Eedaankii Iyo Aqiimkiiba Wuu Noolaa Lakin Salaadii Oo Aan La Galin Ayuu Dhintay Cajiib Wa Qalinkii Kaptanka.

0
Saturday May 09, 2020 - 18:39:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eedaankii Iyo Aqiimkiiba Wuu Noolaa Lakin Salaadii Oo Aan La Galin Ayuu Dhintay Cajiib Wa Qalinkii Kaptanka.

    W/Q: Abdiqani Salaf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdiqani Salaf.

Ilahay subxaanahu watacaala waa bishii Khayrka badan lahayde isaga ina wafaajiyay inteena 9 caafimaad kusoo maysaa ilaahay aan u mahadcelino swt si uu inoogu siyaadiyo nimcadiisa. Inta xanuunsan ee soomi kariwayday Allah caafimaad hasiiyo intii dhimatay ee Ramadaantii hore inala soon tayna allah how naxariisto iyaga iyo dhamaan waalidiinteenba iyo dhamaan muslimiinta wixi geeriyooday aamin.

 

Qisadani waxay inoo faaidaynaysaa Inaan ku bararaarugno sida cimriga bani aadanku u koobanyahay iyo sida laynaga doonayo inaan uga faaidaysano oo aan camal wanaagsan ushaqaysano oo aan ilaahay la hortagno oo aynaan Isku ilaabin dhaldhalaalka aduunyada. Waqtiga ugu haboon ee khayr la shaqaysta waa bisha Ramadaan oo ilaahay swt fadligiisa inagu siiyay (bonuts) dheeraad wa habeenkii laylatul qadriga ee kujira bishan inaad niyaysato ilaahay ka barido inuu ku waafajiyo. Waxaan loo dedaalin lama helo "Fadhi iyo fuud yicibeed Laysla waa".

 

Bishan waxaa khayrbadan shaqaysta dadka Allah wax udhiibay ee dadkooda ka farxiya sadaqadu wa camal qaliya bishana wa bisha  dadka danyartu ugu nugulyihiin sidaa darted in deriska iyo dadka jilicsan la ogaado waa wax ilaahay loogu dhawaado. Bisha halaga faidaysto dhamaanteenba.

 

Hadii aan dib ugu noqdo sheekadii aad iga sugayseen waxay tahay dulucdeedu qofka bani aadamka ee musimka ah marku dhasho waxa lagaga adimaa dhag takalena wa lagaga aqiimaa salaadaana eedaankeedu dhacayna waxaa lagu tukadaa marku dhinto. Cimrigeenu waa inta eedaankii laynagu adimay markaynu dhalanay iyo waliba aqiimkiina dhamaaday kaliya waxa inoo hadhay in laynagu tukado markaynu dhimano cimrigeenu wa inta salaad iyo eedaankeeda udhaxaysa sida darteed waa in aan taa ogaanaa.

 

Allah Mahad leh

W/Q: Abdiqani Salaf.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...