Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe Ma Waxa Uu Noqday Jeedal Lala Dhaco Shaqaalaha Dawlada Somaliland Ee Dulmiga Lagu Eryayo?...Faallo

0
Wednesday May 13, 2020 - 07:27:15 in News by
  • Visits: 1921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe Ma Waxa Uu Noqday Jeedal Lala Dhaco Shaqaalaha Dawlada Somaliland Ee Dulmiga Lagu Eryayo?...Faallo

    Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe Ma Waxa Uu Noqday Jeedal Lala Dhaco Shaqaalaha Dawlada Somaliland Ee Dulmiga Lagu Eryayo?...Faallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe Ma Waxa Uu Noqday Jeedal Lala Dhaco Shaqaalaha Dawlada Somaliland Ee Dulmiga Lagu Eryayo?...Faallo


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha hay’adda shaqalaaha somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa tan iyo wakhtigii uu hogaanka u qabtay hay’addaasi waxa uu ku kacay falal sharciga ka soo horjeeda oo uu ku eryey hawl wadeeno u shaqeeya dawlada.

Somaliland: Shaqaalaha Dawladda oo la Fasaxay Sabtida | Solna


Gudoomiye Farxaan ayaa noqday jeedal loo adeegsado shaqaalaha sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayo ee la doonayo in shaqada laga eryo kaas oo amaro khaldan oo madaxtooyada laga soo fara ku eryo muwaadiniin aan wax dembi ah gelin balse qorshe siyaasadeed laga leeyahay in nidaamka shaqaalaha dibada laga dhigo.


Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe oo u adeegaya kooxda xuurtada ku haysata nidaamkii dawladnimo ee somaliland isla markaana isku qoyska ah ayaana ilaa hada sii wada falalka nidaamka dawladnimo ka baxsan oo uu shaqada kaga eryayo dhalinyaro aan wax dembi ah gelin.


Muuse Biixi iyo kooxda qoyskiisa ah ee la shaqaysata ayaa gudoomiye Farxaan cadaad adag ku saarayey mudadii xilka hayey inuu shaqada ka eryo cid kasta oo ay u soo gudbiyaan kuwaas oo bartilmaameedkooda koowaadna ka dhigtay beesha madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.


Gudoomiye Farxaan oo fulinaya amarada guracan ee qasriga Muuse Biixi laga soo farayo ayey dhawaan u suura gashay inuu fariin Mobile u adeegsado eryida shaqaale ka tirsan wasaarada xanaanada xoolaha taas oo lagu bartilmaameedsaday inan(gabadh) ka soo jeeda bariga Burco.


Eryida inantan shaqaalaha ah ayaa timid ka dib markii ay fariimo dhex mareen Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Hinda Jaamac Xirsi, kaddibna waxa soo baxay warqad uu qoray Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha iyo laba qoraal oo isla masuulkaasi faafiyay. Haddaba dhacdadu ma ugub baa mise waa bilaw baa?.


Marar badan waxa dhacay in Xisbiga WADDANI uu gudbiyay dacwad ka dhan ah shaqaale dawladeed oo KULMIYE u galay olole, wax tallaabo ah lagama qaadin. Waxa dhacday in shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafintu ay shir jaraaid ku naqdiyeen Wasiir Guri-barwaaqo, wax eri ah laguma fulin.


Sharcigu ma mid la fuliyo maalinta dan la leeyahay baa?

Miyaanu erigu ahayn tallaabada u dambaysa ee la qaado?

Ralligelinta shaqaalaha laga dalbay waa mid noocee ah?

Miyaanay jirin digniin afka ah ama mid qoraal ahi?


Farxaan Aadan Haybe waxa uu beeninay in aanay haayadda shaqaalaha dawladdu taleefan wax ka eryin, marka uu sidaas leeyahayna waxa qornaydba warqadda uu isagu ku saxeexan yahay. Miyaaanay labada farriimood gudbinaynnin duluc iyo ujeeddo isku mid ah? Mise waxa uu leeyahay warqaddayda ayaa ah awoodda kama-dambaysta ah?.


Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland marka laga yimaaddo in uu caydhiyay Hani Warsame Sulub, ma caddaynin meesha uu saarayo xuquuqdeedii shaqaale, ma caddayn in ay ambiil ka qaadan karto ama dacwoon karto. Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawlladda Somaliland Farxaan Aadan oo 2016kii ilaa 2017kii ahaa Wasiirkii wasaaradda duulistu, waxa uu tallaabo noocan ah ku caydhiyay Garyaqaan Ayaanle Xalliye oo dhanka sharciga u qaabbilsanaa wasaaraddii duulista, waana tallaabo uu illaa hadda ku kacayo

Loading...
Loading...