Nin Anbaday Halkuu Maray Show Way Ula Ekaatay..W/Q Sharmaarke Cabdi Maxamuud Qaloonbi.

0
Friday May 08, 2020 - 17:50:18 in Articles by
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Anbaday Halkuu Maray Show Way Ula Ekaatay..W/Q Sharmaarke Cabdi Maxamuud Qaloonbi.

    Nin Anbaday Halkuu Maray Show Way Ula Ekaatay..W/Q Sharmaarke Cabdi Maxamuud Qaloonbi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Anbaday Halkuu Maray Show Way Ula Ekaatay..W/Q Sharmaarke Cabdi Maxamuud Qaloonbi.


Soomalida waxa aay ku ducaysan jireen ilaahoow gar eexo hanagaga tagin garasho xumo na hanagu cadaabin iminka Siciid oo maqaaladiisa ku dhufo oo ka dhaqaaqda ahaa kolba surin madaw ka soo maguujinaya ayaa maqaaladii uu ugu magac darey ma kare afkan aay dhalinyarada live ka hadla dhahaan, naar naar ku idhi xog aan odhan karo maaha mid run ah.

Image may contain: 1 person


Saaxiibkay Siciid Maxamuud Gahayr oo qormadiisa aay ka muuqato xog-ogaal la'aani badani ayaa yidhi Suldaan Madar Xaaji ducaale ayaa loo wadey sandalada Suldaan Siciid, waa taariikh iminka uun u siciid u ku samaynayo gole ka fuul waa sheeko aan sabigu cunaha dhaafin karin kolay xog-la'aan uun baan odhan kara.


Sida aynu hore u soo sheegney siciid laftiisu na furayo reer axmed yare waa reer Somaliland iyo soomali ba sharaf iyo taariikh ku leh. Sandaladu intii aanay sandalada noqon waxa aay ahayd caaqil oo Xaaji Maxamed Ducaale ayaa ahaa.


markii danbe waxa la isla gartey in caaqilnimada laga dhigo sandalad. marka reer dhunkaal Axmed yare iyo reer Maxamed xaaji ducaale Axmed yare ayaa mid na suldaankii laga dhigey midna caaqil marka garan maayo meel aad madar sandalada loo wadey ka keentay Suldaan Siciid na isaga waa loo gartay mana ahaa sandalad jahli ah ee waxa u ahaa aqoonyahan Ingiriiska degana oo wax barteey.


Waxa uu Siciid Maxamuud Gahayr Suldaanka ku eedaynayaa in uu colaada Fadhigaab qayb ka ahaa isagoo daliishanaya cod whatsapp ah oo Suldaanka oo Ingiriiska jooga inta dawlada iyo saladiin soo carareen dhaheen colaadii fidey ee ceel afweyn iyo hareeraheeda kaliya waxa aanu u dhamaynayna Bahay iyo idarays oo labada ayaanu heshiiska ku soo koobayna!


Suldaan Siciid haddii aad codkiisa ina gahayr dhaliilayo aad dhagaysataan waxa u leeyahay waar dumar axmed faarax biciide ah ayaa fadhigaab lagu laayay wax baanu tirsanayna haddii aanu axmed faarax nahaye heshiiska biciide iyo idarays ka dhiga, marka ayaamaha dhawr dumar ah fadhigaab lagu diley iyo oday iyo ilmo yar Suldaan Siciid dhag jalaq looma siin iyadoo la odhan karo waa mashruuc dawladu doonayso marba in inyar la dhameeyo inta kale qaraxdo iyadoo la kala ilaalinayo beelaha garxajis iyo Hjeclo.


Taasi waxa sababteey in dad dumarkoodii la lalaayay aay fidmo ka abuureen magalada fadhigaab masuuliyada ma dawlad leh mise ninkii yidhi wax baan tirsanaya heshiiska balaadhiya?


Heshiiskii waxa u suldaan siciid heshiiskii u horeeyay soo jeediyeey in heshiiska lagu daro Caare iyo labada gaadhi ee tiknada ah ee u haysto isagoo wakhtiga jooga magalada goof, dawladu waa aay ka dhago adaygtey isagoo sababeey dilalka dumarku in jabhada caare gaysato.


Iminka waxa aad aragteen nin Sanbuur ah oo aan biciide ahayn oo booyadle ah in lagu diley magalada ceel afweyn waxa dawladu diidan tahay hore na aay u diidey in heshiisiinta sacad yoonis iyo baho ee la diidey in xata biciide laga dhigo in lagu daro ninka sanbuure la diley xalada oo lagu tala galey in marka tan la yar dambabaso ee garxajis iyo hjeclo haddana dhahaan siyaasad baanu ka hadlayna in la dhaqaajiyo oo hadda na sanbuur iyo Sacad yoonis aay noqoto shalay waxay ahayd Baho iyo sacad yoonis maanta Muuse ismaciil iyo Axmed Faarax barri Sanbuur iyo sacad yoonis waa mashruuc soconaya muddo dawladu na ka faa'do.


Suldaanka waxa aynu ogney in laga qaadey oo xukuumadu ka qaadey hargays club taasi waxa aay cadaynaysa danta aay colaada sanaag ka leedeey xukuumadu ileen suldankii hawsha nabada kala shaqayn laha marka aad soo weerarto ee hantidiisii qaadato ee aad tidhaahdo aan beelo idiin garnaqo horta yaa xukuumadaay idinka iyo suldaanka idiin garnaqaya ileen inagoo is haysana oo hantidaaydi aad la wareegtay gar ku dhiiban maaye in aynu inagu garnaqsano weeye horta.


Waxa aan kusoo gabagabaynaya Siciid luuqadan u ku hadlaya maaha luuqadii Garxajis ee waa luuqadii heego oo Saaxiibkay waanu is far fahmayna waxa aan kula talinaya Siciid, siciidow ha noqon heeryadiisa cune.


W/Q Sharmaarke Cabdi Maxamuud Qaloonbi.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...