Talo Iyo Tilmaan Ku Socota Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

0
Sunday May 10, 2020 - 20:15:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo Iyo Tilmaan Ku Socota Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

    Waxaad Na Tidhi:-Afka Xidha, Farxasha Kala Oo Fogaada, Waa Maxay Sababta Loo Keenaya Dhaqtarka Wayn Dadka Looga Shakiyey Conid 19?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaad Na Tidhi:-Afka Xidha, Farxasha Kala Oo Fogaada, Waa Maxay Sababta Loo Keenaya Dhaqtarka Wayn Dadka Looga Shakiyey Conid 19?



 

Waxaad Na Tidhi:-Afka Xidha, Farxasha Kala Oo Fogaada, Waa Maxay Sababta Loo Keenaya Dhaqtarka Wayn Dadka Looga Shakiyey Conid 19?

 

 

Waxa Maalmahan Dhegaheena Ku Soo Badanaya Dad Ka Cabanaya Fayraskan Safmarka Ah Ee (Covid19) Kuwaasi Oo Isku Arkay Calaamado Ay Uga Shakiyeen Inuu Hayo Fayraskan Safmarka Ahi (Covid19)

Kuwaasi Oo Inoo Sheegay Inay Call Center Garaaceen Oo Lagu Yidhi Kaalaya Dhaqtar Wayn Ee Hargeysa Markii Ay Yimadeena La Dhigay Emergecyga Oo Dadkale Oo Xanuunsanayaana Ay Joogaan

Indadka Loo Tudho Oo Loogu Shaqeeyo Dareen Muwaadino Daacadnimo Iyo Daryeel Dawladnimo Ayey Mudan Yihiin.

 

Waa Maxay Sababta Dhaqtarka wayn loo Keeno Dadka Looga Shakiyey  Covid19 ?

 

Hadaan Sheego Ujeedada Ka Danbaysa In Laa Keeno Dhaqtarka Wayn  Dadka Iskaga Shakiya Fayraskan Safmarka Ah Waxa Dhaqtar Yaala Shaybaadhkii Lagu Ogaanayey Fayraska  Waana Sababta Keentay Inay Yimaadaan Dadka Iskaga Shakiyey Fayraskani Emergency Ga

 

Waxa Haboonayd in :-

 

Qalabkani Wax Lagu Baadhayo Marhadii Uu Ayahay Waxyar Oo La Qaadan Karo Miyaanay Haboonayn In La Dhigo Goob U Khaas Ah Si Loo Badbaadiyo Bulshadan Kale Ee Dhaqtarwayn Jiifta Ee Bukaanta Ah Loo Ilaaliyo Badqabkooda

.

Miyaanay Haboonayn In Dhaqtarkii Tb Da ee La Baneeyey Lagu Rikibo Qalabkan Shaybaadhka ee Lagu Ogaanayo Fayraska Safmarka ah ee Covid19.

 

Dhaqtarka TB Da Waa In Loo  Aqoonsado Xarun Lakeeno Dadka Iskaga Shakiya Fayrsakan Maadaama Oo In Ka Badan 200 Oo Sariiroo0 Oo Diyaar Ahi ay Jiraan

Dadka Iskaga shakiya Covid19 Sidee Loo Qaabilaa Oo Loogu Adeegaa?

 

Dadka Iskaga Shakiyaa Waxay Soo Garaacaan Call Center Ka Kadib Waxa Loogu Yeedhaa Dhaqtarka Oo Shaybaadhka Lagaga Qaado Qofka

 

In Dhaqtarka Wayn Lagu Qaabilo Qof Looga Shakisan Yahay  Fayraskan Safmarka Ahi Waxay Sahlaysaa Inuu Bulshada Ku Faafo Fayraskani Safmarka Ahi Maadaama Uu Qofka Loo Yeedhay Bulsho Oo Dhexsocon Karo Waxqalab ahna  aanu  Haysan.

 

Waxa Haboon:-

 

In Dadka Call Center soo Waca Si Degdeg  Loogu Jawaabo Loona Sheego Inay Goobtooda Joogaan Inta ay Adeegayaasha Caafimadku u Tagayaan.

 .

Waa Inay jiraan Shaqaale Tobobaran oo Loo Diyaariyey Inay U Adeegaan Dadka Iskaga Shakiyey fayraskana safmarka ah Iyo Gaadiid Ambalaas ah oo loo Diyaariyey inuu Qofka ugu Tago Goobta uu Joogo .

 

 

 

Marjirtaa Goob Loo Asteeyey In La Dhigo Dadk Uu Soo Rito Fayraskan Safmarka Ahi ?

 

Haa oo Waxad Noo Sheegteen Inuu Jiro dhaqtar uu Muwaadin Reer Somaliland ahi Idiinku Deeqay oo aad Fayraskan Safmarka ah Dadka uu Helo Kula Tacaalaysaan.

 

Hadii aad Dhaqtarkaasi Haystaan Maxay Tahay Sababta aad Dadka aad ugu Yeedhaysaa Dhaqtar Wayn? oo aad Ogtihin Inuu Yahay Goob ay Dad Farabadan looga adeego Oo Isagiiba u Baahan In La Balaadhiyo.

 

Suashani jawaabteeda waxaan u daayey Gudida ka hortaga Covid 19

 

Bulshadu Siday U Aragta Gudida Qaran Ee Covid 19?

 

Dadku Waxay Walaac Badan Ka Muujiyeen In Dhaqtarka Wayn La Keenayo Kiisas Looga Shakisan Yahay Fayraskan Safmarka Ah Ee Covid19  sida hore u dhacday.

 

Aragtida ay Bulshadu Ka Bixisay Gudidani Waa Mid Dayro Ah oo Saluug Badani Ka Muuqdo

 

Gudadani Waa Golihii Wasiirada oo Waqtidoogu Yahay Mid Iska Mashquul Badan oo masuuliyado kale qaranka u hayo sidoo kale hadaanu nahay shacab ma jro halbeeg aanu ku xisaabtano gudadani oo masuuliyada koowad ka dhigay sidii ay xilkooda u sii hayn lahaayeen

 

Kuma Jiraan Gudida Dad Aqoon Caafimaadka Uleh Sida Public Health Ga Iyo Communicable Disease Control Xanuunada Faaha Cdc

Wasiirkii Caafimaadka Oo Gudida Ku Jira oo Aan Isna Lahayn Aqoon Caafimaad

 

Waxa Haboon:-

 

In ay Gudidi Tahay Mid Yoolkoodu Yahay Badbaadinta Shacabka Iyo Ka Hortaga Fiditaanka Covid19 Iyo Hadba Sidii Qalabka Iyo Qorshaha Caafimaadka Layskugu Jaangoyn Lahaa Maadaama oo Xaalad Dhaqaale Xumo uu Sababay Fayraskani .

 

Waa in Mishiishada iyo  Qalabka Caafimaadka Qiimihiisa Si Maalinle ah Loo Jaangooyaa

 

 Sidoo Kale Waxaan Ku Talinayaa In Gudida ay Ka Dhexmuuqdaan Labeenta Bulshadu

 

Ø Dhaqtaro Iyo Dadka Bartay Cudurada Faafa Sido Oo Kontaroolo

Ø Culimo

Ø Abwaan ama Dadka Arrimaha Bulshada U Dhaqdhaqaaqa

Ø Ganacsatada

Ø Wasiirka Caafimaadka Iyo Afhayeenka Xukuumadana

Ø Waxaan soo jeedinayaa in waxka badal lagu sameeyo gudida covid19

 

Gabogabadii waxaan leeyahay madaxweyne ka hortaga Fayraskani wuxuu u baahan yahay qorshe wayn oo si balaadhan loo darsay kaasi oo loo sameeyey habraac qoran oo ay qayb ka yihiin bahda Caafimadka ee dalku.

 

Arrimaha Dhaqaalaha ee Ilaa Imika Gacanta Gudida Soo Galay Waxaan soo Jeedin lahaa inay Umada La Wadaagaan oo Warbixinta Maalinlaha ah Ku Daraan Iyo Hadba Waxa Idiin Qabsoomay Iyo Wixii caqabad ah ee idinka hortimaadba.

 

 

Waxa Qoray:

Maxamed Cali Xuseen

Hargeisa Somaliland

[email protected]

 

---------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 

Ramadaan Mubaarka ilahay khayrkeed hayna siiyo fayrakanina hayna baal mariyo 10/05/2020

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...