"Xataa Waxa Ku Adag Xukuumadda Somaliland Inay Isa Sixi Karto" Mujaahid Cali Guray

0
Friday May 08, 2020 - 09:16:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xataa Waxa Ku Adag Xukuumadda Somaliland Inay Isa Sixi Karto" Mujaahid Cali Guray

    "talo keeni maayo talona qaadan maayo saw afka ha loo dhaco uun maaha?"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"talo keeni maayo talona qaadan maayo saw afka ha loo dhaco uun maaha?"

Hargaysa (HWN) Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in xukuumada Somaliland aanay wax ahmiyad ah aanay siinin baadhitaanka xanuunka Coronavirus, balse ay ahmiyad siisay la dagaalannka qaadka oo uu sheegay in aanu waxba ka tarayn xakamaynta xanuunka Coronavirus.




Waxa uu sidaasi ku sheegay Mujaahid Cali Guray qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook, qoraalkaasi oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-

 

Djibouti

Coronavirus Cases: 1,133

Deaths: 3

Recovered:799

 

Dadka ilaa hadda la baadhay dalka Jabuuti tiradoodu waxay kor u dhaaftay 14000 halka Somaliland ay yihiin dad ka yar 200 oo qof 12 la xaqiijiyay 2 ay u dhinteen dhawr kalena ay bogsadeen.

 

Halkaa waxad ka arkaysaa Somaliland in aan haba yaraato eh wax ahmiyad ah la siinin baadhista xanuunka. Waxa kala muhiimsanaaday dagaalka Jaadka oo aan waxba ka tarin ka hor tagga COVID-19. Xataa waxa ku adag xukuumadda Somaliland inay isa sixi karto hadiiba qalad dhaco iyo inay talo qaadan karto sax ah. Markaa talo keeni maayo talona qaadan maayo saw afka ha loo dhaco uun maaha?

Loading...
Loading...