Aadan Istaanbay....W/Q Oday Oogle

0
Thursday May 07, 2020 - 12:54:53 in Articles by
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aadan Istaanbay....W/Q Oday Oogle

    Aadan Istaanbay....W/Q Oday Oogle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aadan Istaanbay....W/Q Oday Oogle



Aadan waxaa iskaga khaldamay labadii batan (button) ee midna loo isticmaalayey duubista (REC), ka kalena loo isticmaalayey joojinta duubista (Stand By).

Image may contain: 2 people, suit


Kamaraddii weynayd isagoo ay garabka u saaran tahay afkana taagaya ayuu taagan yahay albaabka ay ka galayaan arooska iyo aroosadda, iyo afar gabdhood oo malxiisado ah oo daba socday lamaanaha. Wuxuu bilaabay duubistii laakiin batanka uu riixay maaha kii duubista (Recording button) ee waa kii joojinta (stand by button).


Muu ogayne duubista wuxuu bilaabay intaanu gurigaba ka soo bixin. Caawa oo dhan wuxuu duubayey kabihiisa iyo kabaha dadka, iyo roogga dhulka yaala. Markuu gaadhiga saarnaa ee uu huteelka ku soo socdayna waxaa duubmayey jilbihiisa iyo heestii dirawalku dhagaysanayey.


Waxaa hoolka xafladda soo galaya arooskii iyo aroosaddii. Aadana wuu hagayaa si loo helo muuqaal qurux badan oo roomantic ah (romantic). ''Gacmaha is qabsada ka dibna aayar soo dhaqaaqa.'' ''Haye.'' ''Maya maya ha soo cararina dee, aayar aayar calaa kooraan sida filimaanta hindida.' ''Hayee, miyaannu ku celinnaa?'' ''Maya, dhib malaha haday idinku adkaatay hadhaw ayaan kumbuyuutarka isloow (slow motion) kaga dhigayaa.'' ''Ma galnaa hadaba?'' ''Maya waxaa dhiman idinkoo dhexda is haysta.'' ''Oo is ag soconna miyaa?'' ''Haa.''


Aroosadda habaryarteed ayaa hawsha kala wadda oo qaban qaabada ku qoran. ''Bes hadaba walaal inaga fasax ha galaane miskiinada yar taashka ayaa xoog u haya oo ma dhaqdhaqaaqi karto.'' ''Shaqadayda ha ii tilmaamin biliis (please).'' ''Haye walaal raali ahaw.'' ''U yeedh malxiisadaha oo saf soo gali.'' ''Naayaada wiilka amarkisa qaata si fiican ha idiinka duubee.'' ''No no no, sidan kuma shaqayn karo, qof kale oo sidan raali ka ah doonta anigu waan tagayaa.'' ''Walaal maxaa dhacay, ha xanaaqin biliis, naa dee inanka ha ka xanaajinina oo si fiican amarkiisa u qaata.'' ''Dee soo anagan qaadanayna muxuu kaloo rabaa?''


Aadan is xariifintii iyo af taagistii gabdho badan ayuu ku helay. Telefoono badan ayuu soo qortay laakiin shaqadii uu Cali Kamaradle u dirsaday muu soo qaban. Wuxuu soo duubay muuqaal afar saacadood soconaya oo kabihiisa u badan.


Cali markuu damcay inuu habeeyo (video editing) muuqaaladdii uu Aadan soo duubay wuu yaabay. Waxaa kaga soo baxay wax aanu filayn. Kolba wuu dhaafiyaa mise waa kabihii Aadan iyo xadhkihii kamaradda iyo qashaafadda. Hadana xoogaa ayuu dhaafiyaa mise waa isla sidii. Hadana wuu sii wadaa mise waa rooggii dhulka yaalay iyo surwaalkii Aadan. Mar mar waxaa u soo baxayey muuqaal degdegaya oo aan waxba laga fahmi karin. Waa markii uu Salma daba cararayey isagoo kamaradda wadhfinaya ee uu rabay inuu telefoonka ka qorto.


Is jiidjiidasho dheer ka dib arrintii waxay gaadhay booliska oo iyaguna u sii gudbiyey odayaasha dhinacyadii dacwaddu ka dhexaysay. Cali Kamaradle waxaa laga qaaday dhammaan kharashkii ku baxay xafladda arooska. Waxaana lagu xukumay inuu lacag la'aan ku duubo kuna habeeyo muuqaalka laga duubayo xafladda arooska marka dib loogu celiyo. Xitaa lacagta ku baxaysa afarta gabdhood ee malxiisadaha ah dharkooda iyo koofeerkooda, waxaa laba qaaday Cali Kamaradle.


Aadana wuxuu u baxsaday Garoowe markuu maqlay inay raadinayaan gabdho xanaaqsan oo budad wata. Waa gabdhihii malxiisadaha ahaa ee uu ka khasaariyey muuqaalkii ay rabeen in qurbaha laga daawado ka dibna laga soo jeclaado.


Dhamaad.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...