Gol-daloolooyinka Sharci Ee Hadheeyay Xakamaynta Qaadka Somaliland.

0
Friday May 08, 2020 - 11:25:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gol-daloolooyinka Sharci Ee Hadheeyay Xakamaynta Qaadka Somaliland.

    " Sharciyadan aan la soo marin baarlamanka waxa la fulin karaa xaalado gaar ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Sharciyadan aan la soo marin baarlamanka waxa la fulin karaa xaalado gaar ah"




Boorama (HWN) Tan iyo markii gudiga heer qaran ee ka hortaga caabuqa Covic-19 ay ku dhawaaqeen in ay mudo dhawr iyo labaatan cisha ah gabi ahaanba dalka ay ka madnuuceen soo galinta qaadka islamarkaana ay sheegeen in gaadiidka sida qaadkaasna lala wareegi doono dadka watana sharciga la marin doono ayaa waxa soo badanaya arimaha l axidhiidha koontarabaanka iyo sida qarsoodida ah ee dalka xuduudihiisa looga soo galinayo, waxana lagama maarmaan noqotay in la fuliyo sharcigaasi ay soo saareen gudidaasi Covid-19, iyada oo ay xusid mudan tahay in la sheego in sharcigan la fulinyaa aanu ahayn mid haba yaraatee aan la soomarin baarlamanka.

 

In la hirgaliyo sharci aan waafaqsanayn nidaamka sharciyeed ee dalka waxay muujinaysaa is dhexyaaca iyo kafiirsasha la’aanta xukuumada ee arimaha sharciga waxayna noqonaysaa mid dhaawac weyn ku keeni karta xuquuqda muwaadiniinta.

 

Sharciyadan aan la soo marin baarlamanka waxa la fulin karaa xaalado gaar ah kuwaasi oo xaalad deg deg ahi ay jirto. Sida muuqatana ilaa iyo hada wax muujinaya xaalad deg dega ah oo dalka lagaga dhawaaqay ma jirto

 

Sharcigan gabi ahaanba ma qeexna mana kala saarayo qaadka laga madnuucay dalku waa qaadkee ma kani Ethopia baa mise waa mid kale?  Maku jiraa ka Yamanta laga keeno ama Kenya ama kan wadaniga u naqaano ee dalkeena ka soo baxa?. Tirada xabsi ciqaabeedee uu marayo qofka lagu qabto waa imisa sano? .

 

Fulinta sharci noocaasi ah ayaa hadaba waxa ay keenaysaa goldaloolooyinka qaanuuneed ee arintani ay yeelanayso. Sida ay xeeldheerayaasha sharcigu rumaysanyihiin dhamaan sharciyada dadka dalka Somaliland ku dhaqan lagu dhaqayaa waa inay noqdaan kuwo ku wada arooraya dastuurka Somaliland oo waafaqsan diinta islaamka, waxana awood u leh samaynta, wax kabadalka iyo laalida sharciyada umada lagu dhaqayo golaha wakiilada.

 

Wixii ka soo hadhay ee umada lagu dhaqaa waxa ay noqonayaan wax aan sharci ahayn, xad gudubna ku ah xuquuqda muwaadinka iyo hantidiisaba, waxana muuqata in xadgudubyo badan oo sharciga khilaafsan ay bulshadeenu dhaxashay maalmahii u dambeeyay ee ay gudida coronavirus ee heer qaran ku dhawaaqday in la mamnuucay qaadka, gaadiidka keenayana lala wareegayo.

 

Sharciga qaadka lagula wareego ee lagu dabaqo qaadka kootarabaanka ah ee la qabto ayaa waxa uu yahay inta badan mid salka ku haya xeerarka kastamada kuwaas oo mamnuucaya in dalka la soo galiyo wax aan kastan soo marin, oo ah badeeco loo arko inay tahay mid sharci daro dalka ku soo gashay, waxana uu xeerkan sheegayaa in lala wareego badeecadaas, lana ganaaxo cida lagu qabtay.

 

Tusaale ahaan khamriga oo ah mukhaadaraadka ugu fog ee dastuurka iyo diintuba ay baneeyeen, cida lagu qabto waxa ay mudanayaa ganaax iyo badeecadaas oo lagala wareego, balse ma jirto xeer ku yaala dastuurka oo sheegaya in gaadiidka wada lala wareego.

 

Sharcigan lagu dhaqay gaadiidka qaadka lagu qabto ee Somaliland ayaa waxa uu yahay mid aan dastuurka ogolayn, isla markaana xadgudub ku ah hantida muwaadinka, ilaa hadana waxa muuqata in ismaandhaaf badan uu ka taagan yahay meesha uu ka yimid gaadiidkan la qabtay, xaalka sidan ah ee aan wax la iska waydiin ayaa waxa uu sababayaa isku-dhac iyo  in ay bulshadu ka aamin baxdo dastuurka, mana banaana in xeer aan dastuurku jidayn bulshada lagu dhaqo, waliba mudo koobaan oo ku meel gaadh ah.

Maxamed Bili bili

Boorama

Loading...
Loading...