Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha J.S/Land....W/Q Rashiid Sulub Caalin

0
Tuesday April 09, 2019 - 15:45:17 in Articles by
  • Visits: 1649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha J.S/Land....W/Q Rashiid Sulub Caalin

    Og:Guddoonka Wakiilada Iyo Guurtida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Og:Guddoonka Wakiilada Iyo Guurtida


Sidaynu ognahay, adduunweynaha hore u maray siday u dhaqmaan haddii aynu soo qaadano dhinaca caafimaadka bulshadooda shuruucda u taalla waxay u shaqeeyaan siyaalo kala duwan. Tusaale ahaan, dhakhtar walba wuxuu ku shaqeeyaa takhasus gaar ah waxaanu dhakhtarkaasi daweeyaa tiro dad cayiman ah oo uu ku foogan yahay. Waxaaana dhakhtarkaas isku dheelitiran da’diisa, takhasuskiisa, deegaanka uu ku nool yahay, dhaqaalaha Waddanka iyo duruufaha halkaas ka jira iyo bukaanadda uu u shaqaynayo. Dhinaca kale, waxa uu dhakhtarkaasi ku shaqeeyaa marmarka ay jiraan xaaladdo deg-deg ah sida dagaaladda, barakaca iyo xanuunada faafaa haddii ay dhacaan. Dhakhaatiirtaasi markay hawl-gab noqdaan adduunweynaha waxa la kafaala qaadaa noloshooda waxaana la siiyaa gunooyin fiican oo ay ku noolaadaan.

Image result for muuse biixi


Sidaynu wada ognahayna, 50-kii sanno ee u dambeeyey dhakhaatiirta Waddankeenu waxay ka soo baxeen Jaamacadii Medicine University ee Dalkii laysku odhan jiray Somaliya, markii dambena waxay aqoontooda caafimaad ku sii kobciyeen koorasyo debadda ah oo loo diray qaarkood, halka ay qaarkoodna iskood u kobciyeen aqoontooda caafimaad. Sidoo kale, Dhakhaatiirtaas oo tiradoodu ay yarayd waxa caawinayey tiro yar oo kale oo dhakhaatiir ah oo Hay’ado Caalamiya ay wateen oo Waddanka joogay dadkana u gargaarayey. Waxaana la odhan karaa, dhakhaatiirtaas yar ee Waddaniga iyo ajanabiga isku jirtay ay kafeeyeen wax yar marka loo eego baahidii Waddanka ka jirtay.


Ka dib, markii dadka reer Somaliland ay la soo noqdeen Madax-banaanidooda waxay dhakhaatiirtaasi tirada yar intii u dhalatay Somaliland ay door libaax ka soo qaateen marxaladihii qalafsanaa ee aynu soo marnay. Waxay si mug leh ula soo tacaaleen dagaaladii dibu-xoraynta Waddanka oo ay dowaynayeen dhaawaca rayidka iyo Ciidankii Xaqu-dirirkaba. Sidoo kale, markii Waddanka lagu soo noqday waxay si weyn ugu soo shaqeeyeen aqoontoodii iyo waayo aragnimodoodii ummadda reer Somaliland oo ay kala soo dabaasheen duruufo adag oo caafimaad iyagoo badankoodu ay tabaruc ugu shaqeynayeen ummadooda, iyagoo dhakhaatiirtaasi mar walba la jaan qaadayey sida adduunku u kobcinayo aqoonta Caafimaadka. 


Waxaana fuulay culaysyo badan, iyagoo dhinacna ka shaqeynayey inay baraan aqoonta Caafimaad ardaydii Jaamacadaha ku jiray ee u baahi qabay Cilmiga Caafimaadka dhinacna waxay si mutadawacnimo ah ugu adeegayeen bulshadooda bukaanka ah iyo dhaawacyada soo gaadha, iyagoo mar-marka qaar habeenkii saacadaha dambe u shaqeynayey bukaanadda xaaladaha deg-deg ah ku jira. Culaysyadaa iyo duruufahaas badan ee ay dhakhaatiirtaasi soo dabaasheen waxay keentay, in dhakhaatiirtaas qaar ka mid ahi ay xejin kari waayeen culaysyadaa soo food-saaray sidaasna ay ku noqdeen hawl-gab. Ogaanshahaygana waxa xaaladdaa ku sugan ilaa 10 dhakhtar oo ah awl-gab noqday Waddanka.


Mudane Madaxweyne, dhakhaatiirtaasi dadkii ay daweeyeen amma dadkii ay dhaleen ee ay daweeyeen waa xoogga dihin ee maanta Waddanka meel walba ka muuqda ee qaarkood ay jiidda hore ee dagaalka ku jiraan qaarkoodna ay Masuuliyiinta Waddanka yihiin. Isku soo wada duuboo dadkii ay la soo tacaaleen waxay si walba uga muuqdaan meel walba oo Waddanka ka mid ah iyo dhammaan qeybaha bulshada ah. dhakhaatiirtaas tirada yari waxay ku filiqsan yihiin Gobolada Somaliland. Waxaanay kabeen dhaawacyo iyo xanuuno badan oo ummadda soo wajahay, waxaanay door muhiim ah ka ciyaareen inay dhalato ummad fayow iyo inaynu halkan maanta joogno soo gaadhno.


Sidaa daraadeed, Mudane Madaxweyne dhakhaatiirtaasi waxay u baahan yihiin daryeel gaar ah oo deg-deg ah iyo in xaaladooda lala socdo. Runtiina uma baahna in guddi loo saaro amma si kale loo baajiyo wax u qabashooda waxaanay inaga mudan yihiin daryeel bilaa shuruud ah oo dheefta Waddanka looga jaro wixii laga qaban karo xaaladahooda kala gaar ah. Arrintani waxay u tahay dhakhaatiirtaasi qalbi qaboojin, Waddankana waxay tahay fursad qaaliya oo lagu heli karo naxariis Rabbi oo aynu dhibaatooyinka kaga baxno.


Fiiro gaar ah: Qaddiyadaas wax dan gaar ah oo iigu jirta Rashid Sulub ahaan ma jirto oo aan ka ahayn Dantii Guud ee laygu bartay mana jirto dhakhtar ka mid ah dhakhaatiirtaas baahiyaha qaba oo aanu wax isku nahay.


Wabillaahi Towfiiq.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin

Hargeysa, Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...