Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidan Uu Samaynayo Urur Goboleedka IGAD.

0
Tuesday April 09, 2019 - 08:33:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Ciidan Uu Samaynayo Urur Goboleedka IGAD.

    Hargaysa (HWN) Xukuumadda somaliland ayaa soo dhaweysay aasaaska guddi farsamo oo ka shaqaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Xukuumadda somaliland ayaa soo dhaweysay aasaaska guddi farsamo oo ka shaqaysa
ciidan loo ameeyo arimaha badda cas iyo gacanka cadan, kaas oo uu dhawaan shaciyay urur goboleedka IGAD, sida lagu sheegay ar kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda somaliland.



Gudida ayaa loola danleeyahay si loo ilaaliyo danaha amman iyo dhaqaale ee gobolka, iyadoo war saxaafadeedka lagu xusay muhiimadda istaraatijiyadeed ee badda casi ay u leedahay ammaanka iyo barwaaqada geeska afrika.


War saxaafadeedka ayaa lagu yidhi, inkasta oo somaliland ay door laxaad leh ku leedahay maamulka badda cas, tahayna daneeye muhiim ah, waxay ka xuntahay in aan lagala tashan qaban qaabada hawshan.

Si la mid ah, wali ma cada doorka ay ciidankaasi ku yeelan doonaan somaliland.

Dawladda somaliland waxay qabtaa in hawl-gal aan lagala tashan oo laga fuliyo badda cas aanu yeelan doonin natiijo midho-dhal ah.


Dhanka kale, war saxaafadeedka ayay dawladda somaliland ku sheegtay in somaliland ay leedahay xeebta ugu dheer ee badda cas marka loo eego wadamada kale ee xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, xeebtaas oo dhan 850km. Dawladda somaliland-na ay ka shaqaysay sidii biyahaasi ay u noqon lahaayeen kuwo ammaan ah.


Dawladda somaliland waxay xustay in balaadhinta dhawaan lagu samaynayo marsada magaalada berbera oo la filayo in ay noqto xarun leh israatijiyad ballaadhan, ay qayb ka qaadan karto shabakadda ganacsi ee gobolka.

Iyadoo dawladda somaliland oo kaashanaysa dhinacyada ay taageerada ka hesho, ay somaliland si tartiib ah horusocod uga samaynayso hawl-gaalda badda ee kala duwan, hadii ay noqoto ilaalinta, badbaadinta, indho-indhaynta iyo ay sahasho ganacsiga maraya badda.

Warsaxaafadedkan ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee somaliland ayaa sidoo kale ay dawladda somaliland ku tidhi: la iskama indho tiri karo in maanta somaliland ay tahay xoog dhaqaale, diblosaaiyaded, iyo siyaasadeed oo ka jira gobolka.


Iskaashiga dhanka xuduudaha ee ay somaliland la leedahay wadamada jaarka la ah, ayaa war-saxaafadeedkan lagu sheegay in ay muhiim u tahay ammanka wadamada jabuuti iyo itoobiya, iyadoo ay gobolka ka jiraan khataro badani.

Dawladda somaliland waxay ka dalbatay hogaanka ururka IGAD iyo wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka in Somaliland ay kusoo daraan wadamda jaan-goynaya arintan.

Somaliland waxay tobaaxday in ay tahay wadan madax banaan, oo aan u dul qaadan doonin hawl-gallo aan lagala tashan oo lagu sameeypo dhulkeeda ama xuduud badeedkeeda.


Ugu danbeyn, warsaxaafadeedka ayaa lagu yidhi: dawladda somaliland waxay soo dhaweynaysaa iskaashi kasta oo ka qayb qaadanaya amaanka iyo barwaaqaynta gobolka, iyadoo aan dalna lagu xad-gudbin. Somaliland waxay u aragtaa in nabadeeda iyo deganaanshaheedu ay qayb ahaan ku xidhanyihiin sida uu yahay gobolku, sidaa darteedna ay sii wadi doonto la shaqaynta urur goboleedka IGAD, iyo dhamaan wadamada xubnaha ka ah si looga midho dhalio dedaalo kasta oo dhinacyada faa’iido ugu jirto.


Loading...
Loading...