Joojinta Qaadka Iyo Qalyo-dhaanta Oromada W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Thursday May 07, 2020 - 09:51:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joojinta Qaadka Iyo Qalyo-dhaanta Oromada W/Q: Cali Cabdi Coomay

    " There is no free lunch in the World"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" There is no free lunch in the World"

3-dii bishan Ramadaan waa tii ay guddiga ka hortagga Koronaha Soomaalilaan go’aan ku joojiyeen qaadkii sida sharciga ah uga soo tallaabayey xuduuda ay wadaagaan Soomaalilaan iyo Itoobiya. In kasta oo sidii uu madaxweyne Biixi hore u sheegay uu afarta beeni-garjo uu qaad koonrabaan ahi uu magaalooyinka dalka ka soo galo, haddana go’aankii joojinta sharciga ahaa wuu fulay. In kasta oo joojintu ay ku meel gaadh tahay. Joojintaasi dhinaca Soomaalilaan waxa looga arkay in lagu guuldaraystay oo dawladu keligeed ay cashuurteedii ku weyday. Dawladuhu dano kala duwan ayey leeyahay, xigmad af-faranji ah ayaa tidhaa” There is no free lunch in the World”



Hasayeeshee dhinaca Itoobiya gaar ahaan deegannada Oromada ayaa khatar weyn oo dhaqaale looga arkay ama laga dareemay. Dhawr qoddob ayey qaad joojintu ku keenay deegaannada Oromada iyo degmada Wajaale sida ay sheegayaan  xogo ka soo baxay Itoobiya iyo deegaannada xuduudaha:


= Joojinta qaadka ayaa ku soo beegmay xilli roobaad, waxaana adkaanaysa in aan qaadka beeraha lagu sii deyn oo ay tahay in deg deg loo jaro. Haddii kale cayayaan ayaa ku dhasha beeraha xilligan oo gebi ahaanba beeraha bi’iya. Waana khasab in qaadka mar kasta la jaro.


= Cabsi soo food saartay gancsatada qaadka oo wadnaha farta ku haysa in hantidoodii la xaraasho, maadaama oo ay maalgashii ka sii qaateen Bangiyada dalka Itoobiya.


= Dekhligii qaadka uga soo xeroon jiray dawlada dhexe ee Fadaraalka oo si weyn hoos ugu dhacay.

= Oromadii wax ka iibsan jirtay magaallo xuduudeeda Wajaale oo hooso u dhac weyn laga dareemayo. Waayo lacagta qaadka ayey dib wax ugaga iibsan jireen Wajaale


= Shirar u socda madax Kililka afraad ee Oromada iyo ganacsatada qaadka, waxaana lagaga arrinsanayaan wixii laga yeeli lahaa culayska dhaqaale ee ka soo kordhay qaad joojinta ay Soomaalilaan ku kacday.


= Madaxda dhaqanka Oromada ayaa baaq dheer u diray dawlada fadaraalka Itoobiya, waxaanay u sheegeen in Soomaalilaan lagala xaalo qaad joojinta, lana wanaajiyo xidhiidhka maadaama oo ay yihiin ilo dhaqaale.


= Warbaahinta maxliga ah ee deegaannada Oromada oo soo xignaysay wararka iyo muuqaallada qaadka ay ciidamada Soomaalilaan ee ilaalada xuduuduhu ku gubayaan goobaha ay qaadka ku qabtaan.


= Aqoonyahannada Oromada oo dood-cilmiyeedyo ka sameeyey qaad joojinta, waxa ay ku taliyeen in beeraleyda Oromadu aanay isku haleynin beerashada qaadka oo keliya, oo ay suurtagal noqon karto inay Soomaalilaan gebi ahaanba meesha ka saarto qaadka sannadaha soo socda,  taasina ay dhaqaalaha Itoobiya adhaxda jebinayso. Waxa ay ku taliyeen in aan la noqon sida dawladaha Khaliijka ee shidaalka oo keliya dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay, ee dhawaan afka ciida daray markii adduunka xayiraad galay cudurka Korona awgii.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...