Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Iyo Maanso Tobanka Danbe Ramadaan.

0
Saturday May 09, 2020 - 18:40:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash Iyo Maanso Tobanka Danbe Ramadaan.

    Ramadaan mubarak waa maanso ka hadlasa guud ahaan bisha ramadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadaan mubarak waa maanso ka hadlasa guud ahaan bisha ramadaan
gaar ahaana tilmaamasa tobbanka danbe ee ramadaan iyo fadligeeda ,dhugasho wacan.

Ummaddahay dhamaantiin,
Sida aad u idill tihiin,
Dhagihiina ii furroo,
Erayada samaantalee,
Afkaygu sheegayaan,
U dhegaysta si quman,
Hana dhawra eebbee
Ma ogtihiin sideedaba
Ayaama wanaagalee
Ilaaheena doortoo
U fadillay si qaasa
Inay ahaatay ramadaan,
Albaabada jannadiyo
La furray ixsaanadiyo
Ashyaayiyo wanaag badan
Dabadeed ibleysyadiyo
Ehalkiisa oo dhan
Silsilad adayg badan
lagu xidhay aroor hore.
Ma ogtihiin sidoo kale
Tobanka u danbeeya
Inuu ku jiro habeen
U khayr badan habeenada
Ilaahay agtiisana
Ajarkeedu ku weynyahay
Dadaalkii aynu hayniyo
Hurdadaynu u daynoo
Usoo jeednay ramadaan
Waa arrin wanaagsanee
ujuur weeyi wacanee
Aakhiro u roonee
Tobbanka danbe ha ilaabina
Suga oo u baratama.
Hamse riiraash


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...