Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Balaadhinayso Hanaanka Bulshada Lagaga Baadhayo Covid-19

0
Friday May 08, 2020 - 16:29:24 in News by
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Balaadhinayso Hanaanka Bulshada Lagaga Baadhayo Covid-19

    Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Balaadhinayso Hanaanka Bulshada Lagaga Baadhayo Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Balaadhinayso Hanaanka Bulshada Lagaga Baadhayo Covid-19


Muqdisho(HWN):-Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay55xaalado cusub oo COVID-19 ah.




Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixita ku sheegtay in5bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka19ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.


Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalkaBanaadir(41)Puntiland,(13) iyo Hirshabeelle (hal) ruux.37kamid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin18ayaa haween ah.


Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay928guud ahaan44bukaan ayaa u geeriyooday cudurka.


Wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijisay in COVID-19 uusan xuduud laheyn, qof kasta, da’ kasta, lab iyo dhadig uu si isku mid ugu dhici karo, waxayna ku baaqday in qof kasta uu mas’uuliyad dheeraad ah iska saaro hannaanka xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo xoogga saareysa in la ballaariyo hannaanka bulshada looga baarayo cudurka ayaa maanta daah furtay hab cusub oo Mobile-ka lagu degsanayo kaas oo sahlaya in dadka isaga shakiya COVID-19 ay si dhaqsa ah ku helaan talo iyo gurmad caafimaad.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...