Golaha Wasiirada Somaliland Oo Bogaadiyay Masaajido Joojiyay Salaada Taraawiixda

0
Monday May 11, 2020 - 12:27:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Somaliland Oo Bogaadiyay Masaajido Joojiyay Salaada Taraawiixda

    "Ugu dambayn waxay golluhu ay boggaadinayaan iimaamada labada masjid ee masjidka Al Hudda iyo masjidka Geed"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ugu dambayn waxay golluhu ay boggaadinayaan iimaamada labada masjid ee masjidka Al Hudda iyo masjidka Geed"



Boorama (HWN) Magaalooyinka Boorama iyo Berbera, ayaa noqday magaalooyinka ugu horeeyey ee laga joojiyo tukashada salaada Taraawiixda si looga hor taggo faafista cudurka karoona Fayras, waxaana loogu baaqay dadka inay ku tukadaan guryahooda.

 

Toddobaadkii hore ayey labada Masaajid ee ugu waa weyn Magaalada Boorama ee Al-Hudda iyo Geed Goble ay imaamyadoodu sheeciyeen in ay joojiyeen tukashada salaada Taraawiixda si looga foojignaado faafista cudurka karoona

 

Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka safka ah ee Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafi karro isku imaanshaha Bulshada.

 

Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masaajidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masaajidka, balse laga joojiyo uun salaada Taraawiixda.

 

Madaxweyne Biixi iyo gollihiisa wasaaradda ayaa shirkoodii maalintii khamiistii ina dhaaftay ku bogaadiyey imaamada labada masaajid ee Boorama joojista ay joojiyeen salaada Taraawiixda inta lagu gudda jiro la dagaalanka ka hor-tagga faafista cudurka karoona"Ugu dambayn waxay golluhu ay boggaadinayaan iimaamada labada masjid ee masjidka Al Hudda iyo masjidka Geed Goble ee Magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo hakiyey salaadihii Jamaacadda Muddada lagu jiro cudurkan saf mareenka ah ee karoona Fayras, taasi oo ay muujiyeen inay lexejeclo weyni ay ka hayso dadkooda iyo dalkooda, madaama oo uu cudurkani uu ku fidayo isku imaantinka .”Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland

 

Dhanka kale Maamulka gobolka Saaxil iyo culimadda gobolkaas, ayaa isla qaatay in la joojiyo tukashada salaada taraawiixda si looga gaashaanto fiditaanka cudurka karoona "Culimadda gobolka Saaxil gaar ahaan Berbera waxaanu isla fahanay oo isla qaadanay in aynu salaadii sunaha ahayd ee Taraawiixda dhammaanba Masaajidada laga joojiyo .” Ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil

 

Geesta Kale Qaar kamid ah culimadda Magaalada Berbera oo halkaas ka haddlay ayaa ugu baaqay bulshada inay ku tukadanaa guryahooda salaadaha taraawiixda "Waxaanu isla qaadanay in salaadii Tarawiixda la joojiyo oo dadku ay guryahooda ku tukadaan oo aynu inta aynu qof bad-baadin karrayno bad-baadino oo xanuunkaasi aanu sabab teena ku faafin,oo salaada Taraawiixda ay dadku guryahooda ku tukadaan, go’aankaasi wuu ka dhaqan galay Masaajidadda Berbera habeen hore ayey fuliyeen oo ay joojiyeen salaadaha taraawiixda .”

Loading...
Loading...