ALLOW Eex hanagu Cadaabin...W/Q Nuuradiin Diiini

0
Thursday May 07, 2020 - 12:28:45 in Articles by
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ALLOW Eex hanagu Cadaabin...W/Q Nuuradiin Diiini

    ALLOW Eex hanagu Cadaabin...W/Q Nuuradiin Diiini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ALLOW Eex hanagu Cadaabin...W/Q Nuuradiin Diiini


Hanti badan oo dawladeed ayaa si gaara loo la wareegay sifihii la doono haloola maree, Hantidaasi oo ah mid ma guurto ah, una badan Dhulbanaan iyo Guryo waxa qaatay intii dadka u mudnayd, intii ka shaqayn lahayd horumarka Umadda, dhamaan toodna ah dabaqada sare.

Image may contain: 1 person, sitting


Sida Ganacsatadii, Madax dhaqmeedkii, iyo Masuuliyiintii qaranka ugu saraysay.


Haddaba Suldaan Siciid Yuusuf oo dhawaan xukuumadu dib ugala soo noqotay Hotel Hargaysa Club wuxuu sheegay in wixii hanti Dawladeeda ee maqan si siman oo cadaalada loo soo wada celiyo waliba Madaxweynhu iska bilaabo isaga oo sheegay meelo mucayina oo ku maqan Mdaxweynaha, sida Beerta Geedeeble iyo Guriga Shacabka ee Madaxweynuhu dagan yahay imika iyo intii aanu madaxweynaha noqonba. Waxaanu yidhi Suldaanku " horta madaxweynuhu hayska bilaabo oo wixii ku maqan hasoo celiyo".


Haddii aanay taasi dhicin sidaa Suldaanku sheegay xaajadu waxa ay noqonaysaa "Geela duqdiisii durdurisay Aarankiisana maxaad u malayn".


Waa ha biqleeyo uun.


Inta badan mudooyinkan dambe waxa warbaahinta horteeda yimaada dad ka cabanaaya Madaxweynaha iyo qoyskiisa arimo dhuleed dartood.


Odhaah Soomaaliyeed baa tidhaa "Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura".


Fadlan Madaxweyne bal ka jawaab eedaha Suldaanku sida shaqsigaa uu kuugu soo jeediyay.


wiixii hanti umaddeeda ee maqana Soo celi sidaa aad Suldaanka uga soo celisay, wixii kale ee qaranka ka maqana soo celi, oo uu ugu horeeyo gurigii haweenka ee Womens Clubka, theaterka, xeredii taraafiga, linekii booliska, Iskuulkii Sheekh bashiir, guryihii hindiya linka, Beertaa geedeeble, Iwm.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...