'' Aduunyaddu Xisaab Bay Ku Socotaa ''.

0
Sunday May 10, 2020 - 09:59:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Aduunyaddu Xisaab Bay Ku Socotaa ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

 

Wadanka Poland wadarta dadka ku nool waxaa laggu qiyaasaa 38 malyuun , miisaaniyadda dawladuna waa 109 Bilyan , waxaana laggu tilmaamaa mid ka mida wadamada ugu hodansan wadamadda midowga Yurub .

 

Wadanka Sucuudi Areebiya isagana wadarta dadka ku nool waxaa laggu qiyaasaa 30 malyuun, GDP dalkana 524 Balyuun , halka qoondada qofkii kaga soo hagaagaysana laggu sheegay 16 kun oo doolar .

 

Wadanka Poland miisaaniyadiisu waa mid ku filan oo waliba aan ku cidhiidhi ahayn , halka Sucuudiga oo miisaanyidiisu tahay 209 Balyan aanay miisaaniyad ahaan ugu filayn , miisaaniyadda loo qoondeeyeyna ka tahay 261 Bilyan .

 

Dhibaatadda sucuudiga haysataana maaha mid ka haysata dhinaca dhaqaalaha hasa yeeshee waa mid ka haysata maaraynta dhaqaalaha , maxaa yeelay wadankaasi wuxuu isku haleeyey khayraadka saliida oo keliya , dadka sucuudigana dhan walba dawladda ayaa ka kabta kuna ilaalisa nolosha qaaliga ah ee saliida ku tiirsan , iyagoo aan dadku ka qayb gelin soo saarista miisaaniyadda .

 

Sucuudiga oo waxsoosaarkiisa saliideed yahay sanadkii 500 Bilyan , qoondada qof ahaaneedna tahay 16.66 waxaa ka fiican hadana sidda la qiyaasay Poland oo miisaaniyadeedu tahay 109 Bilyan ,sidda keliya ee la isku soo gaadhsiin karaana waxa laggu sheegay in sucuudigu saaro shaqaalaha ajanabiga ah oo dhan , si dadkiisu boosaskooda u buuxiyaan , taas oo aan suurta gal ahayn marka la eego nolosha dadka sucuudiga la qabsadeen .

 

Dhinaca kale , wadanka Imaaraadka Carabta ayaa laggu sheegay in uu yahay wadanka keliya ee ku yaala gacanka ee aan dadkiisu si toosa ugu wada tiirsanayn saliida , hadii saliidu istaagtana sii wadan karra heer nololeedkiisa , waxaana arrintaa sabab loog dhigay siyaasadda uu qaatay imaaraadku oo nuxurkeedu yahay in dadka la saaray lacag bixin iyadoo aan hadana lagga xanaajin .

 

Meelaha ugu badan ee Imaaraadku lacagta ka helana waxaa ka mida ganaaxa baabuurta khilaafta sharacigga , iyadoo baabuurka laggu hello in uu ku socday xawaare ka badan kii loogu tala galay lagga qaado ganaax lacageed oo dhan 8 kun oo doolar .

 

Tagsigan quruxda badan ee idiinka muuqda sawirka hoose maaha mid loogu tala galay in Boolisku ku xaragoodaan , hassa yeeshee waa mid ka midda baabuurta ka shaqaysa ilaalinta shuruucda wada marista , Imaaraadka oo dadka dhashay tiradiisa laggu qiyaasay 2014 laba malyuun iyo laba boqol oo kuna , waxaa la sheegay in ay ganaax ahaan uga soo gashay lacag ku dhaw sadex malyuun oo doolar .

 

Si kastaba ahaatee , aduunku maaha mid sideena iska seexda oo iska soo toosa hassa yeeshee wuxuu ku socdaa xisaab

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...