Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (7)

0
Sunday May 10, 2020 - 09:53:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Socdaal iyo Jidbixiye (7)

    W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xasan


Socdaal Sahamiye oo weriye Soomaaliyeed ahi waxa uu sii ambaqaadayaa waraysigii uu la yeelanayey Jidbixiye Laangooye oo ka mid ah mas'uuliyiinta dhaqdhaqaaqa MKM oo ah urur cusub oo dhowaan lagu dhawaaqay. Tani na waa qaybtii 7aad ee waraysigaas taxanaha ah:



Socdaal: Soonqaad suubban.
Jidbixiye: Soonqaad wanaagsan.


Socdaal: Marka loo yimaaddo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, halkee loo noqonayaa tixraac ahaan?
Jidbixiye: Sida ay ila tahay waxa dib loogu noqonayaa  marjac ahaan  is raacii labada gobol ee 1960 iyo shirkii ballaysinka u ahaa wadahadallada hsdda ee Soomaaliya iyo Somaliland ee London 2012.


Soxdaal; Waayo? Maxaa loo eegi waayey shirarkii kale ee Carta 2000, Mpaghati 2004 oo dawlado kumeelgaadh ah lagu soo dhisay ama Kampala iyo Garoowe Accords  oo lagu dhisay distoorka iyo habka federaalka ah ee maanta?


Jidbixiye: Sababta aan sidaas u leeyahay waa in 1960 iyo 2012 labada dhinac wax isla oggolaayeen: Waan midownay (1960) iyo aynu wadahsdallo furno (2012) ayaa labada jeer ba la isku raacsanaa.


Hase yeeshee shirarka kale ee Carta (2000) iyo Mpeghati (2004) ama Road Maps-,kii Kampala (2010) iyo Garoowe (2012) Somaliland waa ay ka maqnayd oo waa isirro u gaar ah Soomaaliya.


Socdaal: Somaliland miyaanay  ka koobnayn gobollo ka mid ah Soomaaliya?
Jidbixiye: Marka aynu ka hadlayno qaanuunka caalamiga ah Somaliland si aan rasmi ahayn (de facto) waa maamul Soomaaliya ka maqan oo dunida la leh macaamil soohdin leh, si rasmi ah sharciyanna (de jure) loo aqoonsan yahay in ay Soomaaliya uga mid tahay.


Socdaal: Gartay, laakiin se saw dad badani kama horjeedaan gooni isu taagga?
Jidbixiye: Tan iyo arrinta wadahadalladu toos isu ma khusayn karaan oo waa la mid ah in dad badani ba dhinaca (Koonfurta) federaalka uga horjeedaan.


Waxa loo baahan yahay wadahadal iyo dibuheshiisiin laga wada qayb-qaadan karo mucaarid iyo muxaafid ba.


Waqooyiga laftiisa dadka waa lagu midayn karaa aragti lagu raadinayo isu soo dhoweynta ummadda sida Koonfurtana taas oo kale looga baahan yahay.


Socdaal: Yaa lagu qancinayaa midnimada?
Jidbixiye: Ciddii midnimada diiddan.


Socdaal: Waa ayo ciddaasi?
Jidbixiye: Waa inta gooni isu taagga iyo kala fogaynta ummadda Soomaaliyeed u taagan haddii Waqooyi ama Koonfur joogaan ba.


Socdaal: Maxaa iyo sidee loo qancin karaa?
Jidbixiye: Siyaalo badan iyo wax badan baa lagu qancin karaa. Ta koowaad waa in dhinaca Koonfureed laga arkaa dareen togan oo rabitaan iyo faham sare oo midnimada ku saabsan. Waa in xukuumad kasta oo Soomaaliya ka dhalataa abuurtaa fursado dhiirrigelin kara midnimada labada dhinac ee Hargeysa iyo Muqdisho.


Dibuheshiinta iyo xasilinta Koonfur iyo midnimada wax badan baa iskaga xidhnaa mar walba, haddana iskaga xidhan. Mar kasta oo Koonfur dawladnimada iyo amnigu xoogaystaan Waqooyigu waxa uu u soo durkayaa dhinaca midnimada, mar kasta oo xaalku sii murgana waa uu ka sii fogaanayaa.


Sidaas awgeed, waa in xoogga la saaraa sidii Koonfur loo dejin lahaa, la isugu soo dhoweyn lahaa xukuumadda dhexe iyo maamul goboleedyada kala faaganaya, loo na dhiirrigelin lahaa xoojinta dawlad maamul wanaag ku dhaqanta oo leh degganaan siyaasadeed iyo aragti iyo qorshayaal lagu taageeri karo, taas oo Waqooyiga maqana na soo jiidi karta.


Ta labaad: Geeddisocodka wadahadallo dibuheshiin iyo isu soo dhoweyn ah oo doorka bulshada ahi waa isir kale oo dad badan ka soo dejin kara buurta ay fuuleen.


Siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaliya haddii ay yeedhmooyinkoodu (Narratives) beddelaan wax weyn baa is la beddeli kara. U fiirso garowshiinyihii, cudurdaarkii iyo raalligelintii uu madaxweyne Farmaajo bixiyey Feb. 2020 jawiga siyaasadeed ee uu abuuray.
Waa intaas oo looga la sii dhiirrado oo lagu celceliyo si niyadsami iyo daacadnimo ka muuqato.


Socdaal: Yaa wada hadlaya?
Jidbixiye: Dadka Soomaaliyeed.


Siyaasiiyiintu (madaxdu) door bay leeyihiin. Bulshada rayadka ahi na kaalin bay leeyihiin. Madaxda maamulladu waa in ay ka wada hadlaan qorshe iyo habraac hawsha loo maro, iyaga oo bixinayo fursado bulshada rayadka ahi na kaga qayb qaadato geeddisocodka wadahadallada iyo dibuheshiinta ummadda Soomaaliyeed.


Socdaal: Ujeeddada iyo biyo-dhaca wadahadallada?
Jidbixiye: Aan wadahadallo waa aan hedhiinno.

Waxa loo socdaa waa in ay noqdaan dibuheshiin dhab ah, isu garaabid, is qancin, isu cudurdaarid, is raalligelin, isa saamixid iyo yagleelid wax la wada yeesho oo lagu midaysan yahay.


Waa in quluubta laga midoobaa oo qaran iyo dawlad macne iyo waxtar leh la dhistaa.

There is always a way forward if the responsible parties are willing to act.


Jid hore loo sii qaado la ma waayo haddii dhinacyada mas'uuliyaddu saaran tahay sidaas u dhaqmaan.


La soco qaybta 8aad


Muwaddac muwaddac yaa Ramadaan
Wa fii daacatika yaa Ramadaan.


W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xasan
[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...