"Raxmad Ama Tudhaale" Labada Midna Lagama Filanaayo Korneyl Muusaha Maanta.

0
Sunday May 10, 2020 - 09:35:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Raxmad Ama Tudhaale" Labada Midna Lagama Filanaayo Korneyl Muusaha Maanta.

    Waxaynu ognahay ciidamada (milatariga) in laga dilo raxmada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu ognahay ciidamada (milatariga) in laga dilo raxmada?




Waxaynu Ognahay in Siyaad Barre uu ahaa bilays halka Muuse Biixi ka yahay Milatari? 

 

Waxaynu Ognahay in milatariga la baro xeelad (strategy) iyo xeerrar (principles) taasina ay ka fogtahay raxmadda iyo tudhaalaha?

 

Hadaba:

 

Ma aragteen Ina Biixi oo ku celcelinaya xeer baa sidan ii fasaxayn iyo miisaanniyadda kuma jirto ambalaas-ka Burco iyo sharciga ayaa aan sidaa dhigayn?


Waxa kale oo aad ogtihiin ciidamadu in ay aaminsan yihiin siyaasaddu waa xeerrar iyo saynis, halka dadka rayidka ahi ay intooda badan siyaasada ka dhigaan cilmi bulsho - Art.

 

Haddii jawaabahaasi ay haa, haa, haa ku dhammaadaan, Muuse in la beddelo mooyee, haka sugina tudhaale iyo raxmad. 

 

Ilma yar oo gurguuranayaa haddii uu dhanka laamiga u dhaqaaqo Muuse kuma dhiiranayo in uu kasoo celiyo jidka gadiidka. 

 

Nidaamka sidii lagu beddeli lahaa halaga shaqeeyo taasay ku jirtaa danta bulshada reer Somaliland waana arin wada taabanaysa qaybaha bulshada.

 

Mar walba waxa u dan ah shicibka Somaliland cid la damqanaysa, dareemina karta, u adeegta oo an ka adeeganeyn, kuna hogaamisa jidka horumarka iyo badhaadhaha. Maanta inta midna lagama filanaayo korneylka macangega ah ee an cidna u diir naxayn.

 "Ninka aan shantaadu ka celin sharci kaama celiyo". Ha layska tuuro heeryada ina dul hoganeysa.
Taasa lagu badbaadayaa.


Taasa lagu badbaadayaa.


W/q: Axmed Xiis Dharbaan

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...