"Madaxweynuhu Wuxuu Dhagaystaa Oo Kaliya Cida Dacwad Horgaadhsiisa, Bal Arimahan Ila Fiiriya."…Khadar Cali Jawhar
Hargeysa(HWN):-gudoomiye ku xigeenkii hore ee hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha Khadar Cali Jawhar ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inaanu marna isku dhagaysan cida wax kala tabanaysa balse uu la safto cida dacwada soo horgaadhsiisa oo kaliya.
Khadar Cali Jawhar waxa uu madaxweynaha ku eedeeyey inuu haatan la safan yahay dawlada Djibouti oo duulaan ku ah ganacsadaha Axmed Cismaan Geelle isaga oo xusay inaanu waxba ka dhagaysan ganacsadahan.
Khadar Cali Jawhar ayaa qoraal uu baahiyey ku yidhi sidan:-
Barigii aan isqabanay gudoomiyihii uu madaxwaynuhu xilka noo wada magacaabay Madaxwaynuhu ninkii gudoomiyaha ahaa uunbuu dacwadiisa dhagaystay.
Anigoo cadaymihii hayna dacwadayda inaan gaadhsiiyo waaba la diiday madaxwaynuhu ninkii gudoomiyaha ahaa uunbuu lasaftay, Xilka qaadisna uu igu sameeyay.
Axmad geela arab iyo bank dawlada jabuuti ayaa isqabtay madaxwaynuhu dacwadii bank jabuuti markay soo gaadhay, waxba ma waydiin Axmad geele arab-na sidii uu iga yeelay uunbuu kii awooda lahaa la saftay.
Beer uu lahaa oday nuux ismaciil oo reer xoosh ah ayay qolo reer samatarii beertii ku qabsadeen muuse biixi isla markiiba qoladii reer samater ee wax dhacaysay uunbuu la saftay odaygii reer xoosh waxba lama waydiin ee beertii ayaa laga qaaday. Sidaasoo kale waxay ku dhacday odaygii hutelka khayriyada lahaa ee reer gadiid oo ninkii ay isqabteen ayuu madaxwaynuhu la saftay oo odaygii hotelkii siiraanyo siiyay laga qaad.
Sidoo kale waxay ku dhacday Proff Cabdi Cali oo xilkii uu hayey iska casilay markii madaxweynuhu dhagaysan waayey, ashkato wasiirku u geeyeyna maqlay.
Si kastoy tahay mudane madaxwayne qarankan hogaamintiisa adaan kuu daba fadhinaa. Dila noo dhistayaa qol ujeed dawga marisayaaba inaad madaxwayne tahay doodi kama taagna.
Ilahayaw laba talaba tiiroon sadex way tageene taa ina geele arab laqabo. Iyo kuwayga gaarka aha iyo kuwa soo socodaba nala qabo. Sidaad u aragtay adoon aflagaadaynayn madaxwaynaha qaranka farshaxan ku hadalkuna waa wax loobaahanyahay.