Hay'adda SPARK Oo Cilmi Baadhis Ku Samaysay Fahanka Bulshada Iyo Faa'iidada Free Zone Ka Dekada Berbera

0
Tuesday April 09, 2019 - 10:05:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda SPARK Oo Cilmi Baadhis Ku Samaysay Fahanka Bulshada Iyo Faa'iidada Free Zone Ka Dekada Berbera

    Cilmi baadhis ay samaysay Haya'da SPARK oo ku saabsan sidii wax looga ogaan lahaa faa'iidada iyo fahanka bulshada ee Free Zone

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cilmi baadhis ay samaysay Haya'da SPARK oo ku saabsan sidii wax looga ogaan lahaa faa'iidada iyo fahanka bulshada ee Free Zone
( Goobaha cashuuraha ka caagan) ka dekeda Berbera ayaa lagu qabtay Hotel Damal ee magaalada Berbera kaasi oo ay ka soo qayb galeen Maareeyaha dekeda berbera, madaxa shirkada DP WORLD, wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha maalgashiga iyo ganacsiga iyo daneeyayaal kale ee dekeda berbera iyo Free Zone ka ( Goobaha cashuuraha ka caagan).



Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Mustafe Godane Cali Bile kaasi oo ku booriyey in si weyn ay bulshadu uga faa’iidaysato wakhtiga la bilaabo Free Zone ka dekeda Berbera oo noqonaya goob faaiido badan ay ka helaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo shirkada ka jira Somaliland kaasi oo ku tilmaamay wax loo baah-naa in la sameeyo oo ay ku dhiiratay haya’da SPARK sidii ay xog-ururin uga samayn lahayd faaiidada iyo fahanka bulshada ee Free Zone ka.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadashay Agaasimaha guud ee wasaarada maalgashiga Deeqa Cabdi Yuusuf taasi oo sheegtay in Free Zone ka ( Goobaha cashuuraha ka caagan) dekeda berbera uu maalgashiga dalka qayb weyn ka qaadanayo rajaynayaana in uu wax badan dalka ku soo kordhiyo waxaanay sheegtay in ka wasaarad ahaan ay si weyn uga shaqaynayaan sidii loo heli lahaa maal-gashadayaal badan oo dalka ka bilaaba shaqo abuur iyo korodh dhaqaale.

Maareeyaha dekeda berbera iyo madaxa shirkada maamusha dekeda berbera ee DP WORLD ayaa si wada jir ah uga hadlay Free Zone ka ( Goobaha cashuuraha ka caagan) waxaanay sheegeen in ay tahay wax loo baahan yahay waxaanay ka dhawaajiyeen in dhawaan xukuumada Somaliland ay xeerkii lagu maamuli lahaa Free Zone ka dekeda waxaanay bogaadiyeen cid kasta oo ka shaqaynaysa sidii dalka horumaro kala duwan looga yagleelo.


Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor kaasi oo sheegay in horumarka kala duwan ee mudooyinkii u danbeeyey soo kor dhayey ay yihiin kuwo ku yimid maalgashiga dekeda berbera ay ku samaysay shirkada DP WORLD taasi oo gobolka saaxil iyo guud ahaan Somaliland wax badan ku soo kordhisay waxaanu sheegay in hadii si wanaagsan looga faaiidaysto Free Zone ka ( Goobaha cashuuraha ka caagan) dekeda berbera ay wax badan kor u qaadi karto dhaqaalaha guud ee dalka iyo qayb libaax lena ka qaadan karto shaqo abuurka iyo horumarka dalka


Loading...
Loading...