Muwaadiniin Jabuuti Ka Yimid Oo Walaac Ka Muujiyay Fayo-dhawrka Goob Xukuumaddu Ku Karantiimaysay Iyo Qaabka Loola Dhaqmay

0
Monday May 11, 2020 - 15:14:58 in News by
  • Visits: 1456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Jabuuti Ka Yimid Oo Walaac Ka Muujiyay Fayo-dhawrka Goob Xukuumaddu Ku Karantiimaysay Iyo Qaabka Loola Dhaqmay

    Muwaadiniin Jabuuti Ka Yimid Oo Walaac Ka Muujiyay Fayo-dhawrka Goob Xukuumaddu Ku Karantiimaysay Iyo Qaabka Loola Dhaqmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadiniin Jabuuti Ka Yimid Oo Walaac Ka Muujiyay Fayo-dhawrka Goob Xukuumaddu Ku Karantiimaysay Iyo Qaabka Loola Dhaqmay


Hargeysa(HWN):-Muwaadiniin reer Somaliland ah oo kasoo safray waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo yimid magaalada Hargeysa ayaa qaarkood waxa ay cabasho ka muujiyeen fayadharka iyo nadaafadda goob lagu karantiilayo muddo 14 cisho ah oo ay sheegeen in aanay caafimaadka u wanaagsanayn balse laga diiday in meel kale la geeyo.




Gabadh lagu magacaabo Nimco Cabdi Gool oo ka mid ahayd dadkii Jabuuti ka soo laabtay oo xaaladdan qoraal kooban oo ay ka samaysay ku baahisay degelka ay ku leedahay barta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa ay tidhi: "Abaarro 09:50 Barqonimo ayay diyaaraddu soo caga dhigatay garoonka Egal International Airport ee magaaladda Hargaysa, diyaaraddan oo sidday 49 qof oo reer Somaliland ahaa oo ka yimid dalka Jabuuti, dadkan ayaa muddo ku go’doonsanaa halkaasi xaaladda bandooda ah ee ka jirta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee CoronaVirus darteed. dadkani ayaa isugu jira bulshadda qaybaheeda kala duwan rag, dumar waayeel ah,caruur iyo da’ dhexeba. Xaaladdu way ka duwanayd sidii hore iyo nidaamkii rakaabka xagga Airport markay tahay, xaaladaha Corona Virus-ka awgii. Goobta kuma sugna wax masuuliyiin ah ha noqoto heer qaran, heer gobol iyo heer dagmo midna, Si aannu u hello warbixin ku filaan halka naloo wado iyo haddiiba ay jirto talo caafimaad.


Markii ugu horaysay waxa na qaabilay Koox ka soctay Wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuul ka socday hay’adda socddaalka Somaliland, qalabkii xumada lagu eegayay ayaa nalagu eeggay, waxaanu buux-buuxinay warqad caafimaad, ka dib markii intaasi aannu dhamaynay ayaanu soo raacnay gaaddiidkii naloogu talo galay in ay na soo qaadaaan. waannu soo raacnay waxaana na horsocday labba Ambalaas, waa nala keenay halkii qorshuhu ahaa in nalagu dajiyo karantiinkana aannu ku galno mudadda 14-ka casho ah sida sharciga ah, oo dadkuna raallida ku ahaayeen safarkoodda ka hor. Dadka wax loo qaybiyay laba meelood maadaama oo dadku tiro ahaan badan yihiin 49 qof, waxa la kala geeyay labba goobood. Aniga iyo kooxdii Aaan ka midka ahaa Waxaanu soo gaadhnay dhismihii aannu dagi lahayn. Dadka waxa ku jira dad waaweyn caruur aad u yar yar, dumar xaamilooyin ah, dad xanuuno la nool (Macaan iyo gaastari) sida ay ii sheegeen. Wuu dagay si uu u soo eeggo goobtu siday tahay iyo nadaafadeeda, Qof ka mida kooxda ayaa ka dagay baskii aannu saarnayn wuu soo arkay kumu gancin goobta iyo nidaamkeeda, wixii u soo arkay wuxuu la wadaagay kooxdii markaasi horeba u dirtay inu war ka soo siiyo maadaama oo xan hore ka jirtay halkan goobtan!!!!


Waxa Jiray laba nin oo hawl wadeeno ka ahaa dajinta dadka dalka yimid iyo hawshooda karantiinka oo markaasi aannan anigu garanayn wajiyaddooda iyo darjadoodda midna.!! Halkaasi marka ay marayso wax dhacay buuq iyo ismaan dhaaf xoogan oo dhex maray labbadan nin iyo dadkii oo ku doodaya meeshani maaha meel aannu karantiin ku gali karno 14 casho nadaafada iyo faya dhawrkeeda darteed.


Muddo markii muran iyo hadal la waday ayaa kooxddii waxay dalbadeen in ciddii hawshan masuulka ka ahayd oo ay ula jeedeen masuuliyiintii qaranka loogu yeedho muddo saacaddo ah ayaa labbaddii nin ay la meeraysteen Kooxddii. Badiba kooxddu way sooman yihiin marka laga reebo intaa cudurdaarka haysata ee aan soomi Karin, Mardambe oo dadkii daal iyo dambaab isugu biiray, ayaa waxa yimid guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex Mr. Khadar, laba qof oo kooxdu dirsatay ayay wada hadleen oo u sheegay cabashada ay qabaan, hadal la wad oo la wad oo sheekaddii Laysla fahmi waa’, ayaa meesha ka dhacay, waxa yimid ciidan tiro badan oo iyaguna loo keenay inay hawsha qayb ka noqdaan, waxaan boggaadinaya ciidankaasi sidii milgaha lahayd ee ay kooxda ula dhaqmeen iyaga oo na garab istaagay. Sheekadaasi waxay ku soo gaba gaboowday in halkii iyo goobtii dadku diidanaayeen mooyaane meel kale aan loo hayn Isla markaana ay ku qabsan yihiin in ay ku dagaan!! Afar saacadood ka dib kooxdii iyaga oo aad u daallan niyadooduna aanay wanaagsanayn ayay baskii ka soo daggeen”. Ayay qoraalkeeda ku soo gunaanaday Nimco Cabdi Gool.

 

Loading...
Loading...