Siyaasiga Cali Guray Oo Si Xeel-dheer uga hadlay Halista COVID19 Iyo Adeegga Caafimaad Ee Somaliland

0
Saturday May 09, 2020 - 11:24:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Cali Guray Oo Si Xeel-dheer uga hadlay Halista COVID19 Iyo Adeegga Caafimaad Ee Somaliland

    Siyaasiga Cali Guray Oo Si Xeel-dheer uga hadlay Halista COVID19 Iyo Adeegga Caafimaad Ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cali Guray Oo Si Xeel-dheer uga hadlay Halista COVID19 Iyo Adeegga Caafimaad Ee Somaliland

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo ka mida Siyaasiyiinta waa-wayn ee reer Somaliland waxa uu Xukuumadda ku baraarujiyay halista iyo waxyeellada Caabuqa COVID19, waxaannu daaha ka rogay Qorshe la'aanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi, taasoo uu sheegay in abaabulkeeddu iyo ka hortagii laga rabay uu aad u hooseeyo.


Siyaasiga Cali Guray waxa uu soo bandhigay Su'aalo door ah oo ku saabsan ka hortaga faafaha daran ee COVID19, isagoo Xukuumadda u soo jeeddiyay in Dhaqaalaha loogu talo-galay ka hortaga COVID19 laga fuur-yeelo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.
Cali Guray oo Hees Digasho iyo Hogo-tusaaleyn Xambaarsan kaga ...

"Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka qaab ahaan miyay leedahay Waaxda Ka Hortagga Cudurada Faafa, sida COVID-19? Yaa Agaasime waaxeed ka ah,? imisa shaqaale caafimaad ah ayaa ka hawlgala oo gaar u ah xiligan ka hortagga COVID-19 dalka oo dhan, hadii ay dhakhaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad iyo hadii ay shaqaale kale yihiinba? Ma haystaan horta iyagu (shaqaalaha caafimaadku( qalabkii ay iskaga ilaalin lahaayeen cudurkan marka ay goobaha shaqada joogaan (protection equipment)?. Wixii qalab iyo lacag loogu talogalay ka hortagga COVID-19 wax ma laga waydiiyaa sida ugu haboon ee loogu salayn karo baahiyahooda mise cid kale ayaa sidii ay doonto u qaybisa?

Somaliland marka laga tago shaqaalaha caafimaadka ee Wasaaradda oo ah inta ku jirta Pay roll-ka waxa badan inta kale ee ama goobaha gaarka loo leeyahay sida cisbatallo iyo farmasiiyaba ka hawlgala. Iyaga miyaa looga maarmay inay ka mid noqdaan kaalin mug lehna ka qaadan karaan ka hortagga COVID-19? Waxa jira dhakhaatiir iyo Kalkaaliyayaal aan labadaa midna ahayn dalkana jooga iyagana miyaa laga maarmay mise way tirsan yihiin oo waa lala xidhiidhay inay isu diyaariyaan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dadaalka ka hortagga cudurkan? Ma jirtaa cid og tirada mihnadlayaasha caafimaadka qaybahooda kala duwan oo ma la diiwaangeliyay?" Ayuu yidhi Siyaasiga Cali Guray Qoraalkan ku baahiyay deggelka uu ku leeyahay barta Facebook-ga.

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Ilaa hadda ma la sheegi karaa tirada dadka la awoodo in maalintii laga baadho cudurkan? Sidee ayuu se yahay qorshaha goobaha baadhista ( hadii uu jiro) ee dadku ay tegi karaan ama loogu tegi karo.

Waddamadii waa-waynaa ee xanuunkani ku fiday markay wada hawlgeliyeen dhakhaatiir, Kalkaaliyayaal, iyo shaqaale Caafimaad intii ugu badnayd ee ay heli karayeen iyagu way ku filaan kari waayeen, qaar badan ayaa ka soo qaatay wadamo kale oo ka hawlgeliyay dalkooda. Waxa ka mid ah dalka Jarmalka oo dhaqaalaha Yurub ugu wayn ah markuu intii Dhakhaatiir iyo Nurses uu ka heli karaayay dalkiisu ku filaan waayeen wuxu ka soo qaatay Yurubta Bari, siiba dalka Poland oo uu ka soo wada xaabsaday. Somaliland xaaladdan hal qofna ha noqdo eh miyay ka maarmi kartaa mihnadlayaal caafimaad? Aniga waxay ila tahay maya? Haddana waxa badan inta aan juuq loo odhan iyaguna aan cid ay ku hagaagaan ama danaynaysa markay waayeen shibta iska galay. Waxaas oo dhamina waxa keenayaa wax kale maaha waa abaabul la’aan oo marka hore waxan dhisnayn Waaxdii hagi lahayd ama guud ahaanba Adeegga Caafimaadka Qaranka (NHS) oo inagga ah Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo ay tahay cid waliba in ay u daba fadhiisato Ka Hortagga COVID-19.

Waddamada inta badan xataa waxa la hawlgelayay ardaydii ku jirtay Jaamacadaha, siiba Kuliyadaha Caafimaadka oo looga maarmi waayay ka hortagga cudurkan, nasiib darro Somalilandna waxa suuqyada hoganaya dhakhaatiirtii iyo Nurses-kii oo aad moodaa in laga maarmay, Markaa aniga waa iga talo Xukuumaddu mudnaanta koobaad ha siiso dhismaha Adeegga Caafimaadka ee Qaranka oo ay kow ka tahay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka lafteedu. Wixii awood la helayona iyada iyo intii hoos tagta iyo intii ay xidhiidhiso ee adeegga caafimaadka qayb ka ahba ha laga fuur yeelo oo yaanay faro dhexdood ku kala lumin.wixii yar ee loo helo ka hortagga COVID-19" Ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...