Faallo:-Tabashadda Shacabka Somaliland Armay Karkaarrada Jebisaa!

0
Wednesday May 13, 2020 - 14:13:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Tabashadda Shacabka Somaliland Armay Karkaarrada Jebisaa!

    Hargeisa(HHWN):-Waxaad arkaysaa oo aad maqlaysaa ruux hebel waxa la xidhay, hebel dawladdaa dhul ka qaadday,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HHWN):-Waxaad arkaysaa oo aad maqlaysaa ruux hebel waxa la xidhay, hebel dawladdaa dhul ka qaadday,

Hargeisa(HHWN):-Waxaad arkaysaa oo aad maqlaysaa ruux hebel waxa la xidhay, hebel dawladdaa dhul ka qaadday, hebel gaadhigiisii waa lala wareegay. Ma fahmi kartid sababta waxaasi u dhacayaan.! Dalkan yar ee aannay Adduunyaddu aqoonsanayn oo hadda Soddon jir ku dhaw, waxa jira Mallaayiin Shacab ah oo dulman oo dhibaatooyin badan loo gaystay, kuwaasoo aan haysan cid dhagaysata tabashooyinka ay qabaan iyo dulmiga ay tirsannayaan cid uga hiilisa oo ay gargaar iyo garab waydiistaan. Arrimahani waa kuwo salka ku haya ku dhaqan la'aanta Sharciga, waa Xoriyad la'aanta Garsoorka oo ah waax ka Ammar qaadata Xukuumadda ama Waaxda fullinta oo qaybta ugu wayn leh dhibaatooyinka dhankasta leh ee dalka ka jira.
Madaxweyne Muuse Biixi oo xaalad deg deg ah ku soo rogay gobolka ...
Lis Dairy


Dawladduhu waxa ay u shaqeeyaan oo u adeeggaan Shucuubtoodda, waxa ay ilaaliyaan rabitaanka dadkooda, waa ay daryeellaan, way dhagaystaan Fekerkoodda iyo waxa ay qabaan, waxa ay dhawraan Xuquuqahoodda aasaasiga ah, isla markaanna waxa ay ku ilaaliyaan ku dhaqanka Sharuucda u dejisan, iyaddoo aannay suurto-gal ahayn in Ruux, Waddar iyo Xukuumad midkoodna uu ku xad-gudbo Xaq iyo Xuquuq uu qof muwaadini uu leeyahay, hase yeeshee Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi intaas aynu soo sheegnay kuma dhaqanto, manna Xeerriso, ummana aragto Waajibaad saarran oo fullintiisu ay tahay wax Shacbigu kula xisaabtami doonno marka uu dhammaado Shantii sano ee loo doortay hoggaaminta dalka iyo dadkiisaba. Haa, waa run Xukuumaddu way dhawri lahayd xuquuqaha aasaasiga ah ee Xeerarka dalku ku waajibiyay, balse inay waxkasta iska hareer-marto waxay ka aragtay Shacabkeedda oo aan fahamsanayn sida Xukuumaddaha loola xisaabtamo, ha-yeeshee kolka la gaadho Xiliga doorashooyinka waa la kala qaybiyaa Shacabka oo qabyaalad iyo reer hebel baa sharaxan ayaa lagu ilowsiiyaa duruufihii iyo tabashooyinkii ay qabeen ee looga baahnaa inay isku xidhaan Codkoodda iyo la Xisaabtanka Xukuumadda, taasi waxay keeni lahayd in Xukuumadkasta oo talada iyo Masiirka ummadda hoggaaminaysaa ay si wacan oo qumman uga soo baxdo Waajibaadkeedda, iskanna ilaaliso Musuq-maasuqa iyo ka shaqaysiga Hantidda ummadda ee ay gacanta ku hayaan, dhawrista Xuquuqda muwaadiniinta oo maanta noqotay mid aan wax-ba laga soo qaaddin, hagaajinta adeegyadda bulshadda ee aan maanta jirin sida Biyaha oo maanta ah baahidda ugu wayn ee Somaliland ka jirta, iyaddoo Caasimaddii Hargeisa ay 20 sano biyo la'aan shacabkeeddu ka cabanayaan, isla markaanna aannay jirin Xukuumad Xil iska saarraysa oo dhugmo iyo fiirro u leh tabashadda Biyo la'aanneed ee maalinkasta Shacabkeeddu ku cataabayaan.

Haddii tabashooyinka bulshaddu ay sidan u sii socdaan, isla markaanna ay meesha ka maqan tahay ciddii ka fal-celin lahayd ee wax ka qaban lahayd, waxa marka danbe imanaysa in ruux kastaaba uu Sharciga gacantiisa ku qaato oo uu ku ciil-baxo, taasoo ah arrin dhaawaci karta Nabad-gelyadda iyo wada noolaanshaha ummadda reer Somaliland, waxaanna habboon inta aannay halkaas gaadhin in Xukuumaddu ay garowsato tacaddiyadda ay bulshadda ku hayso, dabaddeedna ay sixitaan ku samayso nidaamka iyo haykalka dawladnimo ee maanta noqday mid ku jiifsadda dan-yarta masaakiinta ah ee Sicir-bararku naafeeyay. Shacabkunna ha fahmaan isku duubnidda iyo wada-jirka si ay uga soo horjeestaan dulmigan karkaarada jebiyay.

Waxa u danbeeyay talaabooyinka sharci-darada ah ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi kula kacday shacabkeedda gaadiid tiro badan oo Ciiddammada Boolisku ay ku soo qabteen iyagoo dalka soo gelinnaaya Jaad, kuwaasoo ay la wareegtay dhammaantood-ba, taasoo ah arrin aan wacnayn, sababtoo gaadiidkan waxa loogu adeegaayay Qoysas danyar ah oo masaakiin ah oo waxay galabsaddeen aannay jirin, waxaannay Ciiddanka Boolisku samayn karrayeen inay Waddayaasha gaadiidkaas xidhaan, isla markaanna gaadiidkaas hayaan mudada ka hadhsan 25-kii cisho ee Jaadka la hakiyay, talaabadani waxay muujinaysaa sida aannay Xukuumadda Kornayl Biixi ayna tudhaale ugu lahayn Shacabka duruufaha badani ku xeerran yihiin. Waxa kale, tacaddiga iyo dulmiga Xukuumaddu gaysannayso ka mid ah ruux yarroo Facebook-ga qoraal yar soo dhigay ayaa wuxuu ku mutaysannayaa Shan sano oo xadhig ah, iyaddoo Distoorka dalku u ogol yahay in Muwaadinku ra'ayigiisa ku cabirro karo Hadal, Qoraal, Suugaan iyo Sawir intaba.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxa la gudboon inay Shacabkeedda ka dayso hagardaamadda iyo dhibaatooyinka faraha badan ee maalinkasta ummaddaas danyarta ah loo gaysannaayo, isla markaanna Ammaanada ay gacanta ku hayaan ay si wanaagsan u maamulaan, haddii taasi dhici waydo kacdoon shacab ayaa iman doonna haddii aan la isku joojin oo aan xayn-daabka Sharciga lagu noqon.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...