoo noqday, xaaji wuxu markiiba isugu yeedhay dadkii soomaliyeed isagoo ku shiriyey xeebta batalaale ee berbera waxaanu u sheegay in gumaysigu sadex dhardhaar ku taagan yahay ka ugu horeeyana uu yahay ganacsiga isagoo markaas kula taliyey inay somalidu gar u leedahay magaalada iyo ganacsigeedaba.


Ararta gabayga ayuu Xaaajigu wuxu inoogu sheegayaa in somalidu idil ahaanteed aanay wax hantiya ku lahayn berbera, dad shaqaale ah mooyee, carabtii magaalada dhoobnayd iyo hindidii ganacsiyada ku lahaa ayuu sidoo kale ina xasuusinayaa, wuxu abwaanku alle ha u naxariistee soo ban bixinayaa dhibkii ay somalidii carabta iyo hindida u shaqayn jirtey ay ku qabtay iyo siday adeega ugu diran jireen, sidaa si lamid ah wuxu abwaanku banka keenayaa sidii reer miyigii berbera u soo safri jirey ee xoolaha keeni jirey loogu tacadiyi jirey ee marka ay xoolaha keenaan dukaanada ay wax ka iibsanayaan loogu dhibi jirey iyo sidii ay u necbaayeen carabta iyo hindidu weydiimaha dadka reer miyiga ah, wuxu si dhaba inoo xasuusinayaa ajanabigii dalka joogay inay ahaayeen kuwii aduunka soomali dhacay, abwaanku waxay soomalidu ula ekaatay inay yihiin umad ehlu qubuur ah oo waa hore xabaalaha lagu daray hadal iyo waxqabsina aan sinaba looga sugayn, meerisyada xiga abwaanku muu iloobin inu ina xasuusiyo lacagtii ay ururin jireen ee ay dalka dibidiisa u diran jireen si ay ugu horumariyaan dhulkii ay ka yimaadeen waxa kamid ah ereyo badan oo af hindi ah oo abwaanku isticmaalay una adeegsaday qaar kamid ah meerisyada soo socda wuxu yidhi:


·       Amlaak kuma lahaan jirin berbera idilka soomaale

·       Nin abaane mooye mushtare lama aqoonayne

·       Afariyo shan carrabaa makaan aada ku lahaaye

·       Ardal baaniyaaliyo hindibaa ubuxu saarnaaye

·       Iyagaa asaastaye nin kale kuma ilwaadnayn

·       Adeegay idiin diran jireen aqal aad fiiqdaane

·       Idinkoo afmeerkiyo ka yimid idhanka gaaroodi

·       Oo soo araday oo berbera adhiyo geel keenay

·       Ahminkaaga goortaad gadato oo imato daaskooda

·       Hadaad tidhaa astaartiyo maryaha iibku wuxu joogo

·       Afku dhabasho mooyee su’aal ma ogolaanayne.

·       Sida eydiyo dacawaday idin eryaayeene

·       Areer maadiyo  agjoog af xumaa ku ogolaydeene

·       Ihaaniyo quudh baad qabteen edebtu diidaaye

·       Nimankii aduunkiina dhacay idiljiqoomkiisa

·       Iyo carabta reer shexera ee adhaxda gaagaaban

·       Itifaaqyada sabankaa hurdada ku ibtiloowdeene

·       Wax akhbaarta layskugu dirayey ooy ila ekootay

·       Inaad ehlul qubuuriyo tihiin aadmi maytiyo’e

·       Ixsaan kama falayn xoolahay ururinaayeene

·       Ragii dahabka alakoodin jiray eega waa foqore

·       In yar baa hadhee laga kexee aradkii soomaale

·       Ilmaadeeradiin baa ku jira aqaladoodiiye

·       Laga iibsay daaraha waxay ku ismanaayeene

·       Aswaaqdii majuusigu fadhiyey eydii laga saarye

·       Laga eri arwaaxdii jiniyo ubadkii shaydaane

·       May aqoonin diintee jinbay  ku aabudayeene

·       Ashahaaday guriguu fadhiyey inankii raamraame

·       Nimankii dabada ka aradnaa eel  kusoo noqoye

·       Amdaashiyo awliyada iyo ehel karaamaadka

·       Abal qaasim rasuulkii amrane ee u ifa kawkoo dhan

·       Nabiguu ku aaminay sharciga qaadirka abuuray

·       Awqaada khayrkiyo bilaha laysku soo ururo

·       Halkii sanamkii oolaayey baa lagu adeecaaye

·       Iqbaaliyo nasraa idiin kacayoo aayadii rogaye

·       Abkastaba ha noqdee waa tujaar inamadiiniiye

·       Aduunkay heleen kalama tegin aradka soomaale

·       Ma inkirin ixsaankee sakaday aad u bixiyeene

·       Agoontiyo faqiirkaba way wada ikraameene

·       Ilaah baydkiiyabay dhiseen waqaf islaameede.


Xaaji aadan axmed afqalooc alle ha u naxariistee wuxu gabayga ku soo gabogabaynayaa wanaaga iyo waxtarka dhexdeeda ay samayn jireen ganacsatada somaliyeed ee dibadaha ganacsiyada ka samaysatay wanaagaa oo ay kamid ahaayeen caawinta ehelka iyo qaraabada, xididka iyo xigaalka k

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...