Aar Gaboobey. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

0
Saturday May 09, 2020 - 11:52:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aar Gaboobey. W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

    Aarku waa libaaxa lab. Waa mid kamid ah xayaanada duurka ku nool ee hilibka cuna,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aarku waa libaaxa lab. Waa mid kamid ah xayaanada duurka ku nool ee hilibka cuna,
waxa lagu magacaa boqorka keynta, markaad dib u milicsato oo aad dhex muquurato suugaanta soomalida waxaad arkaysaa in libaaxu ku dhex amaanan yahay bulshada soomaaliyeed una yahay astaan geesinimo.waxa kusoo arooray maah-maahyo, murti, iyo suugaan kaleba kuwaas oo si dhaba u tilmaamaya libaaxa iyo wuxu yahay.


·       Libaax nimaan aqoon baa lax ka rita

·        libaax laba geed lagama wada kiciyo

·        Libaax laba raqood lagama wada kiciyo


·       libaax nin ganay iyo galladayba og.iyo boqolaalka kale oo suugaanta soomalida ku suntan.Libaaxu wuxu soomalida u yahay astaanta xooga, geesinimada, iyo buruudka, ninka dhiiran ee goobaha dagaalka ka sheegan, ninka aan waabane warmaha shafka u dhigta, ninkaas oo kale ayey soomalidii hore magaciisa intay aar ku darto ugu yeedhi jirtey hebel aar.Raage ugaas ayaa jeer ka gabyey tilmaanta bahalka libaaxa isagoo ereyo fudud asii lawada garankaro kusoo koobay, wuxu xusayaa muuqaalkiisa oogada iyo falaadyadiisa, sidoo kale aadanaha marka ay kulmaan iyo dareemadiisa argagaxa leh ee laga cabsoodo, wuxu xusayaa codkiisa hiingaara loo yiqiin ee marka ruuxu maqlo baqdin oo idil kusoo ururto, muuqiisa marka la arko cagaha wax laga dayo iyo weerarkiisa lagama kabtaanka ah ee uu kusoo qaado meesiyada la shafeecsado, indhihiisa gudguduudan ee aan dhugashada loo dhamayn Karin, raadkiisa markii la koryimaado laga gariiro, cidiyihiisa afka badan ee ruuxii malagii galo uu ku asiibo, iyo reenkiisa galiilyada badan ee aan aadmigu u joogi Karin intaaba wuxu raage kusoo kooban meerisyadan waxaanu yidhi:


® Codkiis laga baq aragiis la carar wadane caydheeye

® Il casuus leh raadkiis carjaba laga cabsoonaade

® Cidiyo huuryo coofaadh buloow ci’ iyo reen baas leh

® Mawaa lala ciyaaraa libaax laga cadhaysiiyey.


Xaaji aadan axmed afqalooc alle ha u naxariistee wuxu gabaygan curiyey taariikhdu mar ay maraysay bishii Febraweri 1969-kii, gabaygani waa faallo daymooday gun iyo baar waayihii kala gedisnaa ee dalku ku sugnaa.


Waxameel walba daadsanaa oo ishu ku dhacaysey foolxumooyinkii iyo dandaradii ka dhashay doorashooyinkii hiirtaanyada badnaa ee ‘Food khasaaray’ la magaca baxay.Waxay ahayd doorasho ay ka qayb galeen 64 xisbi oo ku dhisan qaab qabiilaysan oo inta qoyskasta oo soomaliyeed xisbi samaystay ku ololeeyey magac qabyaaladeed.Hadaba xaaji aaadan axmed afqalooc ayaa isna jeerkaa ka cawday fadqalalooyinkii ay samaynayeen asxaabta siyaasada ee doorashooyinkaas ku loollamaysey, Xaajigu doorashooyinkaas wuu qaaddacay oo kama uu qayb qaadan, cidna ma siin codkiisa. Umal iyo ciil ku gaaxday ayuu goof la gelayaa, isaga oo aan geeriyoonna dhimasho isu dhigayaa!


Waxa uu Xaaji Aadan Af-qallooc garasho daymoonayaa adduunyadii kale ee Soomaalida la midka ahayd ee lala gumaysanayey ee Afrika, Aasiya iyo Laatin-Ameerika oo dadkoodii guntiga marada lowga geeyey oo u tafa xaydan in ay hore u heetiyaan, qaarkoodna horumar la taaban karaba sameeyeen oo guclo orod ku jiraan, halka Soomaaliduna ay dib u sii guurayso oo dabada dib ugu siqayso. Xaajigu Waxa uu oddorosayaa, saadaalinayaa in gabbalkii u dhacay oo caleentoodu cirka kasoo dhacday oo weliba caddaatay xukuumadihii rayadka ahaa ee sagaalka sannadood mindada daabkeeda isu dhiib dhiibayey ee ummadda cidlada eeri go’anta ah ku ooday. Xaajigu Is beddel dhinac kasta ah oo dalka ka dhaca ayuu sadaaliyey. Xaajigu wuxu ahaa mid ku xeel dheer kasmada ama aqoonta xidigiska wuxu halkan ku magac dhabayaa qaar kamid ah meerayaasha ay soomalidu taqaano kuwaas oo ay kamid yihiin dardaar, libdhe, saxal, raage, iyo dhulka. Dhawr bilood ka dibna waxa dhashay Kacaankii ciidamadu hoggaaminayeen ee Oktoobar 1969. Wuxu yidhi:  


v Sidii aar gabooboo ka jabay gaabatada lawga

v Oo gabannadii lagaga diley geedu hadhinaayey

v Oo nimanka godobtiisa qaba gur u jalleecaaya

v Oo aan itaal wuxu galiyo orod ku gaadhaynin

v Oo kayn intuu cadho la galay gawnaxyada buuray

v Goortaan garwaaqsaday3 dhibaha shicibka gaadhaaya

v Asaan gabay arrimo dhawr ahoo ila gudboonaadey

v Waa waxaan xabaalaha u galay geeri ka horoowe

v Cimrigii da’ kula gaadhey waa guul darriyo ciile

v Kuwii aniga iga gaabin jirey baa i gees maraye

v Haddaanse amar Allaan laga gudbine gebi ahaan fiirsho

v  Garashiyo ku dayashaan dayaxa gees la leeyahaye

v Isagoo geyiga nuurayuu guud maraa saxale

v Ma gudhsado adduunyada ninkii godol ka maalaaye

v Ninna keligii  gaar uma ahee galabba waa meele

v Waagii guduutaaba waa waayo gooniyahe

v Hadba cirirkumeeshuu galaa saxal u guuraaye

v Geyiga Eeshiyada khalqigaa gees walbaba jooga

v Geddigeed Afriikiyo Latiin gobol Amriikaan ah

v Gun baynu u ahayn iyo addoon guud-caddaa Yurube

v  Gumeysiga dad badan baa mutiyo guul-darriyo hooge

v Kolkay talo u soo guro-gashaye ferenjigii guurey

v Niman baa guntadey qaarna way gebi dhacleeyeene

v Ka gariiri Mow dunida gebi gaaliyo islaame

v Sabca miya malyuun baa gurdama goorta uu kaco’e

v Kuwii gadan jiruu Shiinihii haatan gaasiraye

v  Aqal guradu weyn tahay Jamaal diid inuu galo’e

v Gasar lagu tilmaamiyo ma jiro daar u gooniya’e

v Ma gam’o ee habeenkii taluu gawda ku hayaaye

v Hadduu caawa go’o magacu waa midaan gaboobayne

v  Geddaasuu siciim leeyahoo libin ku gaadhaaye

v Kuwii doorashada noo galaa gabay halkoodiiye

v Khalqigi oo horuu guurayey dib u gucleeyeene

v Googooye Soomaali oo gobolba meel aadye

v Guryaha iyo ceelkaa dartood laysku gawracaye

v  Waa taa gamaaduhu bateen goobtii lays dhigaye

v  Gildhigaanka waxa loo sitaa goosankii hadhaye

v  Caawana kursi aad gaadhid baa guure loo yahaye

v Gurdan baan maqlaayaa sidii guuto weerarahe

v Gawaadhidu tolla’ay bay siddaa guuxu baxayaaye

v Kuwii guurey baa daaqad kale nooga soo galaye

v Gumeystaha jadiidaa aroos loo gelbinayaaye

v Waraabii gol qabatada yiqiin geelu waw halise

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...