Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Sababta Ay U La Wareegtay Hotelka Hargeysa Club

0
Monday May 11, 2020 - 16:05:38 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Sababta Ay U La Wareegtay Hotelka Hargeysa Club

    Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Sababta Ay U La Wareegtay Hotelka Hargeysa Club

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland oo Ka Hadashay Sababta Ay U La Wareegtay Hotelka Hargeysa Club
Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ahna Afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo maanta xarunta wasaaradda warfaafinta kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay hantida ay dawladdu dib ula soo wareetay intii ay jirtay xukuumadani oo uu ka mid yahay Hargeysa Kilaab.



Ugu horayn wasiirka wasaaradda warfaafintu waxa uu bulshada illaahay uga baryey inuu ka salaamad yeelo xannuunka dalka ka jira inta uu ku dhacayna ka bogsiiyo inta u dhimatayna alle u naxariisto, wasiirku waxa kale oo uu soo jeediyey inaan bulshada la marin habaabin waxa kasta oo tafaraaruq iyo kala qayb sanaan keenaya laga fogaado, isagoo majeertay sida bulshada Somaliland ula socoto wacyiga dalka ka jira.

Isagoo wasiirku tilmaamay daryeel la’aanta haysata hantida la wada leeyahay ee bulshada ka dhaxaysa iyo sida ayna bulshadu xil iskaga saarin ilaalinta hantida guud wasiirka arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi.

Waxa kale, oo uu wasiirku si qoto dheer isu dultaagay arrinta Huteelka Hargeysa Kilaab oo uu sheegay inuu ka mid yahay hantida gacanta dawlada dib loogu soo celieyey, wuxuuna halkaas ka sheegay intii xukuumadani jirtay hantidii gacanta dawlada dib loogu soo celiyey.

Gababgabadii wasiir Saleebaan Yuusuf Cali (koore) waxa uu ganacsatada iyo dadka illaahay maalka siiyey inay caawiyaan walaalahooda danyarta ah xiligan lagu gudo jiro bish barakaysan ee Rmadaan iyo inta ay jirto xaaladda xannuunka karoona fayras ee dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ah gaadhsiiyey bulshada.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...