Ogow Doorka Faytamiin D ee La Dagaalanka Covid-19

0
Thursday May 14, 2020 - 09:42:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogow Doorka Faytamiin D ee La Dagaalanka Covid-19

    "Faytamiin D waxa aynu ka helnaa falaadhaha qoraxda boqolkiiba 90%"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Faytamiin D waxa aynu ka helnaa falaadhaha qoraxda boqolkiiba 90%"



Daraasad ay samaysay hay’adda caafimaadka aduunku (WHO), waxa ay daboolka ka qaaday in heerka faytamiin D ee bulshooyinka wadamada caalamka qaar kamid ahi—uu aad u yaraa; gaar ahaanna dadka waaweyn ee ku kala nool wadamada Spain, Italy iyo Swetzerland. Sidaasi darteed dadka waaweyni waa mujtamaca ugu nugul qaadista caabuqa Covid-19. Dhanka kale, dumarka dhiigga caadadu uu ka istaagay iyaguna waa kuwo u nugul caabuqa Covid-19, sababta oo ah waxa meesha ka baxa hormoonada Estrogen iyo Progesterone; waxana ay saamayn ku yeeshaan hanaankii uu jidhku u qaadan lahaa macdanta Kaalshiyam iyo dheelitiridda duxda jidhka ku jirta, sidaasi darteed, faytamiin D wuxuu jidhka u sahlaa nuugista macdanta kaalshiyam. Hadaanu faytamiin D jirin kaalshiyam lama nuugayo; waxana dhacaya lafo khafiif (oesteoposis). Si kastaba ha ahaato’e, isticmaalka faytamiin D waxay jidhka ka caawineysaa inuu soo nuugo kaalshiyam ku filan, waxa adkaanaya lafaha; waxana awoodeysanaya difaaca jidhka. Khubarada Hay’adda caafimaadka aduunku waxa ay ku taliyeen in lagu dedaalo isticmaalka Faytamiin D, si looga hortago caabuqa Covid-19.

 

Muxuu Faytamiin D Jidhka U Qabtaa Ama U Faa’iideeyaa?

1) Faytamiin D waxa uu inaga caawiyaa in aan lafo-khafiif inagu dhicin (oesteoposis); waxaanu sahlaa in jidhku uu nuugo macdanta Kaalshiyam. 2) Sidoo kale wuxuu caawiyaa dareenwadayaasha. 3) Wuxuu caawiyaa sidoo kale shaqada muruqyada.


Halkee Ayuu Inooga Yimaadaa Faytamiin D?

Faytamiin D waxa aynu ka helnaa falaadhaha qoraxda boqolkiiba 90% oo aynu ka nuugno maqaarka jidhkeena, boqolkiiba tobanka soo hadhayna waxa aynu ka helnaa cuntada sida kaluunka, beedka, caanaha caadiga ah, caano fadhiga (yoghurt) khudaarta iwm. Sidoo kale waxa laga helaa daawooyinka sida Vitamin D3, iyo Cod liver oil (saliidda kalluunka badda).


Shaqooyinka Vitamin D3 waxa kamida inuu qofkii ka ilaaliyo kansarka caloosha, buufiska, walwalka, dhiigkarka, xanuunada ku dhaca sambabada iwm. (Sambabadu waa meesha koowaad jidhka qofka ee Covid-19 uu weerarka ugu horeeya ku soo qaado).


Xadi Intee Le’eg Oo Faytamiin D Ah Ayaa Loo Baahan Yahay Inuu Qofku Qaato?

Xadiga caadiga ah ee loo baahan yahay qofka dhiigiisu inuu ku jiraa waa:

 

<25ng/ml wixii ka yar wuu hooseeyaa, laakiin heerka caadiga ahi waa 25-59ng/ml waa intii loo baahnaa ee faytamiin D ah.

 

Daraasad la sameeyey markii xanuunkan Covid-19 uu bilaabmay, waxa la ogaaday in dadka geeska afrika ka yimid ee dalka Sweden ku nool, gaar ahaan Soomaalida, in ay yihiin kuwa xadiga faytamiin D ee dhiigooda ku jiraa uu aad u yar yahay marka lala barbar dhigo, itoobiyaanka, eretariyaanka iyo kiinyaanka kula nool dalka Sweden. Markay noqoto rag iyo dumar, faytamiin D wuxuu aad ugu yar ayahay dumarka. Taasi waxa inoo cadayneysa 16-kii qof ee ugu horeeyey ee u dhintay caabuqa Covid-19 dalka Sweden in lix kamid ahi ay noqdeen Soomaali; waxana loo aaneeyey laba arrimood oo kala ah isdhexgalka iyo cimilada

 

Xaga isdhexgalka Soomaalidu waa dad inta badan ku kulma meelaha bulshadu isugu timaado oo aad isugu duuban. Dhanka kale, xaga cimilada qofka cadaanka ah waxa loo ogol yahay inuu qoraxda taagnaado toban daqiiqo, halka qofka madaw uu u baahan yahay ugu yaraan sodon daqiiqo inuu qoraxda isku dhigo; sababtuna ay tahay jidhkiisa oo aan si fiican u soo nuugayn falaadhaha cadceedda iyo isla wadankaas Sweden oo ay cadceeddu ku yartahay oo kamida wadamada cadceedda ka fog.

 

Yaa U Baahan Faytamiin D?

 

1) Dadka da’da ah (old). 2)Dadka qaba macaanka, dhiigkarka, kansarka, dadka duraygu ku soo noqnoqdo, dadka difaacoodu hooseeyo, Dadka HIV-ga qaba. 3) Dadka ku nool meelaha qoraxdu ay ku yartahay iwm.

 

Dr.Maxamed Daahir Axmed

Tell:252634164699

E-Mail: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...