Saameynta Korona: Dhacdooyinka Gudaha Masaajidada W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Thursday May 14, 2020 - 09:56:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameynta Korona: Dhacdooyinka Gudaha Masaajidada W/Q: Cali Cabdi Coomay

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Wacyiga warbaahinteed ee bulshada Soomaalilaan waa mid aad u sarreeya. Dadku waxa ay si joogta ah ula socdaa faafitaanka iyo waxyeellada cudurka Korona. Sidoo kale waxa ay isha ku hayaan warbixinta maalinlaha ah ee ay soo saarta wasaaradda caafimaadku. Marka la isku geeyo arrimahaasi oo dhan dadkii ayaa goob kasta taxadir kooban ka bixinayaa. Hasayeeshee intooda badani waa ‘ Cadduur dhaw dhawdu uma dhacsana’. Waxa la yidhi "Nin masaajid salaad tukinaayey ayaa qur’aankii khalday, markaasuu saxay kii safka hore ku jiray, haddana mar kale ayuu khalday, haddana mid kale oo kii hore ay ilmaadeer yihiin ayaa saxay, markaasuu is-hayn kari waayey mid ninka salaada tukinaayey ay ilaamaadeer yihiin oo uu yidhi” waar ninka u kala hadha”.



 Waxa aanu shaki ku jirin in Shaydaankii Ilaahay ka gaaloobay uu qayb laxaad leh ka ciyaarayo arrimaha badan oo ka dhex dhacaya masaajidyada wakhtigan lala tacaalaya cudurka Korona. Taxadirka dadka ku tukanaya masaajidada ayey dhacdooyin kala duwani ka soo baxeen, waxa aynu ka xusi karnaa kuwan hoose:


= Mid ka mid ah odayaasha masaajid aan ku tukado ayaa cod dheer ku yidhaa " waar istowdii waxa beddelay kala fogaada”. Ha isku dhawaanina.


= Laba nin ayaa salaad subax saf ku wada jira oo yara kala durugsanaa, markaasuu mid ka mid ahi ku soo durkay markii salaadda lagu jiray. Show kan kalena wuu ka sii durkaa. Markii salaaddii laga baxay, ayuu muran ka dhexqarxay. Kii lagu soo durkay ayaa ku dooday, waar maxaad igaga soo durkaysay, sownigii kaa durkayey. Iyo kumaan soo durkin. Mise hadalkii ayaa ka taagtaagmay. Waar shaydaanka iska naara masaajid ayaa ku jirtaane ayaa lagu kala aamusiiyey.


= Nin aanu isku safnay oo markii hore ee aan salaadda la gelin xidhnayn af saarka (Mask) ayuu kii ku xigay qufacay, markiiba intuu jeebada gacanta geliyey ayuu la soo baxay af saarkii markaasuu xidhay.


= Laba nin oo salaad makhrib ku wada jira saf oo yara kala fogaaday markii hore ayuu nin masaajidka markaa uun soo galay mooday inuu safka qof ka baxay oo ay bannaan tahay. Markaasuu soo galay. Mid ka mid ah labadii nin ee hore safka ugu jiray ayaa suxul gacantiisa ku dhuftay si uu u dareensiiyo inay goobtu tahay kala fogaada. Wuu se fahmi waayey oo wuu isaga jiray safkii. Markii salaaddii laga baxay ayuu kii suxulka lagu dhuftay yidhi waar maxaad suxulka iigu dhuftay iyo adiga maxaa meesha lagu kala fogaaday ku soo geliyey. Mise muran ayaa isla oogsaday. La kala dhexgeli oo xiisadii la deji.


= Oday waayeel ah oo salaad cishaa’i ku jiray ayaa laba jeer qufacay, ka dib labadii nin ee labada dhinac ka xigay ayaa midna dib uga baxay midna hore uga baxay oo safkii odaygii ku cidleeyey. Markii salaaddii laga baxay ayuu odaygii labadii nin kula dooday in aanay sidan weydka kaga baxsanayn ee ay Ilaahay aaminaan. Labadii nin midi wuu iska aamusay halka kii kalena uu ku dooday in odaygu uu gurigiisa iska joogo ay ahayd kol haddii uu qufacayo. Odaygu wuxuu ahaa xaruuri aan wax isaga ku saabsan ka gabban, wuxuu ninkii kula dooday bal caddaynta uu u hayo inuu Korono hayo iyo in kale? Odaygii waa aamusiin kari waayey. Aakhrikii ninkii ayaa iska tegay.


W/Q: Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

 [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...