Suldaankii Laga Qaaday Hargeysa Club Oo Ciidan Beeleed Samaystay Iyo Waan Waantii Xukuumada Oo Xabad Laga Horkeenay

0
Monday May 11, 2020 - 15:08:20 in News by
  • Visits: 4341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaankii Laga Qaaday Hargeysa Club Oo Ciidan Beeleed Samaystay Iyo Waan Waantii Xukuumada Oo Xabad Laga Horkeenay

    Suldaankii Laga Qaaday Hargeysa Club Oo Ciidan Beeleed Samaystay Iyo Waan Waantii Xukuumada Oo Xabad Laga Horkeenay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaankii Laga Qaaday Hargeysa Club Oo Ciidan Beeleed Samaystay Iyo Waan Waantii Xukuumada Oo Xabad Laga Horkeenay


Hargeysa(HWN):-Maareeyaha guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland Mudane Maxamuud Raage Ibraahim oo hawlaha nabadeed ee xukuumaddu ka waddo deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag muddooyinkii ugu dambeeyey u joogay deegaamada Sanaag Galbeed oo doonayay in uu soo ladqabeeyo Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee Gobolka Sanaag ayay Maleeshiyaad Suldaanku ku urursaday deegaanka Laasdoomaarre ku rasaaseeyeen gaadhigii uu watay iyo 18 xubnood oo la socday.

Wafti Uu Maareeye Raage Hogaaminayey Oo Suldaankii Biciide Waan ...


Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Wafti ka kooban 18 Xubnood oo uu Hogaaminayay Maareeyaha Guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland Md. Maxamuud Raage Ibraahim waxa ay safar ku tageen Deegaanka Laasdoomaare halkaasi oo uu Maareeyuhu doonayey in uu ku soo ladqabeeyo waan waanna ula tago Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo la sheegay in uu ku dhawaad 100 Maleeshiyaad ah ku urursanayay muddoba deegaankaasi kaasi oo markii waftiga Maareeyuhu Suldaanka u tagay ee la isugu Yimid goob lagu wada hadlo uu Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale Maareeyaha u sheegay in uu iska noqdo oo aanay wax jirin wax ay ka wada hadleen balse uu taasi diiday Maareeyaha Madbacadda Qaranku Mudane Maxamuud Raage Ibraahim. Tani waxa ay keentay in Markii Maareeyuhu diiday in uu noqdo amar lagu siiyay maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa in ay xoog kaga saaraan deegaanka iyaga oo u adeegsaday hub fara badan iyo rasaas xoog leh.


Ilo-wareedyada xog-ogaalka ah ee sida rasmiga ahWargeyska Foorexalay uga helay waftiga Maareeyaha ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in markii Maareeye Maxamuud Raage Ibraahim diiday in uu dib u noqdo illaa xal iyo waan-waan la gaadho ay maleeshiyaadkii Suldaanku deegaankaasi ku urursaday rasaas iyo hub culus ku bilaabeen gaadhigii uu watay Maareeyaha Madbacadda Qaranka iyo xubnihii la socday oo ka koobnaa 18 Nin inkasta oo wax khasaare ah oo nafeed ahi aanu halkaasi ka dhalan balse ay sidaa ku qaateen moobiladii iyo agab kale taasina ku khasabtay waftiga Maareeyuhu in ay ku soo laabtaan degmada Ceel Afweyn.


Xogta Rasmiga ah ee aannu dhacdadan ka helnay waxa ay noo xaqiijisay Markii Waftiga Maareeyaha Madbacadda Qaranku ku soo laabtay Degmada Ceel Afweyn inay degmada ka dhacay isu soo bax ay wax-garadka, odayaasha iyo aqoonyahanada deegaanku sameeyeen oo ay ku shalay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin falkan lagula kacay Maareeyaha iyo waftigiisa iyaga oo ku baaqay in xaaladda degdeg loo dejiyo nabadna la qaato iyaga oo ku baaqayay dadka deegaanku in Miiska wada hadalka la isugu yimaad oo dhinaca lala qabto dadaallada xukuumaddu ka waddo deegaankaasi ee nabadaynta ah, sidoo kalena ay markii dambe Maareeyaha loo keenay moobiladii iyo agabkii ay kooxda Suldaanku qaateen.


Xaaladda ayaa imika degan waxaanay Gobolka Sanaag ku sugan waftigii xukuumaddu u dirtay in ay qaboojiso xaaladda deegaanka Fadhigaab ee Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag oo dhawaan laba beelood oo walaalo ahi isku fara saareen.


Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta Deegaanka ayaa dhawaan si adag uga hadlay tallaabadii xukuumaddu dib ugala noqotay Huteelka Hargeysa Kilaab (Hargeisa Club) oo isaga iyo Muwaadin kale hore loo siiyay balse xukuumaddu dhawaan amar ku soo saartay in dib loogala noqday arrintaasi oo keentay in Suldaanku si weyn uga kaco warkanna noo xaqiijiyay in uu deegaankaasi ku urursaday 100 maleeshiyo beeleed ah.

 

Loading...
Loading...