Shirkadda Telesom oo Guddida Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay Deeq dhan $840,000.

0
Sunday May 10, 2020 - 19:31:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Telesom oo Guddida Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay Deeq dhan $840,000.

    "Waxaan maanta halkan ku wareejinayaa $200,000 oo kaash ah oo u dhiganta 4,000 "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan maanta halkan ku wareejinayaa $200,000 oo kaash ah oo u dhiganta 4,000 "

HARGEYSA  - [ HWN ] - Shirkadda Telesom ayaa maanta Guddida Ka Hortagga Covid19 Ku Wareejisay $840,000 oo isugu jira $640,000 qalabka xanuunka lagula tacaalo iyo $200,000 oo kaash ah  oo loogu talo galay qoysaska danyarta ah ee uu saameeyey xanuunka Covid19, shirkadda ayaa deeqdan kaga dhawaaqday shir jaraa’id oo maanta [Axad] ka dhacay madaxtooyadda.



 

Shirkan jaraa’id waxaa ka soo qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen guddida heer Qaran ee ka hortagga Xanuunka Covid19, maamulka sare ee shirkadda Telesom iyo masuuliyiinta madaxtooyadda Somaliland.

 

 

Sida uu sheegay Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah guddida sare ee shirkada Telesom. Shirkaddu iyadda oo ka jawaabaysa baaqii xukuumadda Somaliland u jeedisay ganacsatada, shirkaddu waxay guddida ku wareejisay dhammaan noocyadda qalabka looga baahaan yahay in lagula tacaalo xanuunka Covid19 qalabkaasi oo uu qiimihiisu dhan yahay $640,000, kana koobnaa aaladda lagu cabiro xumada, mishiinka Neef-caawiyaha, qalabka lagu baadho dheecaanada iyo Waji-saabka (Face Mask) dhakhaatiirta.


 

"Waxaan maanta halkan ku wareejinayaa $200,000 oo kaash ah oo u dhiganta 4,000 oo qoys raashinkood iyo qalabkaas oo u dhigma $640,000. Waxaan jecelahay madaxweyne ku-xigeen in aad naga guddoontaan”, sidaasi waxaa yidhi Cabdinaasir Aadan Nuur, xubin guddida sare ee shirkadda Telesom ah.


 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil Saylic ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey kaalinta ay qaranka ugu jirto, waxaanu ku amaanay in deeqdani ay wax weyn ka tari doonto hawlaha ka hortagga Covid19.

 

 

 

 

 

 

Loading...
Loading...