"COVID 19-Wacyi Gelin Wax Dhaama La Waa" Xildhibaan Mustafe Qodax
Talada ugu macquulsan ee ilaa hadda khubarada caafimaadku bixiyeen si loola dagaalamo xanuunkan waa Wacyi galin.

Hargeisa(HWN):-Dagaalka covid19 ma jiro dal ku guulaystay, islamarkaana ma jirto cid lagu canaanto inay ku guul darraysatay sababtuna waa inuu yahay wax ka baxsan awooda aadamaha. Reer galbeedka oo is biday awood, Covid 19 wuxuu u baacsaday siday ukala kibir badnaayeen, maraykan kow dheh, ingiriis laba dheh, ku darso tun wayntii Yurub adoo hal hal usoo qaadanaya. Waxaynu naqaanay iyadoo qofka xanuunsada layidhaahdo; Jarmalka ayaa loola cararay ama turki, maanta xaaladu waxay maraysaa in dalal yaryar oo african ahi ay muwaadiniin toodii kasoo daad gureeyaan dalalkii aduunka ee caafimaadka loo doonan jiray." Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Mustafe Qodax oo ka tirsan mudaneyaasha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Dawladda Federraalka Soomaaliya.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Intaasi markay kuu muuqato ee aad dib u jelleecdo quraanka iyo waciidka ku sugan, waxa kuu soo baxaysa inuu waxani yahay cadho ilaahay. Halkaa markay marayso qofka muslimka ah waxa looga baahan yahay in ay qalbigiisa timaado awooda alleh, oo uu xasuusto waxa waqtiga noocan ah la gudboon oo ah "fafirruu ilallaahâ.
Waxa kale oo iyana xusid mudan in dad badani ay eedo dusha ka saarayaan maamulada ka jira dhulka somalida sida dawlada federaalka iyo somaliland oo aan midkoodna haba yaraatee wax ka qaban karin mawjadahan maraykan ku haftay, islamarkaana aanan garanayn waxan ku canaanto, waxa kale oo aan arkay dad ka cadhoonaya marka layidhaa waxani waa cadho ilaahay, iyagana waan fahmi waayay, oo waxan is waydiiyey; ma waxay leeyihiin ilaahay ma cadhoodo, ma waxay diidan yihiin inuu fayraskani yahay ciidamo ilaahay, ma waxay ilaahay u diidan yihiin inuu awoodo wax walba? Cajab! Qoladaa aad baan uga yaabay." Ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Qodax
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...