Aaduga Xanuunkii, Agteenii Hadduu Yimid, Alamtaraba Soo Dhaaf
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYA,
HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
AMERIKIYO OROBADI,AWOODAHA ISBIDI JIRAY.
ALAHENA KA SOKOOW,ADMIGAN U TALIN JIRAY,
MAANTAYNU ARAGNA,BISTAYN IYO ITAALKIISA,
ANIGOON KA AARSIYO,UGA JEEDIN UUR XUMO,
UMMADEENU JOOGAN,ALLANOOW BARYAYA,
ADUNYADA DHAMAAN,ILAAHO KA CIDHIBTIRA,
ALHUUMADA XANNUNKANI,ISLAAMIYO GAALO,
ODAYIYO DHALAANIYO,ABTIRSIIMO IYO REER,
MADAX LAGA ILAASHIYO,OGAASIYO SALAADIN,
ISKA URURI MOOYEE,UUNKA WUU U SIMANYEE,
AGTEENII HADDUU YIMID,ALAMTAR SOO DHAAF,
AQALADIINA JOOGO,AMARADA IYO WAANADA,
AQBALA LAYDIN LEYAHAY,AADU WEEYE HALISE,
ISKU URURSANANAIYO,OROD HEBLAYO SOO EEG,
ALLUUN BAYNU LEENAHAY,ISAGA SAARTA TALADI.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!