HIIL-HOOYO (Maanso, Doorka Hooyada)
01-Haweenkeena qaaliga ah
02-Hadaf-sare oo gobanimiyo
03-Himilo walaal-doonisiyo
04-Horumar nabad iyo samay
05-Intaa nala haybiyaaan
06-Hurdiyo raaxana ka tage
07-Habeenkii way qarwaan
08-Gaajaa hayl-hayshayoo
09-Haraad wayn bay qabaan!
...
10-Waxay Heelan u yihiin
11-Sidii loo hormarin lahaa
12-Hooygaa aan seexaniyo
13-Hugaa aan xidhano-iyo
14-Halaabada aan cuniyo
15-Dalkeenoo Hodan noqday
16-Waligood u hagoogan yiin
...
17-Hooyooyinkii na xambaarayoow
18-Hibaaqyadii aan dhalnoow
19-Hablihii aan la dhalanayoow
20-Haweenkii noo dhaxooow
21-Horseed bulsho baad tihiin
22-Hidihii baad wali sidaan
23-Hawlqabad wacan baad tihiin
24-Horaad noo marinaysaan
25-Hiraabtii baad kacdaan
26-Hawshaad u baqoolaysaan
27-Bal aan hakiyaa halkaa
28-Higaada u yara qabtee
29-Hilaabta u yara dhigtee
30-Hal qudha aan milicsadee
31-Hooyooyinka aan xusee
32-Hablaha sharaftood qiree
33-Hoobaaleeyda ila dhaha
34-Hadaad Soomali tiin!
...
35-Haweenku inay hawlkar-yiin
36-Habeenkoo wali mugdi ah
37-Markay Hiirtii tahay
38-Hurdayo aadmigu dhamaan
39-Hab raaxo u jiifayaan
40-Iyagu way hawlan yiin
41-Heer-sare bay tiigsadaan
42-Hankooday boganayaaan
43-Dabkay holciyaan aroor
44-Canjeelay Halalmacshaan
45-Hoorkiyo ilmo baa ka quban
46-markay huriyaan dhimbiil
47-Daawaha ay hoolayaan
48-Hanfiyo Saliid-kulul ayaa
49-Hareerta ka leefaysoo
50-Hiih iyo silic bay intaa
51-Hooyooyinku nagu korshaan
52-Ragoow adiguna Hagaag
53-Halkaagii ka soo dhalaal
54-Hurdaayoow waar ka toos
55-Habeen baa kuu dumoo
56-Haweenkaa kaa mudane!
...
57-Hooyooyinka baadiyuhu
58-Hiirtii bay noo kacaan
59-Xoolahay soo Hagaajiyaan
60-Hadhuub caano ah ayay
61-Ka soo Halaloobiyaan
62-Hamaha qabadiyo argeeg
63-Hagaag maygaag loogu culay
64-Hamuun wacan oo udgoon
65-ayay hilayaan intaas
66-Si loo helo dheef macaan
67-Ayay ku hamuumayaan!
...
68-Haweenku wanaagsanaa
69-Cadceedoo holac ka kulul
70-Marka hadhku uu rogmado
71-Hanfigu uu soo baxee
72-Hawadu ay siigo tahay
73-Hooyada Soomaliyeed
74-Waxabay hufaysaa intaa
75-Galay bay haadiyaan
76-Hadhuudhkay noo tumaan
77-Caruurtay noo Habaan
78-Halbawlay noo yihiin
79-Hadaan hiil leenahee
80-Aroortii hadal qurxoon
81-Habeenkii eray macaaan
82-Halhays aan uga dhignoo
83-Maruun hagardaamadiyo
84-Halgaada ka dayno'ee
85-Ragoow hiifkiyo ka daa
86-Hanjabaadaha kulkulul
87-Hoh iyo way-way ha'odhan
88-Iyagaa Hanadnimo mudane!
...
89-Hadii hanti aanay jirin
90-Hagarli'i xoogooday intaa
91-Hiil iyo hooba noo huraan
92-Halkii suuq ugu dhawbay
93-Waxay noo heli karaaaan
94-Haday burjikiyo kutahay
95-Haleelada caano geel
96-Amaba hal-xanjiyo sigaar
97-U haybshaan siciru suuq
98-Si loo helo quutalyoom
99-Oo uu qoysku u hirqado!
...
100-Iyadoo ilmuhu hiigayaan
101-Haraad iyo oon ku nool
102-Habkay dhuxusha u gadaan
103-Yaambada ula Haadayaan
104-Sareenka u Haadiyaan
105-Hilbaha u dareerimaan
106-Qofkii Hooyo ay dhashoow
107-Haweenka Soomaliyeed
108-Hibiyo Cisi iyo wanaag
109-Hawraar wacan iyo naxriis
110-Ayaad ku Hadaaqi lahayd
111-Habeen iyo maalin bay
112-Ilmadu kaa Hoori layd
113-Hadii nasab aad tahoo
114-Hidiyo dhaqan leedahee!
...
115-Markay ragu haajiraan
116-Colaadaha hurinayaan
117-Rasaasta u heegan yiin
118-Hub culusiyo kaare-iyo
119-Hoobiyeyaalkiyo madfaca
120-Inagu kala heerayaan
121-Dabka nagu hurushaynayaan
122-Halbawle is'goyanayaan
123-Sokeeyaha hiifayaan
124-Abtiga hanaq-goynayaan
125-Oo ay culimada halgaad
126-Haraati ku laynayaan
127-Hooyadu ubadkay intaas
128-Hagaagiisa jeceshahoo
129-hawshooday u taagan tahay
130-Dhabtay ku dul haynaysaa
131-Horaadkay siinaysaa
132-Dharkay u huluuqaysaa
133-Hurdada way ka caagan tahay
134-Marka hargab uu ku dhaco
135-Ilmihii loo heesayee
136-Hoobeey hoobeey la yidhi!
...
137-Illaahay hodan-sanaa
138-Haweenku wanaagsanaa
139-Hadaanaan heli lahayn
140-Kuwaa noo hagar baxay
141-Halaagu markuu na helay
142-Kuwii nala soo halgamey
143-Markaan habaqlaha ahayn
144-Kuwaa wada haybada leh
145-Ragoo iska haydhafle ah
146-Kuwaa hadhka iyo dugsi leh
147-Dhirtiiyoon hadhac lahayn
148-Kuwaa hidaheena sida
149-Hagoogan ee wada jiqda ah
150-Kuwaa hurdo aan aqoon
151-Habsami xilka ugudan yaqaan
152-Kuwaa hufan ee qurxoon
153-Aduunyadu heli karayn
154-Kuwaa haybadiyo kalgacal
155-Wanaaga u heelanka ah
156-Kuwaa hayin looga dhigay
157-Dhalaankeena lagu hamiyo
158-Kuwaa hoyga noo dhisee
159-Hanfiga dayr nagaga xidha
160-Kuwaa higilkee dugsooon
161-Xagaagoo hababac yidhi
162-Haraadka kuwaa na tiray
163-Jiilaalkoon noo hambayn
164-Hoh iyo way kuwaan lahay
165-Haantoo salku uu qalalay
166-Hagardaamo kuwaan lahyn
167-Hadii martiyi u timaad
168-Handadaada kuwaan lahayn
169-Dadkoo haniyaha is jaray
170-Hubiyo waxdhac aan lahayn
171-Dalkoo holac uu ka baxay
172-Hiifkiyo ciil kuwa ku nool
173-Halyayga markii la dillo
174-Kawaa ilmo hililiq odhan
175-Haldoorku markuu goblamo
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!