"Dhiillada Ka Imanaysa Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Dheg-Xumo Ayay Somaliland Ku Tahay"..Xisbiga WADDANI

0
Monday May 11, 2020 - 12:13:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dhiillada Ka Imanaysa Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Dheg-Xumo Ayay Somaliland Ku Tahay"..Xisbiga WADDANI

    "Waxa badbaado u baahan maanta dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba leh ee ka shaqeeya Cisbitaalka Hargeysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa badbaado u baahan maanta dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba leh ee ka shaqeeya Cisbitaalka Hargeysa"

Hargeysa (HWN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa xaaladda Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa waxa uu ku tilmaamay mid dheg xumo ku ah qaranka Somaliland halis weyna ku ah caafimaadka umadda iyo dadkii marka horeba Cisbitaalkaasi ku sugnaa ee ku xanuusanayay kadib markii xukuumaddu cisbitaalkan ka dhigtay goob lagu eego dadka looga shakisan yahay cudurka Halista ah ee Covid19 isaga oo xisbiga WADDANI ku baaqay in xukuumaddu ku fashilantay guud ahaan qorshaha ka hor tagga iyo la tacaalidda xaaladda xanuunkan.

 

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa dhibaato weyn umadda ku yahay sidaa darteed si dagdag ah wax looga qabto lagana joojiyo dadka lagu baadhayo ee xaaladda Covid19.

 

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Cisbitaalka Magaalada Hargeysa waxa ay Maxmiyaddii Ingiriisku dhistay 1953-kii waxaana wakhtigaa magaalada Hargeysa ku noolaa toddoba kun oo qof maantana waxa ku nool Hal Milyan iyo Badh qof wana ta keentay in culayska intaa le’eg uu la ciirciirayo iyada oo sidaasa haddana sababta ay ula soo doonteen xukuumaddu dadka looga shakisan yahay cudurka Korona Fayras waa wax lala yaabo iyada oo la ogyahay inta bukaan ah ee jiifta iyo barxaddiisa iyo baylahda muuqata maxay tahay. Dhiillada ka imanaysa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa dheg-xumo ayay qaranka ku tahay. Dhaliilna kuma laha shaqaalaha Cisbitaalka Guud dhibaatadaasi ka taagan oo maydaan siin tababar oo maydaan siin qalab, loogumana tala galin ee Cisbitaal gaar ah ayaa la idin siiyay”.

 

"Waxa badbaado u baahan maanta dhallinyarada wiilal iyo gabdhaba leh ee ka shaqeeya Cisbitaalka Hargeysa. Dhaliil uma baahna ee waxa ay u baahan yihiin in la badbaadiyo, iyaga ayaa badbaado u baahan maxaa yeelay qalabna ma haystaan, wacyigelina ma haystaan, wixii dunidu ku soo deeqday iyo dadka dalkuba ku soo deeqeen guddidaasi ayaa haysa meel la geeyayna lama hayo su’aalahaasi ayaanu guddida ka sugaynaa. Maxaad guddiyeey umadda u qabateen illaa hadda umadda ee aan xaaladdan ka qabateen”.  Ayuu yidhi Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.


Loading...
Loading...