Maxaa Keenay In Tiradii Ugu Badnayd Ee Xanuunka Covid-19 Ku Dhaco Laga Diwaan Geliyo Somaliland?

0
Saturday May 09, 2020 - 12:02:57 in News by
  • Visits: 2194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Keenay In Tiradii Ugu Badnayd Ee Xanuunka Covid-19 Ku Dhaco Laga Diwaan Geliyo Somaliland?

    Maxaa Keenay In Tiradii Ugu Badnayd Ee Xanuunka Covid-19 Ku Dhaco Laga Diwaan Geliyo Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Keenay In Tiradii Ugu Badnayd Ee Xanuunka Covid-19 Ku Dhaco Laga Diwaan Geliyo Somaliland?


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen hawl galisay mishiinkii shaybaadhka ee lagu ogaanayey xanuunka Coronavirus.


Xukuumada Muuse Biixi ayaa ka caga jiidaysay in wakhtigii ku haboonaa ay rakibto mishiinka lagu shaybaadhayo dadka laga baadhayo xanuunka Coronavirus ka dib markii ay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ugu deeqday, taas oo doonaysay in laga hortago in xanuunkaasi ku dhex faafo shacabka somaliland.

Coronavirus Update Tuesday 21 April


Wadamada Geeska Afrika ee Jabuuti, Soomaaliya Iyo Kenya ayaa wakhtigii ay heleen qalabkan waxay u rakibeen si deg deg ah iyaga oo si weyn u danaynayey inay la socdaan xaalada caafimaadka ee shacabkooda taas oo keentay in somaliland ay marti uga noqo inay u soo baadhaan dheecaanada dadka laga hubinayo xanuunkan.


Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO oo ku dhawaaqday inay lacag ku taageeri doonto wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ee qaarada Afrika isla markaana laga helo xanuunka Coronavirus oo xukuumada somaliland ku wargelisay in kiisaska ay hesho loo diwaan gelinayo soomaaliya ayaa ka mid ah qodobada ay xukuumada Muuse Biixi dib u dhigtay inay rakibto mishiinka lagu baadhayo dadka looga shakiyo xanuunka.


Wadamada ku yaala bariga Afrika ee Kenya, Soomaaliya Iyo Jabuuti ayaa shaaciyey tiradii ugu badnayd ee xanuunku haleelay iyada oo ay jiraan tiro dad ah oo wadamadaasi ku geeriyooday.


Sidoo kale xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa hay’adda caafimaadka aduunka ka codsatay in si gaar ah loo diwaan geliyo kiisaska xanuunka Coronavirus ee laga Helo dalka balse hay’adda ayaa ganafka ku dhufatay codsigaasi, waxaana kiisaska somaliland laga helo loo diwaan geliyaa isla markaana tirada ku darsata dawlada federaalka ah ee soomaaliya.


Talaabada ay hay’adda WHO ku hor istaagtay inay u diwaan geliso kiisaska somaliland ayaa keenay in xukuumada somaliland ay ka gaabiso ka hortaga xanuunkan isla markaana ay markasta soo bandhigaan tirada ugu yar ee xanuunku ku dhacay, balse qalabka shaybaadhka oo ay somaliland rakibtay 09/05/2020 ayaa keenay in la shaaciyo tiradii ugu badnayd ee xanuunku ku dhaco kuwaas oo la helay ka dib markii caafimaadkooda baadhitaan lagu sameeyey.


Wasiirka caafimaadka somaliland Cumar Cabdilaahi ayaana shaaciyey inay heleen 11 kiis oo cusub ka dib markii ay baadheen 60 qof, taas oo muujinaysa sida uu xanuunku ugu dhex faafay shacabka intii ay xukuumadu ka gaabinaysay inay rakibto qalabka isla markaana muhiimad siiso caafimaadka bulshada.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...