Gudoomiyaha Haay'adda Shaqaalaha iyo Waftigii uu Hogaaminayey oo si Diiran loogu Dhaweeyey Caasimadda Hargeisa.

0
Saturday March 02, 2019 - 19:26:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Haay'adda Shaqaalaha iyo Waftigii uu Hogaaminayey oo si Diiran loogu Dhaweeyey Caasimadda Hargeisa.

    Hargaysa(HWN)Waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ayaa subaxnimadii hore ee saaka si diiran loogu dhaweeyey Caasimada Hargeisa isaga oo ka warbixiyey socdaal uu mudooyinkii u dambeeyey ku joogay Boqortooyada Ingriisk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN)Waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ayaa subaxnimadii hore ee saaka si diiran loogu dhaweeyey Caasimada Hargeisa isaga oo ka warbixiyey socdaal uu mudooyinkii u dambeeyey ku joogay Boqortooyada Ingriiska.

Waftigan oo kulamo badan lasoo qaatay tiro kamid ah xarumaha Waxbarasho ee dalka Uk iyo jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Ingriiska ayaa maanta ku soo guryo noqday Caasimada Hargeisa

Gudoomiye Sharmaake Geelle oo qoraal Kaga warbixiyey safarkan ayaa u dhignaa sidan:

"Alle ayey Mahad oo dhan u sugnaatay igu soo nabad ceshay dalkaygii hooyo kadib kulamo aan la soo yeelanay 8-xarumo Waxbarasho oo ku yaala boqortooyada Ingriiska.

-Waxa aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa cid walba oo gacan iyo fududayn ku lahayd kulmadii aan yeelanay intii aan ku sugnayn UK sida oo kale waxa aanan soo koobi kari mahada aan u hayo walaalaha iyo asxaabta ku nool UK sidii milgaha badnayn ee ay ii soo dhaweeyeen "beerka ka ogsooni"

- Ugu dambayn, waxa aan si kalgacale uga mahadcelinayaa asxaabta aan shaqo-wadaaga nahay ee saaka nagu qaabilay gegada diyaaradaha ee Cigaal Int Airport.

-Idam Alle Waxa aan dardar gelin doonnaa xidhiidhadii soo unkamay si degdeg loogu gaadho yoolka tayeynta Shaqaalaha Dawladda JSL"



Loading...
Loading...