Xaalad Ka Taagan Madaarka Hargeysa Iyo Shaqaale Ka Gadooday Lacago Laga Cunay Oo Dacwad Gudbiyey

0
Monday May 11, 2020 - 14:53:13 in News by
  • Visits: 1444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad Ka Taagan Madaarka Hargeysa Iyo Shaqaale Ka Gadooday Lacago Laga Cunay Oo Dacwad Gudbiyey

    Xaalad Ka Taagan Madaarka Hargeysa Iyo Shaqaale Ka Gadooday Lacago Laga Cunay Oo Dacwad Gudbiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad Ka Taagan Madaarka Hargeysa Iyo Shaqaale Ka Gadooday Lacago Laga Cunay Oo Dacwad Gudbiyey


Hargeysa(HWN):-Qaar ka mid ah Shaqaalaha ammaanka ee Garoonka Diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa ee Cigaal, ayaa shalay ka gadooday lacag ay sheegeen in laga musuq-maasusay, waxaanay cabashadooda usoo gudbiyeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda si wax looga qabto.

Egal International Airport - Posts | Facebook


Shaqaalahan ayaa la sheegay inay hore ugu gudbiyeen Cabashadooda Masuuliyiinta Hay’adda duulista iyo Hawadda Somaliland, balse markii ay wax-ba ka qaban waayeen cabashoodooda ayaa waxay keentay inay sameeyaan gadood cabasho oo la hor-taggeen xarunta Hay’adda Duulisa iyo gaadiidka cirka.


Dhanka kalena shaqaalahan ammaanka Madaarka Hargeysa ee laga musuq-maasuqay lacagahoodii, ayaa waxay la weriyey inay cabashooda ay soo gaadhsiiyeen Hay’adda Shaqaalaha Dowlada, kadib markii ay ka caal waayeen inay wax u qabato Hay’adda Duulistu.


Ma jiro wax war ah oo ku saabsan amuurtan oo ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, balse waxay shaqaalaha ammaanka ee Madaarka Hargeysa ay sameeyeen shalay gadood ay la hor-taggeen xarunta Hay’addaas, iyagoo ka cabanayey lacag ay lahayeen oo laga musuq-maasuqay.


Sidoo kale wax faahfaahin ah oo dheeraad ahi kama soo bixin cabashadan ay shaqaalahani shalay muujiyeen oo sawirradooda iyo warkooda lagu baahiyay baraha Bulshada.

Loading...
Loading...