Gummaadkii Kalshiikh - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 4aad

0
Thursday May 07, 2020 - 09:59:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gummaadkii Kalshiikh - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 4aad

    Si xawli ah ayay ciidankii dawladdu u soo dhex galeen tuulada Kalshiikh,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si xawli ah ayay ciidankii dawladdu u soo dhex galeen tuulada Kalshiikh, iyaga oo raggii joogay ku guray iskarogooyin, si degdeg ahna ugu dhaqaaqay meel ka baxsan tuuladaas.

 

Meel ku dhow tuuladaas ayay miino kula kacday gaadhi Beebee ah (APC), iyada oo ay ku dhinteen siddeed askari oo gaadhigaas saarnaa, sababtan awgeed ayaa raggaas loo ururiyay si loogu aargudo siddeeddaas askari ee miinadu la kacday.

 

Sida ku qoran warbixinta HRW, miinooyinka ay adeegsan jireen ciidankii Afweyne waxa laga keeni jiray dalka Masar, iyada oo aan la hubin in isla dalkaas lagu farsamayn jiray iyo in kale (Bogga, 94aad).

 

Inta ugu badan miinooyinkaas waxa dhulka ku aasi jiray ciidanka dawladda. Waxay ku aasi jireen waddooyinka magaalooyinka laga soo galo oo dhan, waddooyinka taga xeryahooga, waddooyinka taga goobaha biyaha laga cabbo iwm, si ay u hakiyaan dhaqdhaqaaqyada jabhaddii SNM. (isla bogga 94aad).

 

Halista miinadaas waxa u sinnaa kuwii aasay, kuwii loo aasay iyo dadka rayidka ahba. Marar badan, miinadu waxay la kici jirtay isla ciidaankii aasay badh ka mid ah, sababtaas awgeed ayaan loo caddayn karayn cidda runta ah ee dhulka ku aastay miinadaas la kacday Beebeega.

 

Dabcan, ninka laga awoodda badan yahay ayaa mar walba khaldan e, waxa dambiga miinadaas korka laga saaray shacabkii degganaa agagaarka halka ay ku aasnayd.

 

Warbixin ay Jeenawari 1989-kii diyaarisay Hay’adda Communitay Aid Abroad ee fadhigeedu yahay Australia, waxay sheegtay in maalin qudha ay 200 oo qof ciidankii Afweyne ku xasuuqeen degmada Ceel Afweyn, ka dib kolkii ay agagaarka degmadaas miino kula kacday laba askari.

 

Hay’addaas oo hadda magaceega u beddashay Oxfam Australia, warbixinteed waxay ku sheegtay in wixii halkaas ka dhacay loogu yeedhi karayay hal eray oo qudha: "Xasuuq”.

 

Dhiigga dadka waxa loo qubayay sida ugu macnaha daran, nafuhuna waxay gaadheen heer loo qudhgooyo sababta ugu liidata.

 

Aan ku noqdo Kalshiikh e, kolka ay marayso meel u dhaxaysa Kalshiikh iyo Ceel-Afweyn ayaa iskarogadii dhinacyada lagala maray qoriyo waaweyn oo gawaadhi saarnaa, waxaana la rogay jambigii dambe ee iskarogada oo dabcan ay dadkii saarnaayeen.

 

Si ka arradan tudhaale iyo naxariisba ayaa dadkii iskarogadaas saarnaa rasaas loogu furay. Maalintaas, waxa halkaas ku qudh-baxay 44 dulmane oo aan wax sharci ah la hor geyn, hadduu doono haba marooro sharcigaasi e, iyada oo loo laayay si loogu aargudo siddeeda nin ee ay la kacday miinada aan la hubin cidda runta ah ee dhulka ku aastay.

 

Magacyadoodii waa kuwan hoos ku taxan (14 qof ayaa ka maqan). Waxa la xasuuqay bishii Ogos, sannadkii 1988-kii:

 

1. Cabdillaahi Cabdi Jibriil

2. Saalax Dhunkaal Xirsi

3. Saleebaan Dhunkaal Xirsi (Ka sare walaalkii)

4. Maxamed Garase Xaamud

5. Cawed Axmed Xasan

6. Aadan Jaamac Cabdi

7. Yuusuf Axmed Xasan

8. Xasan Diiriye

9. Maxamed Xasan Diiriye

10. Cali Faarax Cabdi

11. Cali Ibraahim Diiriye

12. Cabdirisaaq Maxamed Saalax

13. Maxamuud Cawil Axmed

14. Muuse Xayir Digaale

15. Ina Xasan Sheekh Jaamac

16. Ibraahin Xasan Yuusuf

17. Maxamed Shire Mire

18. Siciid Maxamed Cabdulle

19. Shire Cali Hurre

20. Muuse Abokor Xasan

21. Khalif Dubbe

22. Siciid Khaliif Dubbe

23. Maxamed Ibraahin Dubbe

24. Xasan Ibraahin Dubbe

25. Baashe Xasan Xuseen

26. Ina Cali Aw Barre

27. Saalax Maxamed Axmed

28. Faysal Bulaale Gabaydhe

29. Ina Mire Rooble

30. Cali Cabdi

 

Tixraac;

Human Rights Watch, a government at war with its own people, Bogga 94aad iyo lifaaqa koowaad.

Community Aid Abroad, Agency statement on Somalia, January 1989.

Qore: Maxamed Sharma'arke

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...