Waa Imtixaan Somaliland Horyaalla Sida Looga Shaqaynayo Arrinta Axmed Cismaan Geelle Iyo Jabuutti

0
Tuesday April 09, 2019 - 09:29:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Imtixaan Somaliland Horyaalla Sida Looga Shaqaynayo Arrinta Axmed Cismaan Geelle Iyo Jabuutti

    Maxaad yeeli lahayd haddii lagu yidhaa Ri,shabeel iyo Caws wabi ka tallaabi?waxa ka dhigan arrinta Axmed Cisman Geelle,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad yeeli lahayd haddii lagu yidhaa Ri,shabeel iyo Caws wabi ka tallaabi?waxa ka dhigan arrinta Axmed Cisman Geelle,

Jabuutti iyo Banka BCIMR, waa masalo adag oo fur fur u bahan jawaabta laga bixiyo qaran ahaan waxay muujin doontaa Heerka Bisayl siyaasadeed ee Somaliland gaadhay,sidaas darted waxay u baahan tahay in Muraayad wayn la xidho,iyadoo laga eegayo dhinacyo badan.



Haddii aynu xisaab ahaan u eegno waxay u ekaanaysaa Sadex xagal marka laba xaglood la isu geeyo ay la mid noqonayso xagasha sadexaad,Tusaale ahaan haddii jabuuti iyo Banka BCIMR aynu isku dhinac raacinno waxay qaaciidadu u fadhiisanaysaa sidan soo socota;-

 "A+B=C”


Haddii aynu hayno Qiimaha B iyo C waxaynu u baahanhay inaynu soo saarno Qiimaha (A) si Isleegtu u hagaagto oo Balance u timaaddo,ama sidoo kale uu u soo baxo dheeligu.


Waxad mooddaa qiimaha Banka BCIMR iyo Axmed Cismaan in la hayo hase ahaatee waxa maqan Qiimaha Jabuuti ku maqan ee Axmed Cismaan geelle ka maqan maadama uu ahaa muwaadin laba dhalsho leh,isla markaana hanta badan ku lahaa jabuuti.


Haddaba si arrintan loo wajaho waxa loo bahanyahay in ilaaliyo Xaqqa Muwaadinka oo ah (Priority) oo lala doono waxa ka maqan,waxa lagu xigsiin doonaa Xuquuqda Qofka soo dacwooda Yuhuudi hadduu doono ha ahaado,kullamaa la qanciyo Qofka caddaalad darro tirsanaya ee shisheeyaha ah waxay jawaab u tahay Sumcadda Waddan ahaan iyo Dabaqidda Diinteena Muqadaska ah oo la ilaaliyo,diinteenu waxay inna faraysaa in gaalka loo cadaalad sameeyo.


Isku soo wada duub waxaynu u baahanhay in Si waafi ah loo eego oo heer qaran ah.loona dhameeyo.haddii arrintan la dhameeyo waxay noqonaysaa Dalcad Somaliland ka gudubtay.


Arrimaha noocan oo kale ah Waxa badanaa Xisbiyada looga baahanyahay in isku dhinac la iska taago,(Tripartisan)oo macneheedu yahay in sadexda xisbi u midoobaan oo aan lagu qaybsamin,sidoo kale Ganacsato,Aqoonyahan iyo dhamaan Dadka magaca ku leh dalka,waa in laga wada shaqeeyaa waana in la isticmaalaa Statecraft ama xirfad qaran,waxa xusid mudan arrintan waxay noqonaysaa arrinta koowaad ee nooceeda ah ee taariikhda soo marta Somaliland,habka loo dhameeyaa waxay geli doontaa Taariikhda jiilka soo socdaa cabbir ku qaattaan.


Waxan hubaal ah oo aynu ku kalsoonahay,maadaama Somaliland arrimo ka waaweyn oo hore ka soo gudubtay in tanna la dhamayn karo waliba si Fudud.

Allaa mahad leh

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...