Horyaalkii Ingiriiska Oo Dib Loo Bilaabayo Iyo Shuruudo Adag Oo Ay Lix Kooxood Ku Midoobeen

0
Monday May 11, 2020 - 14:02:47 in News by
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalkii Ingiriiska Oo Dib Loo Bilaabayo Iyo Shuruudo Adag Oo Ay Lix Kooxood Ku Midoobeen

    Horyaalkii Ingiriiska Oo Dib Loo Bilaabayo Iyo Shuruudo Adag Oo Ay Lix Kooxood Ku Midoobeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horyaalkii Ingiriiska Oo Dib Loo Bilaabayo Iyo Shuruudo Adag Oo Ay Lix Kooxood Ku Midoobeen


Lixda kooxood ee ugu hooseeya horyaalka Premier League ayaa shaaciyey inay qaab fallaago ah u dhaqmi doonaan oo ay kasoo horjeedsan doonaan in la hirgeliyo qorshaha dib loogu bilaabayo horyaalka ee ay kooxaha kale doonayaan, gaar ahaan qodobka sheegaya in garoomo dhex-dhexaad ah lagu ciyaaro kulamada hadhay.




Kooxahan oo ay tiradoodu tahay lix, lana sheegayo inay la socdaan laba naadi oo kale oo qarsoon ayaa waxay dalbadeen in sannadkan la kansalo kooxihii dib ugu laaban jiray heerka labaad ee saddexda ahaa, si ay iyaguna u ogolaadaan in garoomo dhex-dhexaad ah lagu ciyaaro.


Norwich, Watford, Aston Villa, Mournemouth, West Ham iyo Brighton ayaa waxay diyaar u yihiin inay cod ku hor istaagaan in garoomo aan kuwooda ahayn oo dhexdhexaad ah lagu ciyaaro, haddii iyagana aan loo ballanqaadin in aan meesha laga saarayn in saddexda ugu dhibcaha hooseeya ay ka baxaan Premier League oo sidii caadiga ahayd ay tagaan Championship-ka oo saddex naadi kasoo dallici doonaan.


Maanta oo isniin ah ayay kooxuhu shir yeelanayaan, waxaana ka hor ay naadiyadan fallaagada ah caddeeyeen warkooda.


Masuul sare oo ka tirsan mid ka mid ah lixdan kooxood ayaa laga soo xigtay: "Cid walba waxay ka shaqaynaysaa sida danaheeda u wanaagsan, laakiin in aanu hurno faa’iidadii garoonkayaga aanu ka helaynay maaha wax laga xaajoon karo kuwa noogu hanjabaya in hoos la noo celinayoow.”


Sida uu qoray wargeyska Mirror, kooxahani waxa kaliya oo ay doonayan in ay helaan damaanad ah in sannadkan aanay jiri doonin cid hoos uga dhacaysa horyaalka, taas oo ka hor imanaysa sharciga ciyaaraha dalkaas oo kaliya aan saamayn doonin Premier League laakiin naadiyadii kasoo dallici lahaa Championship-ka ay meel waayi doonaan, haddii aan la keenin doorasho kale oo ah in tirada kooxaha xili ciyaareedka dambe la kordhiyo.


Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa usbuucii hore ku hanjabay in kooxaha diida in la hirgeliyo qorshahan dib loogu celin doono heerka labaad oo laga saarayo Premier League, laakiin taas si cad uga soo horjeedsaday Brighton, Watford, Aston Villa iyo saddexda kooxood ee kale oo sheegay in aanay dheg u dhigi doonin hanjabaadda.


Loading...
Loading...