DHULCUNAW : MEE DAMIIRKAAGII ?

0
Tuesday April 09, 2019 - 09:42:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHULCUNAW : MEE DAMIIRKAAGII ?

    Waa haben madaw oo mugdiya, oo cirkuna hadoodilan yahay , waa dhaxan , wadooyinkuna waa juuqla jaaqla , askari waar diya ah uun baa lugeynaaya .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa haben madaw oo mugdiya, oo cirkuna hadoodilan yahay , waa dhaxan , wadooyinkuna waa juuqla jaaqla , askari waar diya ah uun baa lugeynaaya .
Axmed guriguusu wuxuu ku yaalaa koonaha magaalada , wuu dhaxamoonayaa , koofiyaddii uu gashanaana waxba kama tarayso , kolba wuu yara kacayaa , si uu dhaxanta isaga duuliyo , markuu daalona wuxuu ku yara dhakinaayey makhsinta uu seexdo ee u dhaw daaqadda debbeda , saacaddu xiliga ay marayso lama socdo , laakiin waa goor danbe .
Albaabkii guriga ayaa la garaacey , waxa uu iswaydiiyay tolow xiligan yaa garaacaaya , cidina reerka kama maqnee oo way wada hurdaane .
XAAJI AXMED :xaggii albaabka ayuu u kacey :waxaanu oo u yidhi : waar wa ayo ?
CODKII ayaa jawaabey: waa aniga QAWDHAN DHULCUN ?
XAAJI AXMED: tolow maxaa soo kordhey ayuu iswaydiiyey ?
XAAJI AXMED : albaabkii ayuu ka furey ;soo dhaaf ayuu ku yidhi , wuxuu geeyey makhsinkiisii uu jiifey , kursi halkan yaalla ayuu isku tuurey qawdhan , boodh ayaa ka duuley , waayo ? qawdhan wuxuu ahaa nin aad iyo aad u qarowayn oo balaadhan .
maxaa soo kordhay ,ayuu x axmed waydiiyey qawdhan ?
Adeer waxba ma soo kordhine , ha werwerin , ee bal adigu iska waran ? haalkaagu waa sidee ?
Xaaji axmed inta uu dib u fadhiistey , oo cirka eegey , oo waxoogaa yar oo murugo ahi codkiisa ka muuqatey , ayuu ku jawaabey : waa nin iyo waagii ? inkastoo waayuhu adag yahay ? maxaan ka waramaa , xaaskii way iga bugtaa oo dawo uma soo iibin karo , islaantii ii hooyada ahaydna waa sakaraad , caruurtiina allaa xaalkooda og ?
QAWDHAN DHULCUN: illaahey ha ku caawiyo , isdeji , dadkuba wax badan isma dhaamee, waad ogtahey duruufaha dalka iyo dadkaba heysta , ee aynu ku nool nahey , sidaa awgeed ayaan kuugu imi , waan ogahey inaad aad lacag u baahan tahay , aniguna raali ka ahaan maayo inaad xaaladdan xun ku sii jirto , oo sidaa kugu eegan kari maayo :
x.axmed : wax badan ayaa madaxiisa ku soo dhacey , su aalo badan ayuu iswaydiiyey < tolow maxaa keeney qawdhan ? tolow muxuu u jeedaa ? tolow muxuu iga doonayaa ? tolow maxaa buul caws keygan uu ka soo doonay ? tolow muxuu ii caawinayaa ? iyo su aalo kale oo jawaabo u baahan ayuu qawdhan dhulcun ka sugayaa ?
Qawdhan dhulcun : ayaa yidhi : x axmedaw ma ga raneysaa dhulkii yaraa ee beerta gurigeyga ku xigtey , ayaa x.sakariye sheeganayaa inuu aabbahey ka iibsadey intaanu dhiman ka hor ,laakiin wax waraaqo ah ma heysto oo cadeynaaya arintaa ?
X.axmed ayaa si adag arintii uga jawaabey , oo ku yidhi : qawdhanaw ... waxa jirtey shuhuud badan oo arintaa ka markhaatin aheyd ,oo taagneyd markii ay lacagta kala qaadanayeen , oo aan anigu ka mid ahaa .
x.axmed iska ilaw shuhuudaa la soo kiraystey iyo markhaati nimadooda ?
x.axmed : qawdhanaw maxaad iga dooneysaa aniga iminka ?
x.axmed : waxaa madaxiisa ka guuxay say sidii uu lacagb u siin lahaa qawdhan uun , qawdhanna intuu farxay oo uu arkey inuu marsiiyey x.axmed , in uu iska ilaawo ciddii laheyd dhulka , oo uu ku qanco in lahaan shiiyaha dhulku uu yahay dhulkii aabbiohii , inkastuu ogyahay x.axmed runta , laakiin saacadani waa saacad uu sheydaanku shaqaysanaayo , oo qofka caqligiisu iyo maankiisuba ay maqan yihiin . baahidoo ka badatey awgeed .
Qawdhan dhulcun:x.axmed ma ku qanacsan tahay iminka inuu aabbahay dhulka iska lahaa ? oo aanu xaajigan sheeganayaa lahayn ? ninkana maxkamadda ayuu tegey si uu xaqan uu sheeganaayo u soo ceshedo ? maxkamaduna berito 10:00 subaxnimo weeyo ,
sidaa daraadeed waxa weeye , inaad ii raacdo maxkamadda oo ka hor caddeyso inuu aabbahey dhulkan lahaa , oo aanu ninkana ka iibin , shaqona aanu dhulkan ku laheyn .
LAAKIIN: dqawdhanaw adeer ...?
Arintan ha ka fekerin , waxti ma haysano , idigaan isku kaa haleynayaa , si aan xaqeygii u soo ceshedo ....
qawdhan dhulcun : ayaa jeebkiisa , wuxuu ka soo saaray lacag dollar ah oo aad u badan , miiska ganbadhka ayuu u saarey x.axmed , wuxuuna ku yidhi :
lacagtan yarna waa mid aynu isku leenahay ee reerka wax ugu soo iibi , beritona maxkamadda ka bacdi kharash fiican baan ku siinayaa ? waa inoo iyo berito ?
X.axmed ayaa is yidhi ,u mahadnaq qawdhan : waad
laakiin qawdhan kamuu sugine wuu ka jarey hadalkii
Weynu usku leenahay ayuu ugu jawaabey :waa inoo iyo berito 09:00 subaxnimo gurigaaga hortiisa ayaan kugu soo marayaa , anigoo gaadhaga wata ?
x.axmed : dee wax cab
Qawdhan dhulcun : waad mahadsan tahay xaaji .
Qawdhan wuu iska baxay , x.axmed , werwer iyo dhaka faar ayaa isugu yimi . markhaati beena - lacag uu u baahan yahay oo soo doonatey , muxuu yeelaa
ma been buu sheegaa oo lacagtuu qaataa
mise runtuu sheegaa oo wuu ku lacag beelaa ? muxuu yeelaa ,talaa ku cadaatey ?
xaaskiisii way bugtaa , hooyadii waa sakaraad , caruurtiisii aad iyo aad bay u baahan yihiin .
X.axmed waa nin ilaaheh , oo dhaqan muslim leh , laakiin nin aad u adag maaha , dhibaatooyinkana uma adkeysan karo , cimrigiisuna waa ilaa 33 jir .
A.axmed werwer ayaa nafta isugu keeney , habeenkii oodhan laba indhood isumuu keenin , waagii baa baryey , wuu diyaar garoobey , wuu soo fooldhaqdey , , dharkiisii buu gashadey , ALBAAB KAABA lagaraacey , qawdhan baaba yeedhaaya .
X.axmedaw diyaar ma tahey ?
Haa waa nigan soo baxaaya ..
X.axmed gaadhigii ayuu korey , xaggii maxkamadda ayey afka saareen , x.axmed markii uu gaadhiga ka degey , ayaa naxdin , iyo baqasho -gariir - ku bilaabmey ..
qaadigii ayaa markhaatiyadii u yeedhey , markii uu doorkii x.axmed la soo gaadhey ee uu qaadigii is hortaagey , ayaa dhidid waaweyni qariyey wejigiisii , wadnuhuna gariirey ,
QAADIGII :magacaa
X.axmed cabdilaahi
IMISAAD JIRTEY ?
33 SANO
Maxaad ka shaqeysaa ?
waan shaqo la ahay iminka ...
Waayahey axmedaw : kitaabkaa quraanka ah gacantaada saar : waxaanad iga deda tidhaahdaa (walaahay bilaahay tallaahay runta ayaan ka sheegayaa arintan )
markaasu x.axmed gariirey : wuxuu xasuustey aakhiri -naarta -janada- cadaabta ilaahey - ciqaabta aakhiro -
markaasuu intuu qaadigii ishortaagey yidhi
wallaahey billaahey tallaahey runta ayaan arintan ka sheegayaa , iyo sidii ilaahay igu ogaa ...
waxaanu ku tashadey inuu runta ka sheego .
x.axmed runtii ayuu shegey , dadkii meesha joogey oo dhamina way u sacab tumeen .
qaadigiina wuu xukumey qadyaddii .
cali maxamed biixi [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...