Dhaqanka maanta jira dhaxal miyaan u leenahay?

0
Wednesday May 13, 2020 - 11:00:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqanka maanta jira dhaxal miyaan u leenahay?

    Dhaqamada ay dad ka Soomaaliyeed kasinaayeen ayaa waxaa kamid ahaa lebiska ,Ciyaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqamada ay dad ka Soomaaliyeed kasinaayeen ayaa waxaa kamid ahaa lebiska ,Ciyaaraha



Wadan walba wuxuu leeyahay dhaqan gaar u ah Bulshada kudhaqan Dalkaas ,taas oo ah Calaamadda lagu garto umad leh Wadan,

 

inkastoo ay mararka qaar aad arki karto Wadamo badan oo isaga eg xagga dhaqanka,laakiin ogow waa dadka ka siman xagga diinta,hadiiba ay dad ka mideysan yihiin xagga diinta ,waa hubaal in ay qeybo badan oo xagga dhaqanka ah isaga soo dhawaanayaan.

 

Soomaaliya waa dal wadaaga Diinta,Dhaqanka,afka iyo midibkaba,Waxaana dad ka Somaliyeed ay leeyihiin dhaqan ay caan ku yihiin,inkastoo ay jiraan in mararka qaar lagu kala duwanaado waxyaabo yar yar,kuwaas oo kayimaadda Degmo ama Deegaan.

 

Dhaqamada ay dad ka Soomaaliyeed kasinaayeen ayaa waxaa kamid ahaa lebiska ,Ciyaaraha, qaabka loo dhaqdo xoolaha hanaanka loo beero dhulka si loo helo miro ay dad ku munaafac sadaan ,waxaa kaloo ay dad ka Soomaalida ah ay ka sinnaayeen qaabka dagaalka loogalo,Sida loo doonto Marwo ,korinta ama barbaarinta Caruurta,Marti soorka,Safarka iyo wixii lamid ah.

 

Habkii Martida loo soori jiray.

Waxa dhaqan u ah ummada Soomaaliyeed inay si fiican u soo dhaweeyaan ,sooraana martida lana wadaagaan wax walba oo markaa reerka loo soo martiyay ay heli karaan.

Mararka qaar waxa dhacda in qof ku soo martiyay iyadoo xilligu uu aad u kulul yahay, lagu jiro abaar, xooluhuna ay gudhanyihiin, iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa waajib ku ah reerka loo soo martiyay inay sooraan soona dhaweeyaan dadka safarka ah ee maciinka soo biday.

Inkasta oo wax kasta oo heybad iyo dowladnimo ah ay Soomaaliya ka burbureen, ayaa hadana waxyaabaha wali lagu naaloon karo ee nool waxaa ka mid ah hidaha iyo dhaqanka Soomaalida , kaasi oo siyaabo kale duwan oga dhex muuqanaya bulshada Soomaaliyeed.

Hidaha iyo dhaqanka waa arrin ku qotanta jiritaanka bulshonimo, Soomaaliduna waa qoowmiyad ixtiraam iyo jacayl badan u heysa dhaqankeeda, iyada oo aad arkaysid in meelaha lagu hayo dhaqanka ay dad badan isugu soo xoomaan.

 

Dhaqankii Suugaanta, iyo Faa’idooyinka ay u lahaayeen Bulshadeena.

Suugaanta waxa ay kamid aheyd Dhaqankii lagu yiqiinay Soomaaliya ,waliba ay caan ku aheyd ,waxaana aan Caado iyo dhaqan aan u laheyn in marka meel la’isugu yimaaddo ay dad ka Soomaaliyeed ku tar tamaan Sugaanta qeybaheeda kala duwan ,gaar ahaan Gabayada ayaa aad la’isugu xifaaleyn jiray,wuxuuna runtii ahaa Dhaqan aad u wanaagsan oo qof walba oo Soomaali ah uu ku qanacsanaa.

Arrintaas ayaa keentay in ay Soobaxaan dad badan oo xagga wacyo gelinta ah ku sameyn jiray Suugaanta Sida Heesaha iyo Gabayada,Soomaalidana aad ayey u ixtiraami jireen taas ayaa keeni jirtay in marwalba ay Bulshada Soomaaliyeed ay maqlaan ama ay qaataan talooyinka dad ka hal abuurka leh.

Guurka iyo Wadooyinka dhaqan ahaan loo mari jiray.

Inkastoo ay jireen xoogaa kala duwanaasha ah ,hadana waxaad mooddaa in intooda badan ay waxbadan ka sinaayeen.

 

Guurku waa noocyo badan yahay midkastana waxa uu watay caado soo jireen ahayd oo laga dhaxlay dadkii hore ee soomalida ahaa waxanad arkeysaa in ay yihiin soomaalidu dad dhaqan facweyn lahaa muddo badanna xoojinayey dhaqanka laakiin waxa maanta ka muuqda bulshadu dhaqan ka guur iyo ka sii fogaansho ay sababteedu laheyd ka imaanshaha dhulkii dhankaqanku yaalay sida Baadiyihii waxa ayna noqdeen kuwo dabar go’ay iyo kuwo hadda sii dhamaanaya.

 

Wadooyinka loo mari jiray qofka marka uu doonayo in uu Gabar guursado aad bey u badan yihiin laakiin qaar kamid ah ayaan soo qaadan doonaa Insha Allaah.

Marka hore doobku waxa uu sahan u gali jiray soona day dayi jiray isaga iyo dhalin yaro kamida beeshiisa waxayna dhalinyaradaasi ku taakuleen jireen doobka si uu usoo helo inan tii ku habooneyd wiilka.

 

Gabadha laguma deg degi jirin oo way hubsan jireen in ay tahay gabadh wanaagsan iyo in kale sidoo kale inantu iyaduna dhankeeda ayey iska tijaabin jirtay doobku haduu ku qanco Gabadha waxa intaa ku xigtay in reerkii loo sheego oo layiraahdo Gabadh hablaayo in loo so geed-fadhiisan doono malinta caynkaas ah reerka ay inantu ka dhalatay waxa ay isku diyaarin jireen in ay sameeyaan una waabaan geedkii inanta lagu bixinlahaa kaaso muhiim ka aha dhaqanka Soomalida waxaa kaloo reerku diyaarin jireen sooryo lagu cuno inta lagu jiro bixinta Gabdha.

Hadaba inta ay socoto hawsha sooryentu waxa dhex socon jirtay kaftan iyo taarriikhada Gabdhihii hore ee la kala guursaday iyo guulihii ka dhashay ayaa lays dhaafsan jiray intaa kadib waxa madasha ka kici jiray Af hayeenka martida oo hadalkiisa ku soo koobi jirey Sida tan "Mantana muraadkayagu waa hablaayo hebel oo aan u soo doonay Hebel hebel oo aan xagiisa ka socono waxaana dooneynaa in aad nagula xididaan”

Markuu dhamaysto waxa hadalka kadaba qaadan jirey nin ka soo jeeda dhanka martida loo yahay ama inanta bixinaysa isguna waxa uu hadalaka ku soo koobi jirey sidan soo socota.

"Idin siinay idin kula xididnay Heblaayo hebel hebel” Runtii dhaqankii Soomalida ee wanaagsanaa ma ahan mid halkan lagu soo koobi karin.

 

Dhaqanka Maanta Jira.

Soomaaliya dhinacyo badan ayey ka bur burtay oo dhaqanka uu kamid yahay ,waxaana hadda soo baxay in guud ahaan Dhaqankii Soomaalida caanka ku aheyd ee quruxda badnaa uu meesha ka baxo islamarkaana ay soo baxaan Dhaqamo Shisheeye ,waxaana dhaqamadaas kamid ah.

 

Isbadal ku dhacay qaab lebiska oo Rag iyo Dumar leh.

 

Hanaanka loo jarto ama loo feerto Timaha Rag iyo Dumar.

 

Qaabka dumarka loo doonto oo meesha kabaxday iyadoo Gabdhihii Soomaaliyeed la’iska boobayo oo aysan jirin cid laga doonto inkastoo ay jiraan kuwa la soo doonto ,laakiin aan loo soomarin qaabkii aan naqiinay.

 

Soomaaliya waxaa ay ku tartami jireen Bootinka Hoose iyo tan sare ,waxaana hadda badalay in lagu tartamo Dheelitaanka Banoodiga.

Gabagabada Maqaalkan.

 

Waxaa nala haboon Somaliyey in aan ka fekerno Sidii loo ilaalin lahaa dhaqankii Suubanaa ee ay lahaan jirtay Soomaaliya ,hadii Sidan lagu sii socda ,waxaa nagu dhici doono in Guud ahaan aan isbadalno ,waana ayaan darro dhaqanka oo naga luma ,waxaa ku xiga doonta dad nimadeena oo lunta ,waxaa sii daba taala in Diinteena ay lunto ,waxaana imaankarta in wadankeena uu lumo .



 

W/Q/Ahmed Hassan Ibrahim

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...