Mid Ka Mida Hay'adaha Somaliland Oo Jabisay Go'aamaddii Lagaga Hortagayay Cudurka Covid-19.

0
Monday May 11, 2020 - 12:10:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mida Hay'adaha Somaliland Oo Jabisay Go'aamaddii Lagaga Hortagayay Cudurka Covid-19.

    "Arintan ayaa ku soo aadaysa Wakhti la mamnuucay kullamada iyo isku imaanshaha bulshadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arintan ayaa ku soo aadaysa Wakhti la mamnuucay kullamada iyo isku imaanshaha bulshadda"

Hargeysa, (HWN) – Waxaa soo ifbaxaya inaanay Hay’addaha Qaranka Xukuumadda Somaliland ka sinayn islamarkaana ka midaysnayn hanaanka wacyigalineed ee  lagaga hortagayo Fiditaanka Cudurka Carona kaasi oo ay ugu horayso in bulshada la kala fogaayo, lalana dagaalamo isku imaadyada iyo isku ururka.

 

Hay’adda Barakacayaasha Somaliland ee uu gudoomiyaha ka yahay Cabdikariin Xinif, ayaa waxa maalmahana ka socda talaabooyin ka yaabiyay bulshada intii indhaha ku dhufatay, waxaanay kaamboolka dayrka ay ku wadaagaan wasaaraddaha kale ka buux dhaafiyeen boqolaal qaxooti yaminiyiin u badan kuwaasi oo aan ku wacyigashayn ololaha qaranku wado ee lagaga hortagayo Cudurka Carona Virus ee maanta sida baahsan ugu dhex fidaya Somaliland waxaanay si habacsan Shalay oo u dambaysay isku dhex daadsanaayeen xafiiska Xinif hortiisa, taasi oo u muuqatay inay iskugu yeedheen oo ay raali kaga ahaayeen Masuuliyiinta sare ee Hay’addaasi.

 

Arintan ayaa ku soo aadaysa Wakhti la mamnuucay kullamada iyo isku imaanshaha bulshadda si looga hor tagga faafi taanka Cudukra karoona Fayras, taasi oo muujinaysa in Xinif aanu dheg jalaq u siin go’aamadda Madaxweynaha iyo guddida karoona Fayras, balse uu tiisa iska wato. Arintan ayaa keeni karta khatar caafimaad darro xili ay sii korodhayso tiradda dadka u geeriyooday iyo kuwa oo soo ritay cudurka karoona Fayras guddaha Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u sheegay in la joojiyey kullamada iyo shirarka si looga hor-taggo cudurka karoona Fayras, iyadoo guddida karoona Fayrasna ay sidaas oo kale sheegeen in aan la ogolayn isku imaansha dadka,isla markaana in tallaabo laga qaadi doono ciddii u hoggaansami weyda go’aamdaas. Wallow aanay ogolanayn Hay’addaha kale ee kaamboolkaasi kula jiraa, haddana lama garanayo talaabadda ay xukuumaddu ka qaadan karto si aanay mar dambe arintani u dhicin.

 

Dhanka kale arintan ayaa muujinaysa Guddoomiye Xinif inuu u muuqda masuulka kaliye ee ka tirsan Xukuumadda Madaxwenyne Biixi ee ka hor yimid go’aankii Xukuumadda ee xakamaynta cudurka karoona Fayras gaar ahaan kala fogaanshiyaha (Social distance), isagoo ku soo beegaya kulamadiisa wakhtigan oo ay Xukuumaddu la tacaalayso sidii ay uga horteggi lahayd faafitaanka cudurka Karoona Fayras .

 

Dhawr jeer oo aanu telefankiisa gacanta garaacnay Xalay Gudoomiye Xinif si aanu wax uga waydiino  arrintan ayaanay noo suurto galin in aannu ku helno kadkaasi.


Loading...
Loading...