"Shacabka Somaliland Yaanay Isku Halayn Beenta Wasaaradda Caafimaadka" Maayarka Salaxley

0
Sunday May 10, 2020 - 10:48:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shacabka Somaliland Yaanay Isku Halayn Beenta Wasaaradda Caafimaadka" Maayarka Salaxley

    "Wasaaradda Caafimaadka runtii, Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay ha isku halaynina"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasaaradda Caafimaadka runtii, Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay ha isku halaynina"



Hargaysa (HWN) Maayarka Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen ayaa shacabka Somaliland usoo jeediyay inayna isku halay wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliand, waxaanu shacabka usoo jeediyay inay iyagu taxadiraan

 

Maayarka oo ka hor khudbadaynaya dhalinyaro kasoo jeeda Degmada Salaxlay ayaa waxa uu yidhi "Wasaaradda Caafimaadka aad ayaanu u dhaliilaynaa, waanna mid loogu talo galay inay dadkeena hagardaamo uun u ahaato,wasaaradda Caafimaadka waxaanu uga digaynaa inay dadka been u sheegaan, iyagoo meelna waxba ka qabanayn, islamarkaanna aan diyaar u ahayn inay meel uun wax kasii qabtaan, waxaanan aad u dhaliilayaa qaybtood masuuliyiinta ah, ee wasaaraddaasi go’aankeeda leh”

 

Waxa kale oo uu yidhi"Maalin dhawayd Mashruuc wayn oo Hay’adda WHO ay ugu talo gashay in dadka tabaalaysan lagu talaalo ayaa lagu fuliyay degmooyinka dalka oo dhan, Degmooyinka dalka oo dhan waxa ka shaqaysa dhalinyaro idinka oo kale ah ma ogtahay, lacagtii yarayd ee "Per diem” ee maalin lahayd ee ay ku shaqaynayee ayay ka cuneen, Markaa waxay u fadhiyaan Hay’adda in ay mashaariicda ay hay’adduhu ku kaalmaynayaan ama ku gargaarayaan dadkaasi tabaalaysan inay dhexda u fadhiistaan oo ay ku baadhaan”.

 

"Wasaaradda Caafimaadka runtii, Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay ha isku halaynina, waxaad qabsan karaysaan qabsada, dadaal, reer Salaxlay horena iskugumay halayn jirin, imikana waxba ka sugimaayaan oo isku halayn maayaan Wasaaradda Caafimaadka”.

Loading...
Loading...