Madaxii Hoggaanka Ciidanka Qaranka Oo Xilkiisa Ku Waayay Arrin La Xidhiidha Gaadhiga Cirro

0
Tuesday April 09, 2019 - 14:39:20 in News by
  • Visits: 9382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii Hoggaanka Ciidanka Qaranka Oo Xilkiisa Ku Waayay Arrin La Xidhiidha Gaadhiga Cirro

    Madaxii Hoggaanka Ciidanka Qaranka Oo Xilkiisa Ku Waayay Arrin La Xidhiidha Gaadhiga Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxii Hoggaanka Ciidanka Qaranka Oo Xilkiisa Ku Waayay Arrin La Xidhiidha Gaadhiga Cirro

Hargeysa(HWN):-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa xilkii ka qaaday madaxii hoggaanka ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Mujaahid Cali Rooble Bulaale.




Qaar kamid ah ehelada sarkaalkan Gaashaanle Sare Mujaahid Cali Rooble Bulaale ayaa wargeyska Waaberi u xaqiiijiyey in xilkii sarkaalkaasi laga qaaday, waxaanay sheegeen in ay la xidhiidho war-qada ogolaanshiiyaha ah ee uu u qoray ilaalada Cirro inay 16 xabo oo dirayska loogu deeqay kasoo qaadan karaan Saylac.


Xogaha arrintan la xidhiidha ayaa sheegaya in xilka qaadistiisu ka dambeysay markii sarkaalkani u ogolaatay ilaalada guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro in ay qaadan karaan dirays loogu deeqay taas oo u muuqata in taliyaha guud ee Ciidanka Qaranku ka cadhooday.


Waxa la sheegay in muwaadin qurbejoog ahi askarta ilaalisa guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro hore ugu ballanqaaday in uu dirays u soo hadiyadaynayo islamarkaana uu ballanqaadkan fuliyay dirayskana dhawaan laga soo qaaday magaalada Saylac kaas oo wasaaradda maaliyaddu cashuurta ka dhaaftay laakiin, markii magaalada uu soo galay gaadhigii siday la qabtay markii dambeyna xero ciidan la geeyay.


Xisbiga WADDANI ayaa Dorraad sheegay in ilaalada guddoomiyuhu ogolaansho ay dirayska ku qaataan ka heleen taliska Ciidanka, sidoo kalena warqad uu saxeexay agaasimaha wasaaradda maaliyaddu ay haysteen oo cashuurta lagaga dhaafay laakiin, markii dambe si sharci darro ha loo qabsaday ilaalada Cirro iyo gaadhigiisa iyaga oo arrintaasi si cadho leh u cambaareeyay.


Ugu dambeyn Sarkaalkan xilkiisa ku waayay ogolaanshaha uu siiyay ilaaladda guddoomiyaha WADDANI ayay isku degaan ka soo jeedaan Dr Cabdiraxmaan Cirro mana cadda in talisku u aaneeyay arrimo kale ama uu shaki kale arrintan ka galay maaddaama iyada oo markii hore loo arkayay wax iska sahlan hadda xamaasad la galiyay.



Loading...
Loading...